C/raxmaan Ceynte oo dowladda Soomaaliya u soo jeediyay in raalli gelin iyo magdhow ay siiso C/kariin Qalbi Dhagax

0
Monday December 17, 2018 - 10:42:19 in Wararka by
  • Visits: 217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/raxmaan Ceynte oo dowladda Soomaaliya u soo jeediyay in raalli gelin iyo magdhow ay siiso C/kariin Qalbi Dhagax

    Wasiirkii hore ee Qorsheynta ee Xukuumaddii hore C/raxmaan Yusuuf Cali Ceynte ayaa boggaadiyay tallaabadii Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil raalli gelinta iyo madax salaaxida ugu tagay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo sanadii hore ay d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore ee Qorsheynta ee Xukuumaddii hore C/raxmaan Yusuuf Cali Ceynte ayaa boggaadiyay tallaabadii Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil raalli gelinta iyo madax salaaxida ugu tagay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo sanadii hore ay dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya.

Shalay ayaa waxaa baraha bulshada qabsaday sawir laga qaaday Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ku wada sugan Jabuuti shirka ay qabatay Machadka Heritage, iyadoo Mr Xoosh uu madax gacanta ka saaray Qalbi Dhagax oo aheyd mid raalli gelin ah.

C/raxmaan Ceynte ayaa qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa Facebook tallooyin ugu diray dowladda Soomaaliya.

"Madaxa meel ka sarreeysa oo la taabto ma lahan, Waa dhaqan Soomaaliyeed, Waana boggaadinayaa C/raxmaan Xoosh, Waxaase iga talo ah in: a) Dowladdu raalli galin siiso Qalbi-Dhagax. b) ONLF ka saarto liiska argagixisada. c) Magdhow siiso Qalbi-Dhagax. d) hubiso inaan loo laaban dambigaas."ayuu yiri C/raxmaan Ceynte.

Golaha Wasiirada ayaa lixdii bishii September ee sanadkii hore waxay ka dhawaajisay in C/kariin Sheekh Muuse uu xiriir la lahaa Al-Shabaab, falal amni darro ku lug lahaa, iyadoo ku eedeysay Ururka ONLF inuu yahay urur Argagixiso.

Illaa iyo hadda dowladda Soomaaliya raalli gelin kama aysan bixin, hase ahaatee Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu raalli gelin siiyay Madaxa ONLF, xilli ay ku kulmeen magaalada Asmara, balse raalli gelintaas ma aheyn mid rasmi ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip