Muwaadiniinta Uganda Oo Loo Fududeynayo Fiisaha Dal-Ku-Galka Somalia

0
Sunday December 16, 2018 - 16:56:20 in Wararka by
  • Visits: 299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadiniinta Uganda Oo Loo Fududeynayo Fiisaha Dal-Ku-Galka Somalia

    Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Jeneral Jejje Odong waxa uu bishan December 4-dii shaaciyey in la soo saaray Qeybtii Koowaad ee Baasabooradda noocoodu yahay E-Passaports, taasi oo ay Muwaadiniinta Uganda u adeegsan doonaan Dukumentiga Socdaalko

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Jeneral Jejje Odong waxa uu bishan December 4-dii shaaciyey in la soo saaray Qeybtii Koowaad ee Baasabooradda noocoodu yahay E-Passaports, taasi oo ay Muwaadiniinta Uganda u adeegsan doonaan Dukumentiga Socdaalkooda. Muwaadiniinta Uganda waxaa la sheegay inay Dal-ku-gal ama Visa la'aan ku tegi karaan ugu yaraan 68 Waddan oo 15 ka mid ah ku yaallaan Qaaradda Afrika.

Wargeyska Maalinlaha ee The Monitor ee ka soo baxa magaalladda Kampala oo Warbixin dheer ka qoray Fursadaha Muwaadiniinta Uganda ee ay Dal-ku-gal la’aanta ku tegi karaan ugu yaraan 68 Waddan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin: Kenya, Benin, Botswana, Burundi, Eritrea, Eswatini (Swaziland), the Gambia, Lesotho, Malawi, Mauritius, Rwanda, Tanzania, Zambia iyo Zimbabwe.

Dhinaca kale, waxaa jira Waddamo kale oo oggolaaday inay dadka wata Baasaboorka Uganda Fiisaha lagu siiyo marka ay ka degaan Garoomadda Diyaaradaha ee dalalkaasi.

Wargeysku waxa uu qoray in Muwaadiniinta Uganda ee imaanaya Somalia loo fududeynayo Dal-ku-galka (Visa)-ha, isla markaana la siinayo isla marka ay ka soo degaan Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde International Airport ee magaalladda Muqdisho.

Dalalka kale ee oggolaaday inay Muwaadiniinta Uganda Fiisaha ku siiyaan marka ay ka soo degaan Garoomadooda Diyaaradaha waxaa ka mid ah: Jabuuti, Ethiopia, South Sudan, Senegal, Togo, Gabon, Gini Bissaw, Jesiiradaha Komoros iyo Keeb Ferdi



Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee DFS weli kama hadlin qorshaha Muwaadiniinta Uganda ee Dal-ku-galka lagu siin doono Garoonka Aadan Cadde, balse waxay Si kastaba ha ahaatee, haddii Muwaadiinta Uganda loo fududeeyo Dal-ku-galka Somalia, waxay taasi u muuqataa mid sahli karta inay sii kordhi doonaan Muwaadiniinta Uganda, gaar ahaan Diplomaasiyiinta, Ganacsatada, Ciiddamadda iyo Shaqaalaha kale ee Socdaalladda ku yimaada dalka Somalia.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip