Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Ka War-bixiyay Isbedelka Gobalka Geeska Afrika

0
Sunday December 16, 2018 - 22:49:01 in Wararka by
  • Visits: 248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Ka War-bixiyay Isbedelka Gobalka Geeska Afrika

    Ra'iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo shir uga qayb galay dalka Jabuuri ayaa faahfaahin ka bixiyay is-dhexgalka iyo is-bedelka ballaaran ee gobalka geeska Afrika. Ra'iisul wasaare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo shir uga qayb galay dalka Jabuuri ayaa faahfaahin ka bixiyay is-dhexgalka iyo is-bedelka ballaaran ee gobalka geeska Afrika. Ra'iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in is-dhexgalku gobalku uu yahay is-dhex gal dhaqaale ee aysan jirin dawlado midoobaya iyo heshiisya ay madaxda gobalku saxiixdeen.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ku baaqay in ay bulshada Soomaaliyeed laga daayo marin habaabinta, Tarjumaadda qaldan iyo ka been sheegidda is-bedelka gobalka geeska Afrika.

 
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in is-dhexgalkani uu Soomaaliya dan wayn u yahay uuna u horseedayo xasilooni siyaasadeed iyo in meesha ay ka baxdo fara gelintii siyaasadeed ee ay wadamada derisku ku hayn jireen.
 
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka ayaa sheegay aan la qari karin heshiisyo ay dawlada galeen, hadii ay jiraanna ay madaxda dawladaha kale soo ban-dhigi lahaayeen, war-murtiyeed kasoo baxay kulan ay madax yeesheenna aan loo fasiri karin heshiis.
 
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa dhanka kale sheegay in dawladda Soomaaliya ay soo wado nidaam doorasho oo hal qof iyo hal cod ah, xor ah, xalaal ah, waxa uuna ka codsaday in dawladda fursad loo siiyo in ay dadka Soomaaliyeed u adeegto.
XIGASHOSOMALISAN.NET


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip