WARBIXIN: Farmaajo iyo Kheyre oo bog cusub u furay siyaasadda, kana hortegay dabinno loo dhigay qorshahooda cusub

0
Monday December 03, 2018 - 10:55:26 in Wararka by
  • Visits: 1401
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Farmaajo iyo Kheyre oo bog cusub u furay siyaasadda, kana hortegay dabinno loo dhigay qorshahooda cusub

    Muddo bal iyo maalmo ah waxaa laba sano u buuxsameysa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo 8dii bishii Febraayo 2017-dii Madaxweyne loogu doortay Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) kaddib markii uu ka guuleystay musharax Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muddo bal iyo maalmo ah waxaa laba sano u buuxsameysa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo 8dii bishii Febraayo 2017-dii Madaxweyne loogu doortay Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) kaddib markii uu ka guuleystay musharax Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu madaxweyne ka ahaa xukuumadii ka horeysay.

Guusha Farmaajo ayaa timid kaddib markii uu tanaasulay Xasan Sheekh Maxamuud xilli ay gabaabsi ahayd tirinta codadka xildhibaanada Baarlamaanka oo ka dhaceysay gudaha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde magaalada Muqdisho.

Haddaba mudada 2-da sano ah ee uu hoggaanka hayay Madaxweyne Farmaajo ayaan u kuur galay waxqabadka xukuumadda uu hoggaamiyo iyo waxyaabaha aan u qabsoomin, caqabadaha soo wajahay gaar ahaan dhinacyada siyaasadda dalka gudihiisa iyo dibadiisa, ammaanka iyo waliba arrimo kale.

Marka la eego dhinaca nabadgelyada waxaan marqaati ka wada nahay inay dalka ka dhaceen falal dhaawacaya amniga iyo xasilinta dalka, iyadoo aanay weli shacabka Soomaaliyeed maskaxdooda ka tirmin qaraxii isgoyska Soobe ka dhacay kaasi oo galaaftay nolosha in ka badan Nus Malyan ruux oo intooda badan ahaa dad shacab ah.

Guusha Madaxweyne Farmaajo oo runtii ka duwaneyd doorashooyinkii hore kaddib markii ay lulatay magaalada Muqdisho isla markaana shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa ay dhigeen dibadbaxyo iskood u abaabulmay oo ay ku soo dhoweynayaan Madaxweynahooda waliba xilli habeen saq dhexe ah mana hakan socodka hirarka shacabka ilaa uu Madaxweynuhu kala hadlay warbaahinta.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa qiray in guusha Madaxweyne Farmaajo uu ka dambeeyay Baarlamaanka, iyagoona ku ammaanay xildhibaanada sida ay u garab istaageen rabitaankooda ah inay doortaan Farmaajo oo intooda badan taageeray xilligii uu Ra’iisal Wasaaraha ahaa markaasi oo shacabka Soomaaliyeed muujiyeen taageero isku mid ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmo kaddib waxa uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana isagoo khudbad ka jeedinayay Baarlamaanka uu ballanqaaday khilaafyadii dhex mari jiray Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarihiisa oo muddo laba sano ah ka soo wareegatay xilliga ay hayaan hoggaanka dalka khilaaf la’aan.

Qaraxaasi oo dhacay 14-kii Oktoobar sanadkii 2017-dii, madaxda Dowladda ay ku eedeysay inay ka dambeeyeen maleeshiyada Al-Shabaab ayaa khubarada dhinaca ammaanka iyo dadka sida weyn ugu dhuun daloola arrimaha siyaasadda Soomaaliya ku tilmaameen midkii ugu weynaa ee dalalka ku yaala qaaradda Afrika, waxayna saraakiisha ciidamada Dowladda ayaa gacanta ku dhigtay raggii agaasimayay qaraxaasi iyo mid kale oo isna ka dhacay xaafadda Buula Xuubey ee degmada Wadajir.

Muddo 9-bil ah ayay jirtay xukuumadda Madaxweyne Farmaajo markii uu dhacayay qaraxii masiibada ahaa ee isgoyska Soobe iyadoo dowladda cusub ay sameysay gurmad qaran isla markaana dhaawacyada aan dalka wax looga qaban karin u qaaday dalalka Turkiga, Imaaraadka, Qadar, Kenya, Suudaan iyo dalal kale.

Siyaasiyiinta iyo kooxaha mucaaradka Dowladda ayaa markiiba siyaabo kala duwan ugu dhaliilay xukuumadda Madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal Wasaare Kheyre inay ku fashilantay ammaanka magaalada Muqdisho, iyadoo dhaliilaha faraha badan ee ay wajahayeen Farmaajo iyo Kheyre marka ay timaado adkeynta nabadgelyada waxay muddo dhowr jeer ah isbedel ku sameeyeen saraakiisha hay’adaha ammaanka.

Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarahiisa ayaa bog cusub u furay wadada loo marayo dib u habeynta ciidamada kala duwan, waxaana arrimaha lagu ammaano xukuumadda ka mid ah in ciidamadu helaan xuquuqahooda sida mushaarka, saadka iyo daryeelkooda, hase yeeshee weli fari kama qodna isku duba ridka ciidamo soo celiya amniga, kala dambeynta iyo difaaca guud ahaan dalka oo dhan.

Sida aan la wada socono sababo fara badan ayaa ku xeeran dhismaha ciidan Qaran oo uu dalku yeesho hase yeeshee qorshaha ciidamo isku dhaf ah ayaa mar kaliya lugaha dhulka la galay kaddib markii khilaaf dhex maray madaxda Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka, kaasi oo marba marka ka dambeysa sii xoogeysanayay ilaa madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ku dhawaaqaan inay xiriirka u jareen dowladda dhexe.

Khilaafka labada dhinac wuxuu marba meel soo joogay haatan wuxuu ku dhow yahay inuu meesha ka baxo, taasi oo sababtay kaddib markii hoggaanka ugu sareeya Dowladda Federaalka ay duruus siyaasadeed cusub u dhigeen madaxda maamul goboleedyada, isla markaana albaabada u laabeen albaabadii loo mari jiray burburinta iyo qaran jabka hannaanka dowladnimo ee Soomaaliya.

Waxyaabaha la xusi karo ee ay ku guuleysatay Dowladda Soomaaliya waxaa ka mid ah: xoojinta xiriirka dalalka deriska ah, ka qeyb qaadashada is faham siyaasadeed iyo iskaashi dhex mara dalalka geeska Afrika oo inta badan madaxda dowlad goboleedyada ku carari jireen marka ay is qabtaan madaxda Dowladda dhexe.

Guulaha siyaasadeed ay gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre ma aha kuwo halkaan lagu soo koobi karo, hase yeeshee shacabka Soomaaliyeed ee u soo joogay isbedeladdii dalka ka dhacayay weli far baa u taagan, waxayna xukuumadda ku dhaliilayaan inay ka gaabisay tallaabooyin waaweyn sida: inay la timaado siyaasad hufan oo kula xaajooto siyaasiyiinta iyo xubnaha mucaaradka ah, iyadoo taasi bedelkeeda adeegsaneysa awood iyo xeelado dahsoon.

Beesha caalamka sida Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya oo horay loogu yaqiin inay faragelin ku sameeyaan arrimaha khilaafka madaxda Soomaalida ayaa meesha ka baxay kaddib markii hoggaanka sare ee Dowladda Villa Soomaaliya ganafka ku dhuftay qorshe shuruud ay wateen madaxda maamul goboleedyada wadahadallo ay la galaan xukuumadda taasi oo ahayd in beesha caalamka soo farageliso.

Doorashooyinka ka dhacaya maamul goboleedyda dalka oo ay ugu soo horeyso gobolada uu ka arrimiyo maamulka K/Galbeed ee Bay, Bakool iyo Sh/hoose waxaa ka howlgelaya farsamayaqaano siyaasadeed kuwaasi oo ka shaqeynaya howlaha doorashooyinka, inkasta oo la sheego in Dowladda dhexe ay faragelin ku heyso ololaha doorashada, hadana dhaliilahaasi ma noqon kuwo nuxur u yeelaya in laabato taageeradeeda.

Martiqaadyo fara badan oo Madaxweyne Farmaajo u fidiyay madaxda maamul goboleedyada ayay ku gacan seyreen, taasi oo sii kordhisay gulufka hoggaanka Villa Somalia ugu jiro inuu meesha ka saaro raggaan caadeystay inay xukuumad kasta carqaladeeyaan, isla markaana dabinno siyaasadeed ay u dhigaan dowladda dhexe iyo madaxdeeda.

Ugu dambeyntii ma aha wax la inkiri karo waxqabadka dowladihii dalka soo maray oo marba marka ka dambeysa horay u qaadayay tallaabooyin taariikhda galay, iyadoo maanta xaaladu ka duwan tahay sidii hore anigoo wakhtiga iyo qadarta ALLE SWT u dhaafaya inuu dalkeena ku tallaabsado nabad, horumar iyo barwaaqo ay ku naaloodaan Shacabka Soomaaliyeed ee la daalaa dhacaya duruufaha kala duwan.

Waxaa Qoray:-


Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
saxafi37@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip