Wasiirka Gaashaandhigga oo beeniyay warar sheegaya inuu is casilay

0
Sunday December 16, 2018 - 22:58:16 in Wararka by
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhigga oo beeniyay warar sheegaya inuu is casilay

    Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Maxamed Cali (Amar Dambe) ayaa beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya inuu iska casilay xilkiisa. Xasan Amar Dambe oo ka mid ahaa Wasiiraddii uu dhowaan magacaabay Ra'iisul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Maxamed Cali (Amar Dambe) ayaa beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya inuu iska casilay xilkiisa. Xasan Amar Dambe oo ka mid ahaa Wasiiraddii uu dhowaan magacaabay Ra'iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in ay tahay been abuur warka warbaahinta bulshada lagu shaaciyay.

"Arrinta warbaahinta lagu sheegay ma ahan mid jirta, beeni raad ma lahan, go’aanka iyo casilaada qofka ayay ka timaadaa, isma casilin, Xukuumadda aan ka tirsanahay ee Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre hoggaaminayo iskama casili doono”ayuu yiri Xasan Amar Dambe.

Saacadihii u dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in Wasiirada ku jira Xukuumadda ee ka soo jeeda Koofur Galbeed ay iska casili doonaan, iyagoo ka soo horjeeda faragelinta dowladdu ku heyso iyo qalalaasaha ka dhashay xariggii Mukhtaar Roobow.

Wasiirkii Howlaha Guud iyo Guriyeynta C/fataax Ibraahim Geesey ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa, waxaana uu sabab uga dhigay is casilaada faragelinta iyo waxa uu ugu yeeray caburinta dowladda ku heyso Maamulka Koofur Galbeed iyo qaabkii loo maray xarigga Mukhtaar Roobow.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip