Maxaa looga hadlay Kulankii Kheyre iyo Mursal?

0
Tuesday December 18, 2018 - 07:38:26 in Wararka by
  • Visits: 323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa looga hadlay Kulankii Kheyre iyo Mursal?

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Wasaaradda Tacliinta Sare kulan kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Kulankaan ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Wasaaradda Tacliinta Sare kulan kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray sidii wada shaqeyn ay u dhexmari leheyd Xukuumadda Soomaaliya iyo waliba Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka dhaxeeyay Khilaaf.

Kulanka ayaa waxaa soo qabanqaabiyay xildhibaano ka mid ah Golaha Shacabka ,kuwaasoo wadda dhexdhexaadinta Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Mooshin laga keenay.

"Waxa aan caawa kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo aan ka wada hadalnay xoojinta wada shaqeynta xukuumadda iyo Golaha Shacabka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip