Siyaasiyiintu ha u daayeen qof waliba khibradiisa uu Dalka ugu shaqeeyo=Nasashada Jimcaha.Q-150 aad=

0
Friday December 28, 2018 - 22:01:20 in Wararka by
  • Visits: 790
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiyiintu ha u daayeen qof waliba khibradiisa uu Dalka ugu shaqeeyo=Nasashada Jimcaha.Q-150 aad=

    1-Reer Galbeedka, haddii Nin iyo Xaaskiisu kala tagayaan Hantida waa loo qeeybiyaa, Nin Somali ah oo Qurbaha joogay ayaa Xaaskiisii ku yiri: Maanta natiijadii Baqtiyaa nasiibka waa la soo dhajiyay ee haddii aan Maanta Baqtiyaa nasiib ku guuleysto max

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Reer Galbeedka, haddii Nin iyo Xaaskiisu kala tagayaan Hantida waa loo qeeybiyaa, Nin Somali ah oo Qurbaha joogay ayaa Xaaskiisii ku yiri: Maanta natiijadii Baqtiyaa nasiibka waa la soo dhajiyay ee haddii aan Maanta Baqtiyaa nasiib ku guuleysto maxaad sameyn laheyd? Waxa ey ku tiri: bar ayaa qaadan lahaa, waana kaa ag tagi lahaa. Waxa uu ku yiri: 10 Dollar ayaan ku guuleystay ee barkaaga qaado iskana tag, 10ka Dollar ayaa i kaa tustaye. ( F.S: 1aad) (Somalidu waxayna hubsan armey ku kala tageen) 2- Nin waalan oo ku jira Isbitaalka Dadka waalan, ayaa isaga oo Dabqa Sare ee Isbitaalka ka soo kaadinayo, waxaa soo Hoos maray Dhakhtarkii iyo wasiirkii caafimaadka, Kaadidii ayuu ka joojiyay intii ey ka gudbayeen.

Wasiirkii ayaa yiri: war Ninkaan na xushmeynayo waa caafimaad qabaa ee maad ka bixisaan isbitaalka. Ninkii ayaa loo yeeray, wasiirkii ayaa ku yiri: waad ku mahadsantahay sida aad noo xushmeysay, in adiga oo dabaqaa saaran aad kaadidii naga joojisay, waadna bixi kartaa saacadan laga bilaabo.

Dhakhtarkii ayaa ku yiri Ninkii: Maxaad nooga joojisay kaadida? Ninkii ayaa yiri: in aad iga caqli badantihiin miyaad moodeen, waxaad rabteen in aad kaadideyda Xarig ka dhigataan oo aad Dabaqa ku soo kortaan, anna waan idinku fahmay. Dhakhtarkii ayaa yiri: Haye wasiir ma fasaxnaa?. ( F.S: 2aad)

(Siyaasiyiintu ha u daayeen qof waliba khibradiisa uu Dalka ugu shaqeeyo)

3- Wiil Gabar faduulinayay ayaa ku yiri: Gabar iyo Daanyeer waxa ey isaga mid yihiin MOOS raadis.

Gabdhii ayaa iyana ku tiri: Wiil iyo Dooli waxa ey isaga mid yihiin, marba God cusub raadis. ( F.S: 3aad)

Oday ag taagnaa ayaa yiri: aan idin weydiiyee : Mucaarad iyo Siyaasi Careysan maxey isaga mid yihiin, Muxaafid iyo Maal doonna maxey isga mid yihiin?

4- wiil geel jire ahaa oo Doobnimo ku raagtay, ayaa Aabihii ka codsaday in Saddex Gabdhood isku mar loo guuriyo. Aabihii ayaa ku yiri: Maandhoow xoolo aan Saddex sooryo ku bixino ma heyno ee aan mid kuu guuriyo. Wiilkii ayaa yiri: Aabe Doobnimaa igu raagtay, Murqaheyga iyo shiirkeeyga ma dareemin miya, wax kale iska daaye Geelii ayaanba u ekaaday, hal Xaas iima adkeysan karto, waa nagu dhimanee ee walba Laba iiga dhig, wax Labo ka yar hamuunta igama gooyaane, iyagana waan u naxayaa oo ima xamili karaan. Odayii ayaa yiri: waan kaa aqbalay, laakin hal habeen lama wada aqal galeysid, Todobo Cisho kadib ayaa tan kale laguu keenayaa.

Sidii ayaa la yeelay, wiilkiina waa aqal galay. Todobo Cisho kadib, ayaa Odaygii waxa uu ujeeday wiilkii oo soo Luud luudayo, markii uu u yimid ayuu ku yiri: wiilkeygiiyoow nasoo bixi, Odayaal ayaa na sugayo Gabadhii kale ayaan kuu dooni lahaa.

Wiilkii ayaa yiri: Maya maya Aabe iska dhaaf, Bis waaye, tanaaba Tolka oo dhan ku filan. ( F.S: 4aad)

( Beryahan baraha bulshada waxan ku arkayay Rag Laba xaas hal habeen la wada aqal galay. Yaa ka waramo hadda labadii ma wada joogaan, Hunguri iyo Hamuunu yeey ku hodin ee is hubso).

5- Oday ayaa yiri: Datoore wiilkeeyga 7 Sanno jir ka ahi waa xariif, Gabdhaha ii shaqeeynayay oo dhan ayuu uureeyay. Dhakhtarkii ayaa yiri: sideey ku dhacday?, odaygii ayaa yiri: war Cirbad yar ayuu soo qaatay markaa ayuu intaan maqanahay "Condom” keeygii ( Bullet proofka Baajada) madaxa ka wada dalooliyay.( F.S: 5aad)

(Waa kuwama Ciyaalka, Nabadda Soomaalidu markii ay soo muuqataba cirbadaha ku mudo?)

6- Haweeney ayaa Ninkeeda ku tiri: Xaliimada Deriskeena ah, Ninkeedu mar kasta oo uu shaqa aadayo waa dhunkadaa, adiga maxaa kugu dhacay. Waxa uu yiri: anigu siden u shuminaa Xaliimo weliba isma naqaane. yaah, war ma iyada shumi ayaan ku iri, dhabaaxo iyo shaar jeexan waa la sheegayay.

( Adiguna si aanan hadalka u dhigin ha u qaadan)

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip