Daawo: C/raxmaan C/shakuur "Waxaa la is hor-taagay baroor diiqdii Xisbiga Wadajir ku xusi lahaa dadkii lagu laayay weerarkii 17 December"

0
Monday December 17, 2018 - 23:13:50 in Wararka by
  • Visits: 300
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: C/raxmaan C/shakuur "Waxaa la is hor-taagay baroor diiqdii Xisbiga Wadajir ku xusi lahaa dadkii lagu laayay weerarkii 17 December"

    Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay tallaabadii maanta Ciidamada ammaanka ay ku hor-istaageen in Xisbigiisa uu qabto munaasabad baroor diiq ah oo ku aadan sanad-guuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii la weeraray Gurigiisa, laguna dilay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay tallaabadii maanta Ciidamada ammaanka ay ku hor-istaageen in Xisbigiisa uu qabto munaasabad baroor diiq ah oo ku aadan sanad-guuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii la weeraray Gurigiisa, laguna dilay qaar ka mid ah Ilaaladiisa iyo darawalkiisa.

Saaka waabarigii ayaa Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ay xireen waddooyinka magaalada, sidoo kale waxaa gawaarida gaashaaman lagu hor-geeyay Hotelka la qorsheynayay in lagu qabto munaasabadda baroor diiqda ah.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay inay layaab ku aheyd in dowladda Soomaaliya ay maanta jid walba xirtay, si loo joojiyo munaasabadda baroor diiqda iyo xuska 17 December ee Xisbiga qaban lahaa.

Waxaa uu farriin iyo digniin u diray dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in cabsida dowladda ka heyso xisbiga iyo Hoggaanka Wadajir ay tahay taageerada shacabka ee uu Xisbigiisa heysto, waxaana madaxda dowladda uu ku eedeeyay inay sidii dhalinyaro oo kale u dhaqmayaan oo tala ka bood ah.



Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee C/raxmaan C/shakuur.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip