Dowladda oo markii ugu horeysay dad u soo xirtay in ay u dacwoodeen Al-shabaab
"Afar Qof ayaa loo dirray waaran oo intey ka dacwoodeen gobolka laga soo xukumay kadibna racfaan soo qaatay,Garsoorihii ku qornaa ayaa dacwadda dhageystay oo baaris u diray xeer ilaalinta,waxaa ay soo saartay xeer ilaalintu in decumentigooda uu been abuur yahay, kaddibna inta ay carareen ayeey u dacwoodeen Al-Shabaab,” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamada racfaanka Gobolka Banaadir.
Garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi ayaa tilmaamay in labo ka mid ah afarta ruux ay maqan yihiin halka labada kale ay xiran yihiin ,kuwaas oo uu sheegay iney argagixisada u aadeen si ay cabsi geliyaan dadka dacwada kala dhaxeysay una handadaan muwaadiniinta kale.
Dhan kale,Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya la xiray kaddib markii uu gacantiisa ku sameystay decument been abuur ah,I slamarkaana uu isticmaalay.
Dowladda Soomaaliya iyo hay’addaha Amniga ayaa horay uga digay dadka in ay cadaallad ka raadiyaan maxkamadaha Al-shabaab ee ku yaalla deegaannada ka maqan gacanta dowladda.
Dowladda oo markii ugu horeysay dad u soo xirtay in ay u dacwoodeen Al-shabaab
Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay dad u soo xirtay in ay dacwad u gudbiyeen maxkamadaha Al-shabaab oo inta badan marka la eego shacabka ku dhaqan deegaannada ay dowladdu maamusho ku xukuntamaan.