WARBIXIN: Afar Su'aalood Oo La Iska Weydiinayo Premier League Ka Hor Kulamada Isbuucaan.

0
Saturday January 16, 2016 - 11:12:22 in Sports News by
  • Visits: 653
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Afar Su'aalood Oo La Iska Weydiinayo Premier League Ka Hor Kulamada Isbuucaan.

    Miyaa la joogaa waqtigii ay Liverpool kursiga keydka gelin laheyd Simon Mignolet? Jurgen Klopp ayaa difaacay Simon Mignolet ka dib qaladkii uu sameeyay goolhayaha kulankii lixda gool ee ay barbaraha ku kala baxeen Arsenal, laakiin taageerayaal bad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Miyaa la joogaa waqtigii ay Liverpool kursiga keydka gelin laheyd Simon Mignolet? Jurgen Klopp ayaa difaacay Simon Mignolet ka dib qaladkii uu sameeyay goolhayaha kulankii lixda gool ee ay barbaraha ku kala baxeen Arsenal, laakiin taageerayaal badan oo Liverpool ah ayaa aaminsan in qaladaadka Mignolet uu batay

Ayay tahay in Liverpool ciyaarsiiso bedelkiisa.? Miyay u baahan yihiin inay la wareegaan goolhaye kale? Danny Wadr ayaa dib looga soo yeeray amaahdii uu ku joogay Aberdeen halkaasoo uu wacdarro ka dhigay – miyaa la joogaa waqtigii keyd la gelin lahaa Mignolet?

mignolet-getty_3549650k

Uma muuqato in Klopp uu ku aaminayo Ward inuu kulankiisii ugu horeysay ee Premier League ciyaaro kulanka Manchester United laakiin waxyaabo qariib ah ayaa hore u soo dhacay. Adam Bogdan ayaa mar la ciyaarsiiyay tusaale ahaa, laakiin tijaabadaas waa lagu guuldareystay iyadoo boos xirashadiisa iyo sida uu kubada u maareeyo ay noqotay mid aad u liidata. Mignolet ayaa shabaqa ilaashada kulamadii ugu badnaa xilli ciyaareedkii hore, sidaasi darteed si dhakhso ah loogama saari karo shaxda. Haddii uu qalad kale sameeyo isbuucaan markaas sabarka waa uu ka dhamaan doonaa Klopp.

Louis van Gaal miyuu sii wadi doonaa qorshaha uu United kaga dhigayo koox aan lagu caajisin?

"Weerar, weerar, weerar!” ayay ku heesaan jamaahiirta Old Trafford, laakiin fiiri maxay ka dheefeen, United ayaa ku dhaweyd inay garaacdo Newcastle oo ah koox ku jirta boosaska lagu haro laakiin waxaa gool barbaro ah ka dhaliyay waqtigii dhimashada Paul Dummett. Van Gaal ayaa kooxdiisa ku dhisan daafac xoogan oo aas-aas adag ah leh, laakiin waa uu ka takhalusay taatikadaas isagoo ka doortay kubad weerar ah iyo kubado rogaal celis ah kulankii Newcastle, waana sida kaliya ee aan u la ciyaari karaan kooxda Liverpool kuwaasoo isku daya inay kubada heystaan inta badan.

Waxaa sidoo kale xiiso lahaan doonta in la arko haddii Memphis Depay uu fursad u heli doono inuu ciyaaro, waxa uu noqday mid ku xun kubad difaacashada islamarkaana aan waxba ku soo kordhinin weerarka.

rooney-mata_3549655k

Romelu Lukaku miyuu ugaarsan doonaa kooxdiisa hore?

Chelsea ayaa u muuqatay inay isbedeshay ka dib markii ay ceyriyeen Jose Mourinho mar kale islamarkaana ay shaqaaleysiiyeen Guus Hiddink mar kale, laakiin waxaan barbaro ku qabatay West Brom habeenkii arbacada taasoo aan inta badan dhicin, waxaana ay lix dhibcood u jiraan boosaska lagu haro ka hor kulanka ay soo dhaweynayaan maanta Everton.

Mourinho ayaa doonayay John Stones, daafaca ayaana soo bandhigay sababta xilli ciyaareedkan, halka ciyaaryahankii hore ee Chelsea Romelu Lukaku uu si weyn u doonayo inuu taageerayaasha tuso waxa ay tabayaan. Inta badan gool. Guul ay ka gaarto Chelsea ayaa ka dhigi doonta inay dhibic ka danbeeyaan kooxda Everton, islamarkaana kama dheeraan doonaan inay u dagaalamaan u soo bixitaanka Champions League.

elneny-getty_3549668k

Halkee ayuu Mohamed Elneny ka geli karaa shaxda Arsenal?

Arsenal ayaa xaqiiqdii ciyaaryahan la soo wareegtay bisha Janaayo! Markaana ma ahan ciyaaryahan reer Sweden oo dhaawacan, waxa ay la soo wareegeen xiddiga reer Masar ee Mohamed Elneny! Laakiin halkee ayuu ka ciyaari doonaa? Mathieu Flamini ayaa noqon doona dhibanaha ugu weyn ee khadka dhexe madaama ay isku qaab ciyaareed yihiin, taageerayaasha Arsenal ayaana ku duceysanaya inuusan gacmaha taagin garoonka dhexdiisa isagoo dalbanaya in la bedelo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip