Louis Van Gaal: Man United Waa Ay Ka Weyn Tahay Inay Ku Dhacdo Abaarta Koobab La'aan Ee Horyaalka Ee Liverpool.

0
Saturday January 16, 2016 - 11:14:31 in Sports News by
  • Visits: 665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Louis Van Gaal: Man United Waa Ay Ka Weyn Tahay Inay Ku Dhacdo Abaarta Koobab La'aan Ee Horyaalka Ee Liverpool.

    Louis van Gaal ayaa sheegay in Man United ay ka weyn tahay islamarkaana ay ka fiican tahay inay wajahdo abaarta koobab la'aan ee horyaalka si la mid ah kooxda ay xafiiltamaan ee Liverpool. United ayaa ka sarre martay 18kii koob ee horyaalka e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Louis van Gaal ayaa sheegay in Man United ay ka weyn tahay islamarkaana ay ka fiican tahay inay wajahdo abaarta koobab la'aan ee horyaalka si la mid ah kooxda ay xafiiltamaan ee Liverpool. United ayaa ka sarre martay 18kii koob ee horyaalka ee ay heysatay Liverpool kuwaasoo aan horyaalka qaadin muddo 26 sannadood ah, waxaana ay ku wajahayaan Anfield axada.

Man United ayaa qaaday horyaalkeedii 20aad, kumana aysan guuleysanin Premier League tan iyo markii uu Sir Alex Ferguson baxay sannadii2013.

"Kooxdaan waa ay ka weyn tahay waana ay ka fiican tahay kana nidaamsan tahay:” ayuu yiri Van Gaal oo ka hadlayay haddii Man United ay wajihi karto abaarta heysata Liverpool ee dhanka horyaalka.

"Waxaan sidoo kale leenahay dhismo weyn, waxaana horumarineynaa taas sannad walba.

"Waxaan qeyb ka ahay isbedelka kooxda, sidaasi darteed ma qiyaasi karo in horyaal la’aan soo wajahdo Man United.

"Laakiin marka ay taasi ku dhaceyso Liverpool, waxa ay sidoo kale ku dhici kartaa Manchester United.

"Laakiin ma qiyaasi karo inay dhaceyso, sababtoo ah waxaan ku jirnaa xilli kala guur ah, waxaana ku soconaa wadada saxda ah.

"Malaha waqti yara dheer ayay qaadan doontaa laakiin ma qiyaasi karo in Man United ay wajahdo horyaal la’aan muddo dheer.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip