Fannaanada Farxiya Kabayare oo si weyn loogu soo dhoweeyay Muqdisho

0
Sunday December 16, 2018 - 23:21:23 in Wararka by
  • Visits: 436
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fannaanada Farxiya Kabayare oo si weyn loogu soo dhoweeyay Muqdisho

    Fannaanadda caanka ah ee Farxiya Kabayare oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, iyadoona ka soo degtay garoonka dyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fannaanadda caanka ah ee Farxiya Kabayare oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, iyadoona ka soo degtay garoonka dyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Soo dhoweynta fannaanada Farxiya Kabayare waxaa ka qeyb qaatay qaar ka mid ah bahda fanka Soomaaliyeed iyo dadweyne ka mid ah taageerayaasheeda, iyadoo durbadiiba booqasho ku tagtay xarunta Tiyaatarka Qaranka.

Farxiya Kabayare oo ku dhalatay magaalada Muqdisho ayaa khudbad kooban oo u jeedisay dadweynihii ka qeyb qaatay soo dhoweynteeda ayaa sheegtay inay si weyn ugu faraxsan tahay imaanshaheeda Muqdisho, waxayna u mahad celisay dhammaanba dadkii soo dhoweynteeda ka qeyb qaatay.

"Xamar aad ayaan ugu xiiso qabaa, dowladda aad ayaan ugu xiiso qabaa, waan ku faraxsanahay inaan mar kale imaado meesha aan ku dhashay ee Muqdisho” ayay tiri Farxiya Kabayare oo wejigeeda uu ka muuqday yididiilo farxadeed.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip