Duco kasta Aammin Ha Dhihin !!!.

0
Saturday December 08, 2018 - 20:58:44 in Wararka by
  • Visits: 1155
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duco kasta Aammin Ha Dhihin !!!.

    1- Baadiyaha meel la isagu yimid ayaa wiil waxa uu yiri: Akhyaareey ii duceeya in Ceebteeyda ALLA asturo, haddii ducadaa la aqbalo waxaan shardiyay Neef Geel ah in aan sadaqeeyo. Aabihii oo goobta fadhiyay ayaa yiri: Anigana iigu duceeya in wiilkeyg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1- Baadiyaha meel la isagu yimid ayaa wiil waxa uu yiri: Akhyaareey ii duceeya in Ceebteeyda ALLA asturo, haddii ducadaa la aqbalo waxaan shardiyay Neef Geel ah in aan sadaqeeyo. Aabihii oo goobta fadhiyay ayaa yiri: Anigana iigu duceeya in wiilkeyga Ducadiisa aan ALLAAH Ka aqbalin, waxaana aan shardiyay Laba Neef oo Geel ah. Ceebta uu sheegayo waa aniga.

( Reer Baadiyaha ayaa yiraa qofkii waalidkii noolyahay ceebtiisa ayaa banaanka taal, oo loola jeedo in uu gudan waayo waajibka Ka saaran waalidka kadibna uu ceeboobo ama inkaarsado, hadiise uu waalidku geeriyoodo Ku ceeboobi meysid).

2- waqtigii Saxaabada. Yuhuudu halkii ey Muslimiinta Ku salaami lahaayeen ” Asalaamu caleykum” waxaa ey dhihi jireen iyaga oo boobsiinayo ” Asaamu Caleykum” geeridu ha idin asiibtu. Asaxaabtuna ma dhihi jirin "wacaleyjuma salaam”, ee waxa ey dhihi jireen "wa caleykum ” oo kaliya oo ah adinkana sidoo kale.

3- Haweeney ayaa Nin keedu ku yiri: xaaskeeygeey waxaa tahay Nimco ALLA i siiyay, oo aad u wanaagsan, waxaan ALLA Ka baryayaa in uu nimcadaa ii siyaadiyo.waxa ey tiri: ALLA kuuma siyaadiyo, anaaba kugu filane mid kale miyaad rabtaa in aan Aamiin kuu iraahdo, tii Ka dhacday waa la ogaa.

4- Nin beeraley ah ayaa yiri: Alloow Maanta Roob noo keen, mid kale oo beeraley ah ayaa yiri: Alloow Maanta Roob ha noo keenin. Sisin ayaa Qoraxda iigu Alkuudan, haddii Roob yimaadna, wixii aan Xilligaan tacbay waa khasaaro.

5- Min Muxaafid ah ayaa Ku leh: Doowlad waa noo joogtaa ee ALLA ha noo barakeeyo aan Ku duceeysano, ma ogo kan kale dhibka uu Ku qabo .

Iska hubi, qofka kuu duceynayo, waxa lagu duceysanayo, u jeedada ducada iyo…….. Waa iga talo.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip