Dacwadii Loo Heestay Wasiir Kuxigeenkii Arimaha Dibadda Somalia Oo Go'aan Laga Gaaray

0
Sunday December 16, 2018 - 23:07:37 in Wararka by
  • Visits: 241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dacwadii Loo Heestay Wasiir Kuxigeenkii Arimaha Dibadda Somalia Oo Go'aan Laga Gaaray

    Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta dhageysatay dacwada loo heysto eedeysane Muqtaar Mahad Daa'uud,kaasi oo dhowaan lagu soo eedeeyay inuu ku kacay arrimo la xiriira ku tagrifal Hantida Qaranka. Ugu horeyn, Maxkamadda ayaa dhageysatay eedda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta dhageysatay dacwada loo heysto eedeysane Muqtaar Mahad Daa'uud,kaasi oo dhowaan lagu soo eedeeyay inuu ku kacay arrimo la xiriira ku tagrifal Hantida Qaranka. Ugu horeyn, Maxkamadda ayaa dhageysatay eedda ay soo diyaariyaan xafiiska xeer ilaalinta, waxaana eedda uga wakiil ahaa jeedinteeda ku-xigeenka koowaad ee xeer ilaaliya Guud ee Qaranka Dr. Jamaal Maxamed Axmed. Wuxuuna weydiistay Maxkamadda in laga guddoomo cadeymaha decument, sawirro laga soo qaaday qasnad lacageed oo ay amreen Xafiiska Hanti dhowrka inaan la taaban karin ilaa amar dambe, balse uu jeexay warqadahaasi wasiir ku-xigeenka, waxa ayna Maxkamadda aqbashay dhageysiga markhaatiyaasha.

Waxayna sidoo kale Maxkamadd guddoontay warqadaha lagu saaray lacago laga isticmaalay dakhliga wasaaradda, waxayna ugu dambeyn codsadeen xafiiska xeer ilaalinta Quud ee Qaranka in la waafajiyo qodobada ay ku soo eedeeyeen.

Dhanka kale, qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa iyagana ku dooday in aysan jirin hanti si gaar ah uu u isticmaalay wasiir ku-xigeenka, balse uu ku bixiyay baahiyo Wasaaraddu qabtay, sidaas darteed uu jiray sharci u diidayo ka hor inta aysan golaha wasiirada diidin.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobalka Banaadir garyaqaan Muuse Macallim Maxamed oo ugu danbeyn ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda ayaa sheegay in Maxkamada ay ku weysay eedeysane Muqtaar Mahad Daa’uud qodobada kala ah 241, 255 oo Ku saabsanaa Ku tagrifal hantida umadda,Waxaana maxkamaddu u cadaaday in ficilka uu Ku dhaqaaqay Muqtaar Mahad Daa’Jud uu yahay fujinta warqadii uu Ku dhajiyay qasnadda Dowladda, waxa ayna dul saartay ganaax gaarayo 7kun oo dollarka mareykanka ah, rafcaan ayaana ka furan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip