Maxaa ka soo baxay Kulankii Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa Kuxigeen

0
Sunday December 16, 2018 - 22:43:55 in Wararka by
  • Visits: 257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa ka soo baxay Kulankii Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa Kuxigeen

    Guddi isku xilqaamay xalinta khilaafka Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegaya in is afgarad laga gaaray kala aragti duwanaanti ka dhex jirtay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddi isku xilqaamay xalinta khilaafka Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegaya in is afgarad laga gaaray kala aragti duwanaanti ka dhex jirtay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen.

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo ka mid ahaa xubno ka tirsan Golaha Shacabka oo qeyb ka ahaa dadaalada xalka loogu raadinayay khilaafka ayaa sheegay inay Guddoonka Golaha Shacabka ay is afgarad ka gaareen wixii khilaaf ahaa ee soo kala dhex galay.

Mr Xidig oo aan faah faahin waxyaabaha lagu heshiiyay ayaa ku soo koobay in is afgarad laga gaaray khilaafka, lana xaliyay kala aragti duwanaanaan, isagoo intaa ku daray in dib loo bilaabib doono howlihii Baarlamaanka ee hakadka geliyay Mooshinka laga keenay Madaxweynaha.

Ma uusan soo hadal qaadin arrinta Mooshinka Madaxweynaha iyo haddii xal laga gaaray, hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in Guddoomiye Mursal uu dalbaday in mooshinka arrintiisa loo daayo.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in la isku afgartay in mas’uuliyadda looga dambeeyo Guddoomiyaha, lana is cafiyo, isla markaana la wada shaqeeyo.

Si kastaba ha ahaatee kulanka Guddoomiye Mursal iyo labadiisa Kuxigeen ayaa noqonaya kii u horeeyay ay yeeshaan, tan iyo markii Guddoomiyaha ka soo guuray Madaxtooyada, kaddib go’doomintii la saaray.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip