Cristiano Ronaldo Oo Ku Soo Laaban Kara Old Trafford – Kulan Saaxiibtinimo Oo Ay Ciyaarayaan England Iyo Portugal.

0
Saturday January 16, 2016 - 11:18:16 in Sports News by
  • Visits: 682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cristiano Ronaldo Oo Ku Soo Laaban Kara Old Trafford – Kulan Saaxiibtinimo Oo Ay Ciyaarayaan England Iyo Portugal.

    Cristiano Ronaldo ayaa la filayaa inuu ku soo laabto England gaar ahaan garoonka Old Trafford, sida ay qortay Daily Mirror. Madaxda xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa wadahadalo la yeeshay dhigooda Portugal iyagoo doonaya inay kulan saaxiibtini

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cristiano Ronaldo ayaa la filayaa inuu ku soo laabto England gaar ahaan garoonka Old Trafford, sida ay qortay Daily Mirror. Madaxda xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa wadahadalo la yeeshay dhigooda Portugal iyagoo doonaya inay kulan saaxiibtinimo wadaa ciyaaraan ka hor koobka Qaramada Yurub.

Xiriirka kubada cagta Portugal ilo ka tirsan ayaa xaqiijiyay inay wadahadalo socdaan, inkastoo aan heshiis rasmi ah laga gaarin hadana Portugal waa ay dooneysaa inay wajahdo England.

Waxa ay taasi la micno tahay in ciyaaryahankii hore ee Manchester United Ronaldo inuu noqon doono soo jiidashada ugu weyn ee mid ka mid ah seddex kulan saaxiibtinimo ee ay England ciyaari doonto ka hor Euro 2016.

Xiriirka Ingariiska ayaa ka warqaba in xiddiga Real Madrid Ronaldo inuu leeyahay soo jiidasho weyn islamarkaana ay xaqiijin doonto in si dhakhso ah loo iibsado tikidhada garoonka.

Tababaraha England Roy Hodgson ayaa doonaya inuu xulkiisa ciyaarsiiyo seddex kulan oo saaxiibtinimo ka hor Euro 2016 iyadoo ay ka kala dhacayaan Wembley, Old Trafford iyo garoonka ku yaala waqooyi bari England.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip