17-KA DICEMBAR 2018-KA HALKAAN KA AKHRISO WAA BOGGA WARARKA WARGEYS KA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 17-KA DICEMBAR 2018-KA

0
Monday December 17, 2018 - 09:35:08 in Wararka by
  • Visits: 426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    17-KA DICEMBAR 2018-KA HALKAAN KA AKHRISO WAA BOGGA WARARKA WARGEYS KA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 17-KA DICEMBAR 2018-KA

    WASIIR KA TIRSAN XUKUUMADDA SOOM AALIYA OO ISKU CASILAY XIISADA KA TAAGAN KOONFUR GALBEED Wasiirkii howlaha Guud,Dib u dhiska iyo Gureynta dowladda Soomaaliya Cabd ifitaax Maxamed Ibraahi Geeseey ayaa Shalay sheegay in uu iska casilay xilkii uu ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WASIIR KA TIRSAN XUKUUMADDA SOOM AALIYA OO ISKU CASILAY XIISADA KA TAAGAN KOONFUR GALBEED Wasiirkii howlaha Guud,Dib u dhiska iyo Gureynta dowladda Soomaaliya Cabd ifitaax Maxamed Ibraahi Geeseey ayaa Shalay sheegay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Soomaaliya. Wuxuu sheegay in sababta uu isaga ca silay xilkii ka hayay Xukuumadda tahay ka dib markii uu sida uu hadalka u dhigay u dulqaadan waayay faragalinta caburin sida uu sheegay dowladda Soomaaliya ay ku heyso shacabka iyo bulshada ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

 

''Sababta aan isku casilay waxaa ay ta hay ma jirin meel dowladda aan aniga ka tirsannahay ay ku go'aan qaadatay in la afaduubo lana caburiyo doorashada Ko onfur Galbeed, ma jirin meel lagu go'aans aday in si qasab ah oo waliba afduub ah loo soo xiro muwaadin Mukhtaar Roo boow, loogana reebo doorashada, ma jir in meel lagu go'aasaday in aan lala ta shan Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka deega annadaas ka jeeda, iyadoo ay jirto in la heer marayo dhamaan wixii shuruuc ah oo u yaalay dalka, sidaa daraadeed wax aan go'aansaday in aan marqaati ka sii ahaanin arimahan oo dhan'' ayuu yiri Wa siirka.

Wuxuu noqonayaa wasiirkii ugu horee yay ee xukuumadda uga taga wax uu ku tilmaamay faragalin dowl adda Soomaal iya ay ku heyso doora shada maamulka Koonfur Galbeed iyo xariga Mukhtaar Rooboow.

RA’IISUL WASAARE KUXIGEENKA DAL KA OO KA WARBIXIYAY ISBEDELKA GOBALKA GEESKA AFRIKA

RW. kuxigeenka xukuumadda fede raalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guu leed (Khadar) oo shir uga qayb galay dal ka Jabuuri ayaa faahfaahin ka bixiyay isdhexgalka iyo isbedelka ballaaran ee gobalka geeska Afrika.

Godka jilacoow qamta Ra’iisul wasaare kuxigeenka ayaa sheegay in isdhexgalku gobalku uu yah ay isdhex gal dhaqaale ee aysan jirin da wlado midoobaya iyo heshiisya ay madax da gobalku saxiixdeen.

Md.Mahdi Maxamed Guuleed (Kha dar) ayaa ku baaqay in ay bulshada So omaaliyeed laga daayo marin habaabinta, Tarjumaadda qaldan iyo ka been shee gidda isbedelka gobalka geeska Afrika.

RW/kuxigeenka xukuumadda feder aalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxam ed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in isdhexgalkani uu Soomaaliya dan wayn u yahay uuna u horseedayo xasilooni siya asadeed iyo in meesha ay ka baxdo fara gelintii siyaasadeed ee ay wadamada derisku ku hayn jireen.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka dalka ayaa sheegay aan la qari karin heshiisyo ay dawlada galeen, hadii ay jiraanna ay madaxda dawladaha kale soo bandhigi lahaayeen, warmurtiyeed kasoo baxay kulan ay madax yeesheenna aan loo fas iri karin heshiis.

Md. Mahdi Kha dar ayaa dhanka kale sheegay in dawladda Soomaaliya ay soo wado nidaam doorasho oo hal qof iyo hal cod ah, xor ah, xalaal ah, waxa uuna ka codsaday in dawladda fursad loo siiyo in ay dadka Soomaaliyeed u adeegto.

DOWLADDA SOOMAALIYA AYAA SHALAY KU DHAWAAQDAY INAY GEBI AHAANBA XIRTAY XABSIGA GODKA JILACOW

Godka Jilicoow oo ay gacanta ku hay een Ciidamada Nabadsugida iyo Sird oo nka Soomaaliya ayaa shalay gebi ahaan ba la xiray isla markaana xarun u ahaa Taliska Nabadsugida Gobolka Ban aadir laga dhigay.

Xabsigan ayaa caan ku hayaa xadgudu byada ka dhanka ah bani’aadanimada iyo ciqaabta dadka lagu soo eedeeyo fal da mbiyeedyada sida Argagixisada, Wariyey aasha iyo dadka dhaliila dowladda.

Dowladdihii isaga kala dambeeyay dalka ayaa xabsigan soo isticmaalayay, waxaana uu caan ahaa xilligii dowladdii Siyaad Barre oo uu baxay magaca Xabsi gan.

Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Cadaal adda Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qab tay Xarunta Godka Jilacow ayaa ku dhaw aaqay in xabsigan la xiray, isla markaana loo bedelay Xarunta Akadeemiyada Jilac ow. Wasiiradan ayaa sheegay in codsi uga yimid shacabka iyo hey’adaha xuqu uqul Insaanka loo xiray xabsigan.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ku tilmaamtay in xirida xabsigan loo fiiriyay dhanka xuququul insaanka iyo cabashad a shacabka, haddana waxaa ay weli dowl adda wajaheysa eedeymo la xiriira dhina ca bani’aadanimada, xoriyatul qowlka iyo caburinta dadka ka aragti duwan.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilo ka hor is bedel ku sameysay Ciidankii Nabadsugida Gobolka Banaadir, iya doo ciidankaas loo wareejiyay Boolis.

LA TALIYAHA DHANKA AMMAANKA MADAX WEYNAHA OO SHAACIYAY TIRADA CIIDANKA XOOGGA EE DIIWAANGASHAN

La taliyaha amniga ee Madaxweyne Farmaajo, Cabdi Siciid Muuse Cali ayaa sheegay in Ciidamada u diiwaan gashan Dowladda Soomaaliya ay gaa rayaan 9,000 oo Askari.

Cabdi Siciid ayaa qoraal uu ku qoray Bo ggiisa Twitterka ku sheegay in Dowladda Federaalka ah ay horumar ka sameysay dhinaca ammaanka iyo dhismaha Ciid amada Xoogga Dalka.

Waxa uu sheegay in sagaalka kun ee Askari ay yihiin kuwo diiiwaangashan, isla markaana leh koontooyin Bangi oo bilkas ta ay ka helaan lacagta Mushaarka ah ee ay qaataan. Cabdi Siciid, ayaa sheegay dib u habeynta Ciidamada Xoogga dalka ee ka midka ahayd ololaha Madaxweyne Farmaajo uu sidiisii ku socdo islamarkaa na uu isbeddel weyn ka muuqdo hadda.

Golaha ammaanka ee Q/Midoobay ay aa sanadkii la soo dhaafay Amisom ku amray in ay dhimaan ciidamada ka jooga Soomaaliya, amnigana ku wareejiyaan Ciidanka xoogga dalka.

Amisom ayaa si tartiib tartiib ah hadda uga baxeysa Soomaaliya illaa sanadka 2020ka, waxaana sidoo kale bar bar so cda dhismaha Ciidamada dowladda Fed eraalka ah oo qeybtooda ugu weyn ay gacanta ku heysto dowladda Turkiga.

XILDHIBAAN UBAX TAHLIIL "COD AYAAN U QAADI DOONAA MOOSHINKA MADAXWEYNAHA”

Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacab ka, gaar ahaan xubnaha ka soo horjeeda Mooshinka Madaxweynaha ayaa baaq u dirtay guddoonka Baarlamaanka Sooma aliya.

Ubax Tahliil Warsame ayaa ka codsa tay guddoomiyaha G/ Shacabka in uu fu ro kulamadii BFS, si cod loogu qaado Mo oshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farm aajo. Waxaana ay tilmaamtay in isku kals oon yihiin, ayna diyaar u yihiin in Cod Baarlamaan lagu kala baxo.

AMISOM OO XERADA JAALLE SIYAAD KU WAREEJINAYSA MILITARIGA SOMALIYA

http://mogtimes.com/assets/thumb.php?src=/uploads/article/photo/IMG_0BC659-A40102-79EA31-6DC30D-0817C9-F7510A.jpg&h=210&w=210 Ciidamada Amisom ayaa wada qo rshe Militariga Somaliya ugu wareejinaya an dhismaha Kuliyadda Jaalle Siyaad oo ciidamada Amisom ay daganaayeen tan iyo sanadkii 2011kii. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Somaliya iyo masuuliyiin ka tirsan hawlgalka Amisom ayaa tagay xeradaasi si ciidamada loogu sheego inay halkaasi ka guuraan oo ay u gu wareejiyaan Ciidamada Xoogga dalka Somaliya.

Ambassador Francisco Caetano Made ira oo Khamiistii tagay dhismahan ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka bixista xer adan si ciidamada Xoogga dalka Somal iya loogu wareejiyo.

Wuxuu sheegay Amisom tan iyo 2011kii inay gacanta ku haysay dhismaha Xer ada Kuliyadda Jaalle Siyaad, islamarkaa na halkaasi ay Shabaab kala dagaalami jireen, xilligii Shabaab ay joogeen Muqdi sho.

Qorshaha ka bixista xeradan ayuu ku sheegay inay qayb ka tahay heshiisyo ka la duwan oo madaxda Dowladda iyo Hawl galka Amisom horay u wada gaareen.

Bishii August ee sanadkaan ayaa ciidam ada Amisom waxa ay si rasmi ah uga gu ureen dhismihii ay ka daga naayeen Gar oonka Kubbada Cagta ee Stadio Muq disho, halkaasi oo lagu dhisaayo barnaa mijka isxilq aan.

QARAX LAGU DHAAWACAY MAS’UUL KA TIRSAN XIRIIRKA KUBADA CAGTA SH/DHEXE

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Gaari oo shalay ka dhacay Xaafa da Siigaale ee degmada Hodanee Gobo lka Baadir kaas oo la sheegay in uu ahaa mid gaari loogu dhejiyay Ruux watay.

Gaari nooca Soomaalida u taqaano Saruf ayaa qarxay,waxana xilliga uu qarx ayay saarnaa Ruuxii lahaa Gaariga oo ahaa Guddoomiye kuxigeenka xiriirka Kubada Cagta Gobolka Shabeellaha Dhe xe oo lagu Magacaabo Maxamuud Cumar Axmed(Qasaaye)

Eheladiisa ayaa radio Dalsan waxa ay u sheegeen in dhaawac lugta ah uu ka soo gaaray qaraxaas Guddoomiye kuxigeen ka xiriirka Kubada Cagta Gobolka Shabe ellaha Dhexe. Wararka qaar aanu helnay ayaa waxa ay sheegayaan in Gaariga uu shalay ka soo bixiyay Garaash uu ugu xareesnaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay intii ay Wadooyinka Muqdisho xir naayeen,hayeeshee Maanta markii uu lasoo baxay uu ku qarxay.

Mid ka mid ah Isbitaalada M/Muqdi sho ayaa loo qaaday dhaawiciisa oo la sheegay in uu yahay mid fudud,welina kama hadlin saraakiisha laamaha Amniga Soomaaliya.Qaraxyada dhejiska ah ee Gawaarida lagu dhejiyo ayaa inta badan ka dhaca Magalada Muqdisho,waxaana horay loogu xiray oo u geeriyood ay,Saraakiil Xildhibaano iyo dad kale.

MAXKAMADA CIIDAMADA ITOOBIYA OO XAK UN DHEER KU RIDAY ASKARTII SAME YEY IS KU DAYGII ABII AXMED

Wasaaradda gaashaandhigga ee dolw adda Itoobiya ayaa sheegtay ciidama Kumaandoos ah oo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee ilaalada madaxtooyada oo damacsanaa iney ra’isal wasaaraha Khaarijiyaan in xabsi lagu xukumay.

Wasaaradda gaashaandhigga oo shir jaraa’id qabatay aya waxay sheegtay 66 askari oo Kumaandoos ah oo ka mid ah 200 oo askari iyaga oo hubkooda sita fa sax la’aan madaxtooyada ku galay lagu xukumay 5 ilaa iyo 14 sano oo xadhig ah.

Madaxa maxkamadda ciidamada Ga ashaanle Meshesha Areda oo ay wehl iyaan xeer ilaaliyaha iyo qareenka u dood aya ciidamada oo shir jaraa’id qabtay ayaa wuxuu sheegay maxkamaddu iney xukunkaasi ku gaadhtay fadhi maxkama deed oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 500 qof.

Sida oo kale ciidamada iyaga oo hub kooda sita fasax la’aan madaxtooyada ga lay waxaa laga qaaday tillaabbooyin sha rci ah oo waafaqsan nidaamka anshaxa ee ciidamada u yaallo. Xeer ilaaliyaha maxkamadda seddex xiddigle Hayle maa ryam maamo ayaa wuxuu sheegay ciida madaas in laga qaaday tallaabbo sharci ah oo cashar u noqon karta ciidamada dalka ee falalka noocaasi ah ku dhaq aaqa.

Qareenka ciidamada u doodayey Des alegn Daka wuxuu isna sheegay geeddi socodka dacwadda ciidamadaasi ilaa iyo xukunka in loo maray waddadi saxda ah ayd oo waafqsan dastuurka dalka iyo shur uucda maxkamadda ciidamada dalka u yaalla. Warbaahinta qaar ee shee gay in ciidamada si aan sharci ahayn xuk un looga qaaday ayna tallaabbadaasi mid khaldan waxay ku doonayaan ayuu yidhi iney sumcadda ciidamada dalka wax u dhimaan arrimaha noocaasi ahna loo ba ahan yahay iney idaacadahaasi ka waab taan.

MUWAADINIINTA UGANDA OO LOO FUDUD EYNAYO FIISAHA DALKUGALKA SOMALIA

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka asi, Jeneral Jejje Odong waxa uu bishan December 4dii shaaciyey in la soo saa ray Qeybtii 1aad ee Baasaboorada noo coodu yahay EPassaports, taasi oo ay Muwaadiniinta Uganda u adeegsan doo naan Dukumentiga Socdaalkooda.

Muwaadiniinta Uganda waxaa la she egay inay Dalkugal ama Visa la’aan ku tegi karaan ugu yaraan 68 Waddan oo 15 ka mid ah ku yaallaan Qaaradda Afrika.

Wargeyska Maalinlaha ee The Mon itor ee ka soo baxa magaalada Kampala oo Warbixin dheer ka qoray Fursadaha Muwaadiniinta Uganda ee ay Dalkugal la’aanta ku tegi karaan ugu yaraan 68 Waddan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin: Ke nya, Benin, Botswana, Burundi, Eritrea, Eswatini (Swaziland), the Gambia, Les otho, Malawi, Mauritius, Rwanda, Tanza nia, Zambia iyo Zimbabwe.

Dhinaca kale, waxaa jira Waddamo kale oo oggolaaday inay dadka wata Baa saboorka Uganda Fiisaha lagu siiyo marka ay ka degaan Garoomadda Diyaar adaha ee dalalkaasi. Wargeysku waxa uu qoray in Muwaadiniinta Uganda ee ima anaya Somalia loo fududeynayo Dalkugalka (Visa)ha, isla markaana la siinayo isla marka ay ka soo degaan Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde International Airport ee magaalladda Muqdisho.

Dalalka kale ee oggolaaday inay Mu waa diniinta Uganda Fiisaha ku siiyaan marka ay ka soo degaan Garoomadooda Diyaaradaha waxaa ka mid ah: Jabuuti, Ethiopia, South Sudan, Senegal, Togo, Gabon, Gini Bissaw, Jesiiradaha Komo ros iyo Keeb Ferdi

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee DFS weli kama hadlin qorshaha Muw aadiniinta Uganda ee Dalkugalka lagu siin doono Garoonka Aadan Cadde, balse waxay Si kasta ba ha ahaatee, haddii Mu waad iinta Uganda loo fududeeyo Dalkugalka Somalia, waxay taasi u muuqataa mid sahli karta inay sii kordhi doonaan Mu waadiniinta Uganda, gaar ahaan Diplom aasiyiinta, Ganacsatada, Ciiddamadda iyo Shaqaalaha kale ee Socdaalladda ku yimaada dalka Somalia. http://mogtimes.com/uploads/article/photo/thumbs/IMG_F8788D-9AC76F-B81BEB-884855-7CAECB-F702AC.jpg

QATAR AIRWAYS OO DUULIMMAAD KA BILAABAYSA MUQDISHO

https://i2.wp.com/somalisan.net/wp-content/uploads/2018/12/Qatar-Airways.jpg?resize=640%2C399 Guddoomiyaha Qatar Airways, Sayid Albakar Albaa kir ayaa shalay shaaciyay in shirkaddoodu ay July 01, 2019 bilaaba yso duullimaadyo toos ah oo ay uga howl gelayso magaalada Muqdisho ee caas imadda dalka Soomaaliya

Safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar, Ca bdirisaaq Faarax Cali, ayaa sheegay in guddo omiyaha Qatar Airways uu qorsha an ku xaqiijiyay kulan isaga iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaa lka Soo maaliya, mudane Xasan Cali Khayre, sha lay ku dhex maray magaalada Dooxa.

Safiir Cabdirisaaq Faarax Cali ayaa sidoo kale sheegay in ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya uu guddoomiyaha Qatar Airways uga mah adceliyay duullimaadka shirkaddoodu ay ka bilaabayso garoonka diyaaradaha Aad an Cadde, sidoo kalana ra’iisul wasaar uhu uu shirkadaha iyo ganacsatada kale ee dalka Qatar u rajeeyay in ay maal ge lin ku samaystaan dalka Soomaaliya.

Qorshaha Qatar Airways ay Muqdisho uga bilaabayso duullimaadyada tooska ah ayaa qayb ka ah hannaanka maalge linta ballaaran ee shirkadaha, ganacsa tada iyo dawladda Qatar ay ku maal geli nayaan dalka Soomaaliya. DHAMMAAD.

MAXAA KA SOO BAXAY KULANKII GUDDOO MIYAHA BAARLAMAANKA IYO LABADIISA KUXIGEEN

Guddi isku xilqaamay xalinta khilaafka Guddoonka Baarlamaanka ayaa shee gaya in is afgarad laga gaaray kala aragti duwanaanti ka dhex jirtay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen.

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ahaa xubno ka tirsan Golaha Shacabka oo qeyb ka ahaa dadaalada xalka loogu raadinayay khilaafka ayaa sheegay inay Guddoonka Golaha Shac abka ay is afgarad ka gaareen wixii khil aaf ahaa ee soo kala dhex galay.

Mr Xiddig oo aan faah faahin waxyaa baha lagu heshiiyay ayaa ku soo koobay in is afgarad laga gaaray khilaafka, lana xaliyay kala aragti duwanaanaan, isagoo intaa ku daray in dib loo bilaabib doono howlihii Baarlamaanka ee hakadka gel iyay Mooshinka laga keenay Madaxweyn aha. Ma uusan soo hadal qaadin arrin ta Mo oshinka Madaxweynaha iyo haddii xal laga gaaray, hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in Guddoomiye Mur sal uu dalbaday in mooshinka arrintiisa loo daayo.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in la isku afgartay in mas’uuliyadda looga da mbeeyo Guddoomiyaha, lana is cafiyo, isla markaana la wada shaqeeyo.

Si kastaba ha ahaatee kulanka Guddo omiye Mursal iyo labadiisa Kuxigeen ayaa noqonaya kii u horeeyay ay yeeshaan, tan iyo markii Guddoomiyaha ka soo guu ray Madaxtooyada, kaddib go’doomintii la saaray.

MADAXWEYNE LABADA DHALASHO HAYST AY OO KA TANAASULAY DHALA SHADII BRITISHKA

Madaxweynaha dalka Iraq, Berham Saalix waxa uu Shalay ku dhawaaqay in uu iska wareejiyey Dhalashadii Brit ishka, si uu isku waafijiyo Dastuurka dalkiisa hooyo.

Afhayeenka Madaxweynaha oo la gu magacaabo Luqmaan Alfayli waxa uu sheegay inuu Madaxweynuhu dha mayst iray nidaamkii Sharciga ee uu u ga tanaa sulay dhalashadii dalka Brit ain ee uu hay stay, wuxuuna u mahad celiyey Dowladda Briatin oo dhalasha dda Muwaadinimada Britishka siisay xilligii uu mucaaradka ku ahaa Madax weynihii hore ee dalka Iraq ee geer iyooday, Saddaam Xuseen.

Barlamaanka dalka Iraq waxay bi shii October 2dii u doorteen Barham Saalix oo 58jir inuu noqdo Madaxwe ynaha Iraq ee afarta sano ee soo socota.

MADAXWEYNAHA SOOMAALILAND IYO MADAXDA XISBIYADA OO GO’AANO SOO SAARAY

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayay Madaxwe yne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxma an Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xa lay kulan muhiima la qaatay hoggaanka Xisbiyada, madaxweyne ku xigeenadii hore, siyaasiyiin iyo madaxda ururrada bulshada rayidka ah.

kulankan uu madaxweynuhu isugu ye eray axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore iyo ururrada Bulshada rayidka ah ayaa ujeedadiisu ahayd sidii wadajir iyo isku duubni loogu wajahi lahaa arrimaha ku gedaaman qabsoomi dda doorashooyinka goleyaasha wakiilla da iyo deegaanka, waxana ay hoggaanka axsaabta qaranku muujiyeen muhiimadda ay leedahay qabsoomidda doorashooyin ku si loo xaqiijiyo geeddisocodka Dimuq aariyadda Somaliland iyo in meesha laga saaro caqabadaha hortaagan qabsoomid da doorashooyinkaas, isla markaana lagu diyaarin lahaa jawi ay doorashooyinku ku qabsoomi karaan. Ugu dambayntii waxa ay hoggaanka saddexda xisbi ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI wada jir u go’aamiyeen qodob badan hoos ku qoran: In doorashada goleyaasha wakiillada iyo deegaanku ku qabsoonto dhammaad ka sannadka 2019ka.

In si wadajir ah ay uga wadahawl gal aan xallinta iyo dhammaystirka wax kasta oo ku xidhan qabsoomidda doorashada.

In niyadsami ah loo sii wado wadatashiga iyo wadahadallada saddexda guddi ee xisbiyada qaranka. In wixii caqa bad ah ee soo kordha laga wadata sha do.

DACWADII LOO HEESTAY WASIIR KUXIG EENKII ARIMAHA DIBADDA SOMALIA OO GO’AAN LAGA GAARAY

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa shalay dhageysatay dacwada loo heysto eedeysane Muqtaar Mahad Daa’u ud,kaasi oo dhowaan lagu soo eedeeyay inuu ku kacay arrimo la xiriira ku tagrifal Hantida Qaranka.

Ugu horeyn, Maxkamadda ayaa dhage ysatay eedda ay soo diyaariyaan xafiiska xeer ilaalinta, waxaana eedda uga wakiil ahaa jeedinteeda kuxigeenka 1aad ee xe er ilaaliya Guud ee Qaranka Dr. Jamaal Maxamed Axmed.

Wuxuuna weydiistay Maxkamadda in laga guddoomo cadeymaha decument, sawirro laga soo qaaday qasnad lacag eed oo ay amreen Xafiiska Hanti dhowrka inaan la taaban karin ilaa amar dambe, balse uu jeexay warqadahaasi wasiir kuxigeenka, waxa ayna Maxkamadda aq bashay dhageysiga markhaatiyaasha.

Waxayna sidoo kale Maxkamadd gu ddoontay warqadaha lagu saaray lacago laga isticmaalay dakhliga wasaaradda, waxayna ugu dambeyn codsadeen xafi iska xeer ilaalinta Quud ee Qaranka in la waafajiyo qodobada ay ku soo eedee yeen.

Dhanka kale, qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa iyagana ku dooday in aysan jirin hanti si gaar ah uu u isticmaal ay wasiir kuxigeenka, balse uu ku bixiyay baahiyo Wasaaraddu qabtay, sidaas dar teed uu jiray sharci u diidayo ka hor inta aysan golaha wasiirada diidin.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobalka Banaadir garyaqaan Muuse Macallim Maxamed oo ugu danbeyn ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda ayaa sheegay in Maxkamada ay ku weysay eedeysane Muqtaar Mahad Daa’uud qodobada kala ah 241, 255 oo Ku saabsanaa Ku tagrifal hantida umadda,Waxaana maxkamaddu u cadaaday in ficilka uu Ku dhaqaaqay Muqtaar Mahad Daa’Jud uu yahay fujinta warqadii uu Ku dhajiyay qasnadda Dowla dda, waxa ayna dul saartay ganaax gaa rayo 7kun oo dollarka mareykanka ah, raf caan ayaana ka furan.

XILDHIBAANO WARQABAD CABASHO AH U DIRAY DOWLADDA ITOOBIYA.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacab ka ee BFS ayaa mar kale diray warqad codsi ah oo looga hadlayo soo qab ashadii Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuumansuur oo ka mid ah Murash axiinta Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya.

Xildhibaanadaan ayaa warqada u diray Dowladda Itoobiya iyadoo lala soco dsiiyay safiirada USA, UK, AU iyo Wasi irada Arimaha dibadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxaana lagu dalbaday in Itoob iya ay soo cadeyso doorkii ay ciidan keeda ku lahaayeen soo qabashadii Abu umansuur ee 13kii Bishaan ka dhacday Baydhaba.

Xubnahaan Xildhibaanada ah ayaa ho re sidaan oo kale warqad ugu qoray AU iyo UNka warqadaas oo la ogoysiiyay wadamada daneeya Arimaha Soomaaliya waxayna labada warqad ay walaac kaga muujinayeen xaaladda koofur Galbeed iyo Guud ahaan mida Soomaaliya.

Waxay sheegeyn soo qabashadii shar ci darrada aheyd ee Abuumansuur iney ku dhinteyn dad badan kuwa kalane ay ku dhaawacmeen walina ay jirto dhib aatooyin kale oo laga dhaxlay sida ay had alka u dhigeyn.

Qoraalkooda ayaa sidoo kale waxaa la gu cadeeyay in madaxda Howlgalka AMISOM uu beeniyay eedeymo ay hore ugu jeediyeen Xildhibaanadaan taasina aysan ku filneen oo ay doonayaan jaw aab sax ah oo ku aadan arintii ka dhac day magaalada baydhaba ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

KHAYRREOO LA KULMAY GUDDOOMIYAHA GUDIGA AMNIGA IYO NABADGALYADA AFRIKA.

https://radiokulmiye.net/wp-content/uploads/2018/12/kheyre-iyo-g-amniga-africa-620x330.jpg Ra’iisulwasaaraha xukuumadda feder aalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaamagaalada Dooxa ee dalka Qatar kula kulmay Guddoomiyaha Gudd iga Amniga iyoNabadda Midawga Afrika, Ambassador Smail Chergui.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo Ambas sador Smail Chergui ayaa ka wada had lay dardargelinta hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya, dagaalka ka dhanka ah koox aha argagaxisada ah iyo diyaar garowga loogu jiro qorshaha mas’uuliyadda amni ga ay kula wareegayso dawladda Soom aaliya.

Kulanka ayaa sidoo kalelooga hadlay sii wadidda taageerada dhanka amniga ah ee midawga Afrika aysiiyaan Sooma aliya. Xigasho SONNA.

DHUL GARIIR XOOGAN OO KU DHUFTAY DAL KA AUSTRALIA

Dhul Gariir xoogan oo ku dhuftay dalka Australia Dhul gariir cabirkiisu uu yahay 5.6 ayaa waxa uu ku dhuftay dee gaan 200KM kaga beegan magaalada Waqooyi Galb eed dhacda ee Carnarvon ee dalka Aust ralia sida ay xaqiijiyeen hay’adda baarta masiibooyinka dabiiciga ah ee dalkaasi.

saraakii sha caafimaadka oo warba ahinta Australia la hadlay ayaa sheegay in khasaare nafeed uu ka dhasahay dhul gariirkaasi balse dib ay ka soo sheegi doonaan. waxay kaloo saraakiisha caaf imaadka intaasi raaciyeen in ay wadaan dadaallo dadka deegaanka uu ku dhu ftyay dhul gariirka lagaga samata bixinayo dhibaatada gaartay.

"Dhibaatada ugu badan waxaa dhali yay dadka deegaanka laguma wargelin in halis kusoo food leedahay oo deegaanko oda dhul gariir kusoo wajahanyahay, wax aana masuuliyadaasi leh oo aan ku eed eeynayaa Midowga hay’addaha masi ibo oyinka, oo ay ugu horeeyaan hay’adda Autralian Tsunami waana ka xumahay in sidaan ay wax u dhacaan” ayey sheegtay haweeney u hadashay wasaarada Caaf imaadka ee Australia.

Magaalo xeebeedkan uu dhul gariirkan ku dhuftay ayaa waxa ay deeg aan u tahay kumaanan ruux waxa ayna sidoo kale martigelisaa kumanaan kale oo sanad dhamaadka u dalxiis taga.

SARAAKIISHA CIIDANKA XOOGGA OO SHEEGAY INAY HAWLGAL KU DILEEN 25 SHABAAB AH

Hawlgal ay iska kaashadeen ciidam ada Qaranka iyo saaxiibadooda Mare ykanka oo ka dhacay Gobolka Shabe ellaha Hoose ayay saraakiiaha cii da nka dowladdu sheegeen in lagu dilay 25 ka tirsan Al Shabaab.

Hawlgalkan oo dhacay oo maanta oo ay tahay 16ka December lagana fuliyay nawaaxiga deegaanka Gander she ayaa lagu beegsaday xero ay lah aayeen Al Shabaab, halkaas oo ay Ku diyaarinayeen weeraro argagixiso oo Ka dhan ah Shacabka Gobalka iyo si doo kale Ciidamada Xoogga iyo AMIS OM ee Ku sugan magaalada Marka Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in iyada iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ka go’an tahay in ay sii wadaan da gaalka lagu wiiqayo awoodda Al Shab aab. Ciidamada xoogga dalka oo kaa shanaya kuwa AMISOM ayaa Ururka Al Shabaab ka saaray deegaano bad an oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

SOCHENCA”WAXAAN KA DIGEYNAA IN WADOOYINKA LAGA XIRO XILDHIBAANADA”

kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen daladda ururada bulshada rayidka ah ee loo soo gaabiyo SOC HENCA ayaa waxay si kulul uga had aleen caburin xoog leh oo ay shee geyn in Dowladda Soomaaliya ay saar tay siyaasiinta iyo Xildhibaanada Gol aha Shacabka ee Baarlamaanka So omaaliya.

Diini Maxamed Diini Gudd oomiy aha SOCHENCA ayaa sheegay inuu goob joog u ahaa Xildhibaano la ga xiray wadooyinka iyo Xildhibaano u ha njabaya Ciidamo Booliis ah taasna ay dhiiri gelineyso wiiqidda Xasanaa dda Xildhibaanka amnigiisana ay Qa tar ku tahay.

"aniga waxaan la yaabanahay ku tu mashada sharciga ee wasaaradda am niga Soomaaliya waxayna dhiiri geline ysaa in la dagaalamo oo qof walba sharciga ka tilaabsado, sababtoo ah Xildhibaanada iyo siyaasiinta mucaa radka ah waxay ka xirteen jidadka si doo kale waxay joojiyeen dhamaan shirarka iyo kulamada lagu soo bandh igo aragtida caafimaadka qabta” ayuu yiri Diini Maxamed Diini oo ah Mad axda SOCHENCA.

SOCHENCA ayaa sidoo kale shee gtay wixii amni darra ah ee ka dhaca magaalada muqdisho ay masuul ka tahay wasaaradda amniga Soomaal iya iyo Taliyaasha Booliiska iyo NISA, hadalka SOCHENCA ayaa ku aadaya xili ay sheegeyn Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya iney la kul mayaan caburin hanjabaad uga imaaneysa Madaxtooyada Soomaa liya.

VACANCY ANNOUNCEMENT

UNMAS Somalia is looking for qualified and interested candidates for the positions below.

VACANCY WITH UNMAS SOMALIA

(Open to Somali Nationals Only)

Position

Administration and Human Resource Analyst

Contract Type & Level

Local Individual Contractor Agreement (LICA) ICSC-9

Duty Station

Mogadishu

Duration

Open-ended contract, subject to organizational requirements, availability of funds and satisfactory performance.

Application Period

09-Nov-2018 to 16-Dec-2018

Link to the VA

https://jobs.unops.org/Pages/ViewVacancy/VADetails.aspx?id=16463

 

VACANCY WITH UNMAS SOMALIA

(Open to Somali Nationals Only)

Position

Asset Management Assistant

Contract Type & Level

Local Individual Contractor Agreement (LICA) ICSC-5

Duty Station

Mogadishu

Duration

Open-ended contract, subject to organizational requirements, availability of funds and satisfactory performance.

Application Period

14th to 27th December 2018

 

 

 

 

 

 

Qualification

Education:

· First level university degree (Bachelor's Degree or equivalent) in Business Administration, Supply Chain Management, Logistics, Assets Management or a related field with one (1) year of relevant experience; OR

· High school/Secondary school diploma with five (5) years of relevant experience.

Experience:

· Relevant experience is defined as experience in Business Administration, Supply Chain Management, Logistics or Asset Management;

· Computer literacy is required;

· Knowledge of UN rules and regulations is desired.

Languages:

· Fluency in English (reading, writing and speaking) is required.

· Fluency in Somali (writing, reading and speaking) is required.

· Knowledge of other UN official language is desired.

 

Link to the VA

https://apps.unops.org/Apps/GPRS/pages/GeneralMenu/Vacancy.aspx?id=16817

This is local position and is open to Somali nationals only.

Interested and qualified Somali Women are strongly encouraged to apply to the position and submit online application through VA link provided above before VA closed.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip