Brendan Rodgers Oo Shaaca Ka Qaaday Sida Ay Liverpool Ku Seegtay Saxiixyada Delle Alli Iyo Alexis Sanchez & Siyaasada Suuqa Kala Iibsiga Liverpool.

0
Monday January 18, 2016 - 11:46:49 in Sports News by
  • Visits: 685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Brendan Rodgers Oo Shaaca Ka Qaaday Sida Ay Liverpool Ku Seegtay Saxiixyada Delle Alli Iyo Alexis Sanchez & Siyaasada Suuqa Kala Iibsiga Liverpool.

    Brendan Rodgers ayaa shaaca ka qaaday in Liverpool ay ku dhaweyd saxiixa Dele Alli markii uu tababare ka ahaa kooxda. Wareysi xiiso leh oo uu siiyay Sky Sports, Rodgers ayaa daaha ka qaaday siyaasada suuqa kala iibsiga ee kooxda Liverpool iyo gudiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Brendan Rodgers ayaa shaaca ka qaaday in Liverpool ay ku dhaweyd saxiixa Dele Alli markii uu tababare ka ahaa kooxda. Wareysi xiiso leh oo uu siiyay Sky Sports, Rodgers ayaa daaha ka qaaday siyaasada suuqa kala iibsiga ee kooxda Liverpool iyo gudiga wax soo iibinta kooxda.

Rodgers ayaa shaaca ka qaaday sida ay kooxdiisa ugu dhaweyd inay Tottenham ku garaacaan Dele Alli, kaasoo ugu danbeyn heshiis 5 milyan ginni ah ugu wareego kooxda waqooyiga London ka dhisan.

"Waxaan u maleynayay inaan heysano isaga, nasiibdarro ma aanan helin, waxaana uu ku danbeeyay Tottenham” ayuu yiri Rodgers.

rodgers_out_3551535b

Rodgers ayaa sheegay in heshiis shaqsi ah lala gaaray xiddiga khadka dhexe ka dib kulan lala yeeshay 19 jirka iyo waalidiintiisa, laakiin labada kooxood ayaa ka heshiin waayay lacagta.

"Nidaamka suuqa kala iibsiga ee kooxda waa uu ka yara duwan yahay kooxaha kale” ayuu yiri Rodgers.

"Waxaa jira guddi suuqa kala iibsiga qaabilsan oo shaqadooda ay tahay inay ciyaartoy keenaan kooxda.”

Rodgers oo waqtigiisii ay kooxda suuqa kala iibsiga ku qarashgareysay ku dhawaad 300 milyan ginni ayaa sheegay inuusan marnaba go’aanka ugu danbeeya helin marka ay timaado saxiixyada kooxda.

"Haddii ciyaaryahanka aad dooneyso uusan ku jirin liiska ay ku soo bandhigaan waa inaad dooroto qof kale” ayuu yiri Rodgers.

"Tusaale ahaan haddii aad dooneysid daafac bidix, laakiin midka aad dooneysid uusan ku jirin liiska ay ku soo bandhigeen gudiga suuqa kala iibsiga, waa inaad doorato midka ugu fiican ciyaartoyda ay ku soo bandhigaan.”

Manchester United v Liverpool - Barclays Premier League

Isagoo ka hadlayay xilli ciyaareedkii 2014-15, Rodgers ayaa yiri: "Dhabarjabkii ugu weynaa ee xilli ciyaareedkaas waxa uu ahaa inaan ku fekereynay inaan heleyno Alexis Sanchez.

"Waxaan dooneynay inaan Sanchez iyo Rickie Lambert la soo wareegno laakiin ma aanan helin Sanchez, waxaan helnay Rickie.

"Gooldhaliyaheena kaliya waxa uu ahaa Rickie Lambert. Isagoo 32 sanno jir ahaa islamarkaana aan Champions League ciyaareynay ma aheyn weeraryahan nagu haboonaa.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip