Waalidiin carruurtooda ka xiran yihiin oo buux dhaafiyay Saldhiga Baydhabo (SAWIRRO)

0
Monday December 17, 2018 - 10:28:37 in Wararka by
  • Visits: 243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waalidiin carruurtooda ka xiran yihiin oo buux dhaafiyay Saldhiga Baydhabo (SAWIRRO)

    Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Waalidiin badan oo carruurtooda ay kaga xiran yihiin Saldhiga Magaaladaasi, ayaa shalay & maanta lagu hor arkayaa xarunta Saldhiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Waalidiin badan oo carruurtooda ay kaga xiran yihiin Saldhiga Magaaladaasi, ayaa shalay & maanta lagu hor arkayaa xarunta Saldhiga.

Booliska Magaalada Baydhabo, ayaa Sabtidii xabsiga dhigay dibadbaxayaal badan, kuwaasi oo laga soo qabtay Magaalada gudaheeda kadib markii Booliska awood Militari u adeegsadeen soo qab qabashada dadkaasi.

Dadkii ay soo xireen Booliska ayaa waxaa la isugu geeyay Saldhiga Magaalada Baydhabo, halkaasi oo ciidamada ay ku hayaan, halka qaar kalena la sii daayay.

Waalidiin badan oo carruurtooda ay ka maqan yihiin, ayaa lagu arkay afaafka hore ee Saldhiga Magaalada Baydhab, waxayna dalbanayaan waalidiintaan in carruurtooda xabsiga laga sii daayo.

Inkastoo hadda aysan jirin dambiyo Booliska ay ku soo oogeen maxaabiistaasi, ayaa haddana waxa ay yihiin kuwii lagu qabtay rabshadihii kala duwanaa ee ka dhacay Magaalada Baydhabo gudaheeda.

Waalidiinta qaar ayaa Warbaahinta u sheegay inay dalbanayaan carruurtooda in loo soo daayo, maadaama aysan laheyn wax dambi ah oo ay ku sii xirnaadaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip