Benzema Oo Kulankiisii 300aad Ee Real Madrid Guul Iyo Goolal Ugu Dabaaldegay Iyo Wax Walba Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato.

0
Monday January 18, 2016 - 11:52:28 in Sports News by
  • Visits: 729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Benzema Oo Kulankiisii 300aad Ee Real Madrid Guul Iyo Goolal Ugu Dabaaldegay Iyo Wax Walba Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato.

    Karim Benzemaayaa ciyaaray kulankiisii 300aad ee Real Madrid isagoo ugu dabaaldegay labo gool uu ka dhaliyay Sporting de Gijon kulankii ay 5-1 kaga badiyeen ee ka dhacay Santiago Bernabey. Waxa uu 300 kulan ku gaaray xilli ciyaareedkiisii todobaad ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Karim Benzemaayaa ciyaaray kulankiisii 300aad ee Real Madrid isagoo ugu dabaaldegay labo gool uu ka dhaliyay Sporting de Gijon kulankii ay 5-1 kaga badiyeen ee ka dhacay Santiago Bernabey. Waxa uu 300 kulan ku gaaray xilli ciyaareedkiisii todobaad ee kooxda, waxaana uu ku riyaaqay 215 guul, halka uu mudadaas ku dhaliyay 153 gool.

Kulamada 300 ee uu saftay Benzema ayaa u kala qeybsama lix tartan: Horyaalka La Liga (203); Champions League (58); Copa del Rey (30), Spanich Super Cup (6) Club World Cup (2) iyo European Super Cup (1).

Benzema ayaa dhaliyay 20 gool 19 kulan uu saftay ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan. 300 kulan uu saftay waxa uu abuuray 396 fursadood, waxaana bartilmaameedka darbooyinkiisa ay ahaayeen kuwa saxan in ka badan boqolkiiba 60.

Waxa uu ku biiri doonaa liiska 10ka xiddig ee abid ugu goolasha badan taariikhda Real Madrid haddii uu dhaliyo labo gool kale isagoo barbareyn doona ninka haatan kaalinta 10aad ku jira ee Amancia Amaro oo 155 gool leh.

Benzema ayaa mudadii uu kooxda boqortooyada joogay waxa uu ku guuleystayChampions League, Uefa Super Cup, FIFA Club World Cup, La Liga, labo Copa del Rey iyo Supercopa de Espana.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip