Taageerayaasha Oo Aaminsan In Inkaartii Ramsey Ay Soo Laabatay, Markii Uu Gooldhaliyaba Qof Caan Ah Ayaa Dhinta – Laakiin Ramsey Lama Dhicin Arinkaas.

0
Saturday January 16, 2016 - 11:16:16 in Sports News by
  • Visits: 743
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taageerayaasha Oo Aaminsan In Inkaartii Ramsey Ay Soo Laabatay, Markii Uu Gooldhaliyaba Qof Caan Ah Ayaa Dhinta – Laakiin Ramsey Lama Dhicin Arinkaas.

    Labadii gool ee uu Aaron Ramsey isbuucii tagay uu u dhaliyay Arsenal ayaa keentay in kaftan badan laga sameeyo iyadoo si weyn loogu hadal hayo baraha internetka. Taageerayaal badan ayaa tilmaamaya in xiddiga khadka dhexe ay gooldhalintiisa ku soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labadii gool ee uu Aaron Ramsey isbuucii tagay uu u dhaliyay Arsenal ayaa keentay in kaftan badan laga sameeyo iyadoo si weyn loogu hadal hayo baraha internetka. Taageerayaal badan ayaa tilmaamaya in xiddiga khadka dhexe ay gooldhalintiisa ku soo aado mar walba inuu dhinto qof caan ah oo la yaqaano, waxaana ay aaminsan yihiin in inkaartaas ay soo laabatay mar kale.

Ramsey ayaa gool ka dhaliyay Sunderland isbuuc dhamaadkii, waxaana uu shabaqa ka soo taabtay Liverpool habeenkii arbacada, ka dib kulankii Sunderland waxaa qur baxay heesaa si weyn looga yaqaano caalamka David Bowie ka hor inta uusan aktarka Alan Rickman dhiman khamiistii.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay goolasha xididga reer Wales iyo dhimashada dad caana ah ay isku soo beegmaan, xilli ciyaareedkii 2011-12 waxa uu shabaqa ka soo taabtay Man United, Marseille, Sunderland iyo Tottenham.

Gool walba waxaa daba socotay dhimashadii Osama Bin Laden, tii Steve Jobs, tii Whitney Houston iyo Korneel Qadaffi.

Iyadoo qurafaad ay tahay hadana kaftan ayaa laga sameeyay waxa loogu magacdaray inkaarta Ramsey, iyadoo su’aal arinkaa ku saabsan la weydiiyay sannadkii hore, mana uusan la dhicin.

"Waan la ii sheegay in xantaas ay socotay, laakiin goolal kale ayaan dhaliyay mana jirin cid dhimatay. Waxyaabaha la sheegayo uma arkin wax qosol ah” ayuu yiri Ramsey.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip