Maxay tahay sababta dalka looga Mamnuucay Hay'adda uu maamulo Matt Bryden ?

0
Tuesday December 18, 2018 - 07:41:57 in Wararka by
  • Visits: 295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay tahay sababta dalka looga Mamnuucay Hay'adda uu maamulo Matt Bryden ?

    Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in guud ahaan Soomaaliya laga mamnuucay Hay'add lagu Magacaabo Sahan ,taasoo ka shaqeysa Cilmi baarista,islamarkaana uu Madax ka yahayMatt Bryden oo u dhashay dalka Canada, kaasoo horay isku duwe uga soo no

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in guud ahaan Soomaaliya laga mamnuucay Hay'add lagu Magacaabo Sahan ,taasoo ka shaqeysa Cilmi baarista,islamarkaana uu Madax ka yahayMatt Bryden oo u dhashay dalka Canada, kaasoo horay isku duwe uga soo noqday Kooxda Monitoring Group.

Waxyaabaha ugu weyn ee dalka looga mamuucay ayaa waxaa qeyb ka ah in ay Soomaaliya ka gudbin jirtay xoggo aan sax aheyn,taasoo in badan ay baaris ku waday Wasaaradda Amniga ee dowladda Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga ayaa lagu sheegay in hey’adda Sahan Research laga joojiyay, lagana mamnuucay dhammaan wixii shaqo ay ka waday dalka, sababo la xiriira amniga qaranka, xasilloonida iyo Midnimada dalka.

Matt Bryden oo ah nin aad uga faalooda arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa dalka ka ceyriyay Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif sanadkii 2012 ka dib markii uu soo saaray warbixin muran badan dhalisay oo Madaxdii hore ee dalka lagu eedeeyay inay musuq maasuq ku lug leeyihiin, hantiddana ay dhigtaan Bangiyo gaar ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip