Daacish oo sheegatay in ay dishay Xubno ka mid ah Shabaab

0
Monday December 17, 2018 - 10:20:46 in Wararka by
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daacish oo sheegatay in ay dishay Xubno ka mid ah Shabaab

    Ururka Daacish ee dagaallama dalalka Soomaaliya, Ciraaq iyo Suuriya ayaa sheegtay in 14ka mid ah Al-Shabaab ay ku ku dileen howlgal ay ka fuliyeen degmada Qandala ee gobolka Bari,halkaasi oo ka agdhow Saldhigga Soomaaliya ee Daacish.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Daacish ee dagaallama dalalka Soomaaliya, Ciraaq iyo Suuriya ayaa sheegtay in 14ka mid ah Al-Shabaab ay ku ku dileen howlgal ay ka fuliyeen degmada Qandala ee gobolka Bari,halkaasi oo ka agdhow Saldhigga Soomaaliya ee Daacish.

Wakaaladda Wararka ee Daacish ee lagu Magacaabo Acmaq sheegtay in Ciidamada Daacish ay weerar ku qaadeen Saldhig ay Ciidanka Al-shabaab ku lahaayeen degaanka B’ir Mirali oo koofur Galbeed uga beegan degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Warka lagu Daabacay Acmaq ayaa sidoo kale lagu sheegay in xubnaha weerarka lagu qaaday ay diyaarinaayeen weeraro ka dhan ah Daacishta ku sugan Buuraha Galgala ee gobolka Bari.

Wargeyska Long War Journal oo soo xiganaya Acmaaq ayaa sheegay in Daacish ay billowday wax uu ku sifeeyay jawaab falcelin u ah weerarrada ka dhanka ah xubnaha Daacish ee ay Al-shabab ka geysato meelo ka mid ah Soomaaliya.

Maamulka Punland ayaa wali war kasoo saarin dagaalka ka dhacay duleedka degmada Qandala,maadaama degmada Qandala ay gacanta ku hayaan Ciidamada maamulka Puntland.



Sidoo kale ma jiro war kasoo baxay Al-Shabaab oo looga hadlay Sheegashadda Daacish ee ku aadan in ay dileen xubno ka mid ah Shabaab.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip