Macalinka Stoke Oo U Jawaabay Arsene Wenger Ka Dib Markii Tababaraha Arsenal Uu Dib U Soo Cusbooneysiisayay Dagaalka Uu Kula Jiro Stoke.

0
Monday January 18, 2016 - 11:58:33 in Sports News by
  • Visits: 687
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macalinka Stoke Oo U Jawaabay Arsene Wenger Ka Dib Markii Tababaraha Arsenal Uu Dib U Soo Cusbooneysiisayay Dagaalka Uu Kula Jiro Stoke.

    Mark Hughes ayaa dib isaga weeraray Arsene Wenger ka dib markii tababaraha Arsenal uu dib u soo cusbooneysiiyay dagaalkii uu kula jiray kooxda Stoke City.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mark Hughes ayaa dib isaga weeraray Arsene Wenger ka dib markii tababaraha Arsenal uu dib u soo cusbooneysiiyay dagaalkii uu kula jiray kooxda Stoke City.

Hughes ayaa careysnaa markii uu maqlay Wenger oo qaab ciyaareedka kooxdiisa ku tilmaamay mid xoog ku dhisnaa iyo weliba dagaal.

Macalinka Stoke City oo careysan ayaa yiri: "Waxaan maqlay Arsene oo sheegaya inay lama filaan ku noqotay inaan ciyaarnay kubad xoog ku dhisan. Ma hubo ciyaartii uu daawanayay.

"Uma maleynayo inuu jiro kaar hurdi ah oo la bixiyay. Ma aqaan ciyaarta xooga ku dhisan ee la sheegayo.

"Waxaan ciyaarta u qaabilnay sida ugu saxan, waxaan dejinay ciyaarta, waxaana isku dhex wadnay baasas iyo dhaqdhaqaaq fiican.

"Waxaan u maleynayay inay aheyd ciyaar kubadeed oo fiican oo ay labada kooxood isku dayayeen inay badiyaan ciyaar muhim aheyd oo Premier League ah. Hubaashiina waa waxa aan sameyneynay.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip