Qarax Lagu Dhaawacay Mas'uul Ka Tirsan Xiriirka Kubada Cagta Sh/Dhexe

0
Sunday December 16, 2018 - 17:10:04 in Wararka by
  • Visits: 269
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Lagu Dhaawacay Mas'uul Ka Tirsan Xiriirka Kubada Cagta Sh/Dhexe

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Gaari oo Maanta ka dhacay Xaafada Siigaale ee degmada Hodan kaas oo la sheegay in uu ahaa mid gaari loogu dhejiyay Ruux watay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Gaari oo Maanta ka dhacay Xaafada Siigaale ee degmada Hodan kaas oo la sheegay in uu ahaa mid gaari loogu dhejiyay Ruux watay.

Gaari nooca Soomaalida u taqaano Saruf ayaa qarxay,waxana xilliga uu qarxayay saarnaa Ruuxii lahaa Gaariga oo ahaa Guddoomiye kuxigeenka xiriirka Kubada Cagta Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu Magacaabo Maxamuud Cumar Axmed(Qasaaye)

Eheladiisa ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in dhaawac lugta ah uu ka soo gaaray qaraxaas Guddoomiye kuxigeenka xiriirka Kubada Cagta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka qaar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in Gaariga uu Maanta ka soo bixiyay Garaash uu ugu xareesnaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay intii ay Wadooyinka Muqdisho xirnaayeen,hayeeshee Maanta markii uu lasoo baxay uu ku qarxay.

Mid ka mid ah Isbitaalada Magalada Muqdisho ayaa loo qaaday dhaawiciisa oo la sheegay in uu yahay mid fudud,welina kama hadlin saraakiisha laamaha Amniga Soomaaliya.

Qaraxyada dhejiska ah ee Gawaarida lagu dhejiyo ayaa inta badan ka dhaca Magalada Muqdisho,waxaana horay loogu xiray oo u geeriyooday,Saraakiil Xildhibaano iyo dad kale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip