Dhageyso:- Aqalka Sare Oo War Ka Soo Saaray Xal Ka Gaarista Khilaafka Guddoonka Golaha Shacabka

0
Monday December 17, 2018 - 23:56:34 in Wararka by
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:- Aqalka Sare Oo War Ka Soo Saaray Xal Ka Gaarista Khilaafka Guddoonka Golaha Shacabka

    Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii dalka Turkiga uu kaga soo qeyb galay shir loogu magacdaray "Masjidul Qudus"kaasi oo looga hadlayay arrimaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii dalka Turkiga uu kaga soo qeyb galay shir loogu magacdaray "Masjidul Qudus"kaasi oo looga hadlayay arrimaha Falastiiin iyo caasimadda Qudus.

 

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa markii uu yimid Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay xalka laga gaaray Khilaafkii u dhexeeyay Guddoonka ugu sarreya Golaha Shacbaka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo sababay in ay hakadaaan Shaqooyinkii Golaha Shacabka.

Waxa uu Guddoomiyaha hambalyo u diray Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanadii ka qaatay sidii loo dhammeyn lahaa,xalna looga gaari lahaa khilaafkii u dhexeeyay Guddoomiye Mursal iyo labadiisa kuxigeen,wuxuuna sheegay in uu yahay mid geesimino ah.



Hadalkaan Guddoomiyaha Aqalka ayaa waxa uu ku soo aadayaa xili shalay Muqdisho kulan ay ku yeesheen Guddoonka Golaha Shacbaka ay xal iyo is afgarad kaga gaareen wixii khilaaf ahaa ee soo kala dhex galay.Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay u baahan tahay nabadd,Midnimo,wadahadal iyo heshiis, si looga baxo dhibaatada jirta,isagoona soo dhaweeyay heshiiskaasi ay gaareen  Guddoonka Golaha Shacbaka.

 Hoos ka dhageyso Codka Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Audio Player
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip