Hordhac: Chelsea v Everton – Guus Hiddink Oo Rajeynaya Inuu Sii Wato Rikoorkiisa Guuldarro La'aanta Tan Iyo Intii Uu Bedelay Jose Mourinho.

0
Saturday January 16, 2016 - 11:25:43 in Sports News by
  • Visits: 657
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Chelsea v Everton – Guus Hiddink Oo Rajeynaya Inuu Sii Wato Rikoorkiisa Guuldarro La'aanta Tan Iyo Intii Uu Bedelay Jose Mourinho.

    Kulanka: Chelsea v Everton Garoonka: Stamford Bridge Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Mike Jones

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Chelsea v Everton Garoonka: Stamford Bridge Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Mike Jones

Chelsea ayaan laga badinin intii uu qabtay Guus Hiddink laakiin ka dib barbarihii ay kala kulmeen West Brom arbacadii waxa ay weli lix dhibcood u jiraan boosaska lagu haro.

Miyuu Romelu Lukaku awoodi doonaa inuu xanuunka ku sii kordhiyo kooxdiisa hore islamarkaana uu guushii ugu horeysay ku hogaamiyo Everton horyaalka muddo afar kulan ah? Xiddiga dhinac ka haya gooldhalinta horyaalka ayaa ku guuldareystay inuu shabaqa ka soo taabto Manchester City bartamihii isbuuca laakiin waxa uu dhaliyay 10 gool 11kii kulan ee ugu danbeysay.

MAXAA KA CUSUB?

Chelsea ayaa waxaa mar kale ka maqan Eden Hazard iyo Radamel Falcao kuwaasoo dhaawacyo gumaarka iyo bowdada ku kala maqan.

Xiddiga garabka ka ciyaara Pedro ayaa waayi kara booskiisa shaxda Chelsea ka dib markii uu qaab ciyaareed liita soo bandhigay kulankii West Brom iyadoo Kenedy uu booskiisa la wareegi karo.

Everton wax dhaawacyo cusub ah ma qabto ka dib barbarihii ay ku qabteen Manchester City.

Tom Cleverley ayaa heysta fursad 50/50 ah oo uu uga soo laaban karo dhaawac canqowga ah maanta laakiin Seamus Coleman iyo James McCarthy ayaa weli maqan.

Weeraryahan Steven Naismith oo diirada u saaran Swansea ayaa dhaawac yar ka qaba canqowga mana ciyaari doono maanta.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Chelsea: Courtois; Ivanovic, Zouma, Terry, Azpilicueta; Mikel, Fabregas; Willian, Oscar, Pedro; Costa.

Everton: Howard; Stones, Funes Mori, Jagielka Baines; Besic, Barry, Osman; Barkley, Deulofeu; Lukaku.

MA OGTAHAY?

  • Chelsea ayaan laga badinin 20kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay martigeliyeen kooxda Everton, iyagoo badiyay 11 kulan oo ka mid ah.
  • Kulankii ugu danbeysay ee horyaalka ee ay Everton ku badiyeen Stamford Bridge waxa ay aheyd bishii November 1994, markaasoo Paul Rideout uu dhaliyay goolka kaliya.
  • Everton ayaa ka badin karta Chelsea labada kulan ee xilli ciyaareedka markii ugu horeysay tan iyo xilli ciyaareedkii 1978-79.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip