Maanta iyo waddooyinka Xamar!!!
Dhibaatooyinka qaar.
Arday badan ayaa wax barashadii ka dib dhacday, Dad ayaa Maqaayado Ku leh waddooyinka xirnaa hareerahooda waxa ey sii diyaariyeen quraac. Laakin macaamilkii ey filayeen uma imaan. Kuwa kale ayaa khudaar u soo Qaaday Magaalada iyana waa soo gudbin waayeen, kuwa kalena waa la mid. Dadkaasi sharci ahaan waxa ey magdhaw u leeyihiin in loo celiyo wixii Ka khasaaray haddaan hore loogu sii sheegin in wadooyinka la xirayo. ( F.S: 2aad)
In kasta oo Magaalada qeyb kaliya ey Ka xirneed weliba maalin gelinkeed oo kaliya, Hantida khasaaray waxaan Ku qiyaasi lahaa $ 400.000, Lacagta aan khasaarin Laakin la is dhaafsan lahaa ee baaqatayna $ 900.000.
Sababaha waddooyinka loo xiro inta badan waa maddax imaaneyso ama dhoofeeyso, shir Baarlamaan, xarumo la furayo, madax arooseyso, xarummo la furayo, shir xisbi, Arrimo nabadgalyo IWM.
Dhibaatada dhaqaale Ka sokoow waxaa Ka dhasha kuwo bulsho, qof xnuunsan, meyd , curyaan oo aan helin fursadii lagu geeyn lahaa xarumihii ey u socdeen.
Waa muhim, lagumana eedeeyn Karo Hayadaha Nabadgalyadu in ey waddado u xiraan Arrimo nabadgalyo waxaase loo baahan yahay.
1- in la sii sheego.
2- waqtiga xirnaanshaha in la yareeyo.
3- in xirnaanshuhu uu Ku koobnaado Aag xadidan.
4-in ciidamada ey muujiyaa iskaashiga shacabka.
5- Amarka madaxdu waa gaaraa shacabka, Laakin cabashada Shacabku ma gaaro madaxda ( F.S: 3aad)
Qore: Yahya Amir
Maanta iyo waddooyinka Xamar!!!
Maanta 17/12/2018.Dadka Magaalada qofba xaalad ayey la kulantay. Annigu maxaan la kulamay? Waddoyinku waa xirnaayeen qaybo Ka mid ah Magaalada, waan iska joogi lahaa Guriga, Laakin waxaan ogaa Ballan aan Ka Qaaday Ardayda Jaamacadda Capital, in kast