SAWIRO: 8 Sano ka dib Madaxweynihii ugu horreyay oo booqday Suuriya

0
Tuesday December 18, 2018 - 00:07:12 in Wararka by
  • Visits: 310
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO: 8 Sano ka dib Madaxweynihii ugu horreyay oo booqday Suuriya

    Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horeeyay ee booqda magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya tan iyo markii uu dalkaasi ka bilowday dagaalada sokeeye ku dhowaad 8-sano ka hor. Wakaaladda Wararka Suuriya ee S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horeeyay ee booqda magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya tan iyo markii uu dalkaasi ka bilowday dagaalada sokeeye ku dhowaad 8-sano ka hor. Wakaaladda Wararka Suuriya ee SANA ayaa sheegtay in Madaxweyne Al-Bashir si weyn loogu soo dhoweeyay Gegida Diyaaradaha ,isla markaana uu soo dhoweeyay Madaxweyne Bishaar al-Asad ka hor inta aysan labada madax u ambabixin qasriga Madaxtooyada. Labada hoggaamiye waxa ay ka wadahadleen xiriirka labada dhinac,xaaladaha iyo rabshadaha ka dhexjira qaar ka mid ah dalalka Carabta,sida ay xaqiijisay Madaxtooyada Suuriya. Madaxweyne Al-Bashir ayaa rajo ka muujiyay in sida ugu dhaqsaha badan uu u soo laaban doono kaalintii dalka Suuriya uu ku lahaa gobolka,wuxuuna xaqiijiyay dalkiisa in uu bixin doono taagero kasta oo muhiim u ah dalkaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip