Hordhac: Man City v Crystal Palace – Sky Blues Oo Ka Fogaaneysa Inay Markii Labaad Oo Isku Xigta Gool La'aan Ku Noqoto Garoonkeeda Muddo Sannad Ah.

0
Saturday January 16, 2016 - 11:21:23 in Sports News by
  • Visits: 682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Man City v Crystal Palace – Sky Blues Oo Ka Fogaaneysa Inay Markii Labaad Oo Isku Xigta Gool La'aan Ku Noqoto Garoonkeeda Muddo Sannad Ah.

    Kulanka: Man City v Crystal Palace Garoonka: Etihad Stadium Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Jon Moss

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Man City v Crystal Palace Garoonka: Etihad Stadium Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Jon Moss

Wax qariib ah ayaa dhacay habeenkii arbacada – Manchester City ayaa ku guuldareysatay inay gool ku dhaliso garoonkeeda markii ugu horeysay muddo ku dhow sannad.

Markii ugu danbeysay ee ay taasi dhacday waxa ay dhacday labo jeer oo isku xigta, laakiin lama filayo inay goolal la’aan noqdaan kulanka ay wajahayaan Palace oo ah koox ay dhibaatooyin heystaan una baahan xal.

Dhibaatadooda ugu weyn ayaa ah inay gooldhaliyaan, iyadoo ay soo martay afar kulan oo gool la’aan ah ama sida iska cad guul la’aan ah.

 

MAXAA KA CUSUB?

Kabtanka dhaawacan ee Manchester City Vincent Kompany ayaa laga yaabaa inuusan soo laabanin ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wilfried Bony, Fernandinho, Eliaquim Mangala, Samir Nasri iyo Patrick Roberts ayaa sidoo kale seegaya kulanka maanta.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Crystal Palace Yannick Bolasie ayaa weli dhaawac ku maqan sababo la xiriira dhibaato uu ka qabo lugta.

Dwight Gayle ayaa shaki uu ku jiraa inuu ciyaarayo inkastoo uu tababarka ku soo laabtay halka Connor Wickham ayaa isna la filayaa inuu ku soo laabto shaxda kooxda.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Man City (4-2-3-1): Hart; Sagna, Demichelis, Otamendi, Clichy; Delph, Toure; De Bruyne, Silva, Sterling; Aguero

Crystal Palace (4-2-3-1): Speroni; Souare, Dann, Delaney, Ward; Cabaye, McArthur; Sako, Punchoen, Zaha; Wickham.

MA OGTAHAY?

  • Manchester City ayaa badisay lix ka mid ah todobadii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay wajaheen kooxda Palace halka kulanka kale ay badisay kooxda reer London.
  • Labadaan kooxood ayaa kulmay labo jeer xilli ciyaareedkan, City ayaa badisay kulankii horyaalka ee bishii September iyagoo ku badiyay 1-0, halka 5-1 ay ku badiyeen kulankii League Cup.
  • Crystal Palace ayaa ku guuldareysatay inay gool dhaliso afar ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka ee ay ka horyimaadeen Man City.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip