WARBIXIN: Shan Waxyaabood Oo Aan Ka Baranay Kulamadii Premier League Ee La Ciyaaray Sabtidii Iyo Shalayto.

0
Monday January 18, 2016 - 11:55:21 in Sports News by
  • Visits: 700
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Shan Waxyaabood Oo Aan Ka Baranay Kulamadii Premier League Ee La Ciyaaray Sabtidii Iyo Shalayto.

    Manchester City ayaa ahaa guuleystayaasha saxda ah ee kulamadii la ciyaaray sabtidii iyo axadii iyagoo ku soo dhawaaday kooxaha Arsenal iyo Leicester ee kaga sareeya hogaanka horyaalka Premier League.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester City ayaa ahaa guuleystayaasha saxda ah ee kulamadii la ciyaaray sabtidii iyo axadii iyagoo ku soo dhawaaday kooxaha Arsenal iyo Leicester ee kaga sareeya hogaanka horyaalka Premier League.

Kooxda Manuel Pellegrini ayaa 4-0 kaga badiyay kooxda Palace, waxaana ay dhibcood ka hooseeyaan kooxaha Gunners iyo Leicester City.

Kooxda Arsene Wenger waxaa ku dhgtay Stoke City halka kooxda laga yaaban yahay xilli ciyaareedkan ee Leicester ay barbaro la gashay kooxda ugu hooseysa horyaalka ee Aston Villa.

Dhanka kale, Manchester United ayaa ka badisay Liverpool iyadoo uga mahadcelineysa goolkii afaraad ee Rooney uu dhaliyay shan kulan gudaheed, halka Chelsea ay u baahneyd gool muran uu ku jiro oo uu daqiiqadii 98aad dhaliyay John Terry si ay barbaro uga helaan Everton.

Hadaba waxaan halkaan ku soo gudbineynaa shan waxyaabood oo aan ka baranay kulamadii sabtida iyo axada.

3

1) Labada kulan ee Man City u soo socda oo waji kale u yeeli kara tartanka horyaalka.

Ka dib markii ay labo barbaro oo goolal la’aan ah ay galeen seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League, City ayaa u baahneyd giil si ay dib ugu soo laabtaan wadada tartanka horyaalka waxaana ay garaaceen kooxda Palace iyagoo dhibic u jirsaday kooxaha ka sareeya ee Leicester City iyo Arsenal.

Laakiin labada kulan ee soo socota ee Premier League ee ay gurigooda kula ciyaarayaan kooxda ay haatan tartanka horyaalka isku heystaan ee Leicester City iyo Tottenham oo ay horaanta bisha danbe is arkayaan ayaa wax weyn ka sheegi karta hamigooda hanashada horyaalka ee xilli cyaareedkan. City waa ku qasab inay soo bandhigto qaab ciyaareedkii isbuucaan islamarkaana ay bilowdo inay qaab ciyaareed joogta ah soo bandhigo haddii ay doonayaan inay u sarre maraan hogaanka horyaalka.

2

2) Taatikada Man United oo aan weli la isku haleyn karin

Liverpool vs Manchester United ayaa aheyd kulan qabow iskaba daa inuu gaaro meel kulul sida caadiyan looga bartay marka ay labadaan kooxood iska horyimaadaan.

Taatikada ay United la soo shirtagtay iyadana ma aysan caawinin xaalada, iyagoo u muuqday inay ka cagajiidayaan inay tiro badan weerar ku qaadaan, waxaana ay taas bedelkeeda doonayeen inay si aayar ah kubada ugu dhex baasaan garoonka xitaa marka ay u muuqdeen inay heystaan fursad fiican oo ay ku jabiyaan daafaca Liverpool.

Liverpool ayaase u muuqatay mid weerar ku soo shirtagtay iyagoo ku soo galay shax ciyaareedka 4-3-3 laakiin waxa ay durbadiiba isku bedeleen 4-4-2, waxaana ay aakhirkii u biyo shubteen 4-5-1, taasoo keentay in khadka dhexe lagu rafaado muddo saacad ah.

1

3) Oxlade-Chamberlain wuxuu ka ciyaari karaa dhexda.

Kulankii Stoke waxa ay tijaabo weyn u aheyd Oxlade-Chamberlain inuu ka ciyaaro karo wadnaha khadka dhexe ee Arsenal sababtoo ah Gunners waxa ay tabeyso Mesut Ozil iyo Alexis Sanchez oo dhaawac ahaa, waxaana uu u ciyaaray si aad u fiican kulankii ay ka horyimaadeen kooxdii hore ee aabihiis.

Waxaa gool ka beeniyay Jack Butland kaasoo badbaadin cajiib ah sameeyay kulankii barbaraha goolal la’aanta ku dhamaatay ee ka dhacay Britannia Stadium.

Chelsea-v-Everton

4) Hoos u dhaca Nemanja Matic oo sii socda

Hoos u dhaca xididga reer Serbia ayaa aheyd mid lama filaan ah islamarkaana naxdin ku aheyd ciyaaryahan walba oo Chelsea ah tan iyo markii ay ku guuleysteen horyaalka. Sannadkii hore waxaa lagu amaanay inuu ahaa burburiyaha khadka dhexe ee ugu fiican horyaalka.

Maanta xilli ciyaareedkiisa waxa uu gaaray meeshiisii ugu hooseysay. Waxaa looga adkaaday dagaalkii khadka dhxe kulankii Everton, si la filayay ayaana loo bixiyay xilli hore.

Aston-Villa-v-Leicester-City

5) Mahrez waa inuu joojiyaa inuu rigoore u tuuro Leicester

Riyad Mahrez ayaa qasaariyay rigoore muhim aheyd kulankii ay dhawaan barbaraha la galeen Bournemouth, waxaana hadana shalayto laga beeniyay rigoore kale oo uu ka badbaadiyay Mark Bunn kulankii ay barbaraha kala kulmeen Aston Villa.

Hubaashii Jamie Vardy ayay tahay haatan inuu rigoorada u tuuro Leicester. Kooxdaan wacdaraha ka dhigeysa Premier League xilli ciyaareedkan ayaa loo dhigay sagaal rigoore xilli ciyaareedkan in ka badan shan rigoore inta ay heshay koox kale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip