Jurgen Klopp: Waxaan Noqon Karay Tababaraha Manchester United Laakiin Ma Aanan Rabin Shaqada Waqtigaas.

0
Saturday January 16, 2016 - 11:28:01 in Sports News by
  • Visits: 650
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jurgen Klopp: Waxaan Noqon Karay Tababaraha Manchester United Laakiin Ma Aanan Rabin Shaqada Waqtigaas.

    Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in mar loo soo dhawaaday si uu u noqdo tababaraha cusub ee Manchester Unted laakiin ma uusan rabin waqtigaas inuu ka tago Borussia Dortmund. 48 jirkaan ayaa tababare u ah haatan kooxda Liverpool oo axada wajahays

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in mar loo soo dhawaaday si uu u noqdo tababaraha cusub ee Manchester Unted laakiin ma uusan rabin waqtigaas inuu ka tago Borussia Dortmund. 48 jirkaan ayaa tababare u ah haatan kooxda Liverpool oo axada wajahaysa kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee Man United ka dib markii uu bedelay Brendan Rodgers bishii Oktober.

Klopp ayaa dalabyo helay ka dib markii uu ka tagay Germany laakiin waxa uu sidoo kale ahaa tababare la doonayay markii uu joogay Dortmund, isagoo qirtay in United ay ka mid aheyd kooxihii xiiseynayay bishii April ee sannadkii 2013 markii Sir Alex Ferguson uu ciyaaraha ka fariisanayay.

"Waan wadahadalnay” ayuu Klopp u sheegay suxufiyiinta isagoo ka hadlayay xiriir uu la soo sameeyay Sir Alex Ferguson. "Wax badan ma aanan wada hadlin laakiin waxa ay ii aheyd wax badan. Sharaf weyn ayay ii aheyd hadalka oo dhan haddii aan daacad u hadlo.

"Waxaa jira waqti ay Man United i xiiseyneysay, laakiin kama aanan tagi karin Dortmund. Waa intaas. Marka aad April joogt islamarkaana aad bartanka kaga jirto qorshaha xilli ciyaareedka xiga.

"Oo aad ciyaaryahankaan, iyo kan iyo kan ay imaanayaan ma bixi kartid. Ma ahan sida ay wax u shaqeeyaan.

"Dalab rasmi ah ma aanan maqlin laakiin haddii uu jiri lahaa ma aanan aqbaleen. Waxay ahaan laheyd inaan marka hore dhameysto shaqada Dortmund ka dibna aan ka fekero waxyaabaha kale.

"Malaha taasi ma ahan waxa ugu fiican ee caqliyan la sameeyo. Dabcan waxaan daacad u ahaa Dortmund. Si la mid ah markii aan joogay Mainz.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip