Diego Costa Oo Shaki Uu Ku Jiro Inuu Ciyaari Karo Kulanka Axada Ee Chelsea Iyo Arsenal.

0
Monday January 18, 2016 - 11:49:50 in Sports News by
  • Visits: 636
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diego Costa Oo Shaki Uu Ku Jiro Inuu Ciyaari Karo Kulanka Axada Ee Chelsea Iyo Arsenal.

    Diego Costa ayaa nabar uu ka soo gaaray laf dheerta intii uu socday kulankii ay barbaraha sabtidii la galeen kooxda Everton laakiin waxaa la sugayaa ilaa iyo inta uu weeraryahanka Chelsea maqnaan karo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diego Costa ayaa nabar uu ka soo gaaray laf dheerta intii uu socday kulankii ay barbaraha sabtidii la galeen kooxda Everton laakiin waxaa la sugayaa ilaa iyo inta uu weeraryahanka Chelsea maqnaan karo.

Costa ayaa loo diray inuu raajo saaro laf dheertiisa ka dib markii uu ka tagay Stamford Bridge, waxaana Press Association Sport ay fahamsan tahay in natiijada baaritanaka ay muujisay inuusan jirin wax jab ah ama jeex ah kaliya ay aheyd jug xoogan soo gaartay.



Laakiin waa xilli hore in la go’aansado inuu Costa awoodi doono inuu ciyaaro kulamka axada ee Premier League ee ay leeyihin kooxda waqooyiga London ee Arsenal.

27 jirka reer Brazil balse dhalashada ka qaatay Spain ayaa daweyn u yimid garoonka tababarka Chelsea shalayto, inkastoo kooxda inteeda kale uu tababare Guus Hiddink siiyay fasax labo maalmood ah.

Costa ayaa dhaliyay goolkii hore ee Chelsea iyadoo Blues ay ka soo kabsatay 2-0 hogaanka looga hayay iyagoo barbaro 2-2 ah ka dhigay, waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-3 markii John Terry uu waqtigii dhimashada gool ka dhaliyay Everton.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip