Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Wargeysyada Ingariiska Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Sabti Ah.

0
Saturday January 16, 2016 - 11:10:10 in Sports News by
  • Visits: 652
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Wargeysyada Ingariiska Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Sabti Ah.

    Maalinwanaagsan meel walba oo aad dunida ka joogtaan akhristayaasheena sharafta leh, waxaan bartanka kaga jirnaa suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo iyadoo la filayo inay kooxaha waa weyn sameeyeen saxiixyo ay kooxdooda ku xoojinayaan inta ka hartay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalinwanaagsan meel walba oo aad dunida ka joogtaan akhristayaasheena sharafta leh, waxaan bartanka kaga jirnaa suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo iyadoo la filayo inay kooxaha waa weyn sameeyeen saxiixyo ay kooxdooda ku xoojinayaan inta ka hartay xilli ciyaareedkan.

Manchester United ayaa isku diyaarineysa inay lacag rikoor ah ku dalbato xiddiga kooxda Real Madrid James Rodriguez kaasoo u muuqda inuu ka dhacay doorashada macalinka cusub ee kooxda Zinedine Zidane. (The Sun)

Willian ayaa ugu danbeyn war wanaagsan u haya taageerayaasha Chelsea isagoo ugu baaqay kooxda inay qandaraas cusub ka saxiixaan. (The Sun)

Mario Gotze ayaa la kulmi doona agaasimaha isboortiga Bayern Munich Matthias Sammer si uu uga hadlo mustaqbalkiisa kooxda Jarmalka iyadoo Liverpool ay ka war sugeyso waxa dhaca. (The Sun)

Liverpool ayaa dooneysa inay bishaan Janaayo dalab ka gudbiso weeraryahanka Southampton Shane Long. (The Sun)

Liverpool ayaa kula tartameysa kooxda Arsenal saxiixa weeraryahanka Athletic Bilbao Inaki Williams. Xiddiga garabka ciyaara ayaa heysta rikoorka orodka ee Spain ka dib markii laga diiwaangeliyay inuu ku roday xawaare gaaraya 22.2 mile saacadii. (Daily Mail)

Chelsea ayaa ka fiirsaneysa inay xagaaga u dhaqaaqaan tababarahoodii hore ahna tababaraha haatan Claudio Ranieri oo ay ku soo celiyaan Stamford Bridhe. (Daily Express)

Manchester City ayaa qorsheyneysa inay xagaaga isbedel weyn ku sameyso kooxdeeda. Kooxaha ayaa dooneysa inay ka qeyb gasho tartanka loogu jiro daafaca kooxda Everton John Stones oo 21 sanno jir ah. (Daily Telegraph)

Kooxda Man United ayaa loo sheegay inay dalab macquul ah ku heli karaan daafaca kooxda Dynamo Kiev Aleksandar Dragovic. (The Sun)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip