Illaa 50 Arday oo ka qelin jebiyay qeybta Daraasaadka sare ee Jaamacada Banaadir

0
Monday December 17, 2018 - 19:41:07 in Wararka by
  • Visits: 273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Illaa 50 Arday oo ka qelin jebiyay qeybta Daraasaadka sare ee Jaamacada Banaadir

    Xaflad ballaaran oo shahaadooyin lagu guddoonsiiyey arday ku qelin jebisay afar taqasus oo ka tirsan Qeybta waxbarashada heerka labaad (Master Degree) ee Jaamacada Banaadir ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad ballaaran oo shahaadooyin lagu guddoonsiiyey arday ku qelin jebisay afar taqasus oo ka tirsan Qeybta waxbarashada heerka labaad (Master Degree) ee Jaamacada Banaadir ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay, Maamulka Jaamacadda Banaadir, Mu'asasada Banaadir, Madaxda Jaamacadaha dalka qaarkood, aqoonyahano, Waalidiin, arday iyo marti sharaf kale. Ardayda qelin jebisay oo tiradoodu gaareyso illaa illaa 51 arday ayaa ka soo kala baxay qeybaha masterka Caafimaadka bulshada (Puplic health) 23 arday, qaliinka Guud (General Surgery) 4 arday, daweynta gudaha (Internel Medicine) 3 arday iyo shareecada iyo Qaanuunka (Sharia & law) oo iyana ay ka soo baxeen 19 arday sida xaflada laga sheegay.

Gudoomiyaha ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr. Maxamed Yuusuf ahna hormuudka taqasuska qaliinka guud ee Jaamacada Benadir oo ka hadlay xafladan ayaa sheegay in dhaqaatiirta iyo dhamaan ardayda qelin jebisay ay soo qaateen Waxbarasho adag ayna muujiyeen juhdi iyo dedaal fara badan, isagoo ku booriyey in aqoonta ay barteen ay si hufan ugu adeegaan bulshadooda.

Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna xafladan khudbad ka jeediyey ayaa u hambalyeeyey dhamaan ardayda qelin jebisay, isagoo ku amaanay dedaalka ay muujiyeen mudadii ay ku guda jireen waxbarashada daraasaadka sare.

"Maanta waxaan sameynaynaa Taariikh kale oo ku saabsan waxbarashada Somalia maxaa yeelay, waxaana qeybta masterka ee Jaamacada Benadir ka soo baxay 51 aqoonyahan oo u badan dhaqaatiir dhinaca qaliinka ah iyo qeybaha kale ee Caafimaadka, ayna ku jiraan aqoonyahano iyana ku taqasusay shareecada iyo Qaanuunka” ayuu yiri Dr. Dalmar oo u mahad celiyey Jaamacadda Istanbul Medinayet University, Ururka dhaqaatiirta Turkiga (Doctors Worldwide) iyo Jaamacada caalamiga ah ee Afrika (International University of Africa) ee dalka Sudan oo dhamaantood gacan ka geysatay qelin jebinta taqasusyada kala duwan ee ardaydan ay ka soo qelin jebiyeen, isagoo dhinaca kale la dardaaramay ardayda qelin jebisay.

Sen/Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ah Madaxda qeybta daraasaadka sare ee Jaamacada Benadir ahna guddoomiyaha guddiga adeega bulshada ee Aqalka sare oo isna xaflada hadalo jeediyey ayaa hambalyada ardayda qelin jebisay ka sokow tilmaamay iney ka dhabeeyeen gaaritaanka yoolkii ay higsanayeen wuxuuna dhinaca kale ku dheeraaday dedaalka Jaamacadu ugu jirto sare u qaadida aqoonta iyo waxbarashada dalka.

"Markii aan fureynay qeybta daraasaadka sare waxay nala aheyd riyo iyo wax mala awaal ah oo aan dhici karin, balse dedaal dheer oo Jaamacadu u gashay arintan a dib ILAAHAY waa ku guuleeyey dedaalkaas, miraha ka dhashayna adinka iyo kuwo idinka horeeyey ayaa ka mid ah” ayuu yiri Prof. Dufle oo u mahad celiyey waalidiinta, macalimiinta iyo intii kale ee ka qeyb qaadatay sidii ardaydan ay u gaari lahaayeen hiigsigooda.

Waxaa sidoo kale ka hadlay intii xafladan ay socotay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Dr. Tahliil Cabdi Afrax oo ah xiriiriyaha qeybta Waxbarashada sare ee Jaamacadda Banaadir, Dr. Axmed Yuusuf Guuleed oo ka tirsan Muasasdda Benadir iyo xubno kale, iyadoo xafladaas ay ku soo gebogebowday jawi farxadeed.

Masuuliyiinta halkaas isugu yimid ayaa ugu dambeyn xafladan waxay shahaadooyinkii loogu talo galay gudoonsiiyeen ardaydii qelin jebisay oo wejiyadooda laga dheehan karay farxad fara badan, maadaama ay ka gun gaareen dedaalkii waxbarasho ee sanadaha badan ay u soo dhabar adeygeen.

Jaamacadda Banaadir
8of 8
 
 
 
 
 
 
 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip