Arsenal oo Goolal ku heysa Horyaalka Ingiriiska iyo Fanaan Taageera oo sheegay…….

0
Thursday January 14, 2016 - 11:12:37 in Sports News by
  • Visits: 689
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsenal oo Goolal ku heysa Horyaalka Ingiriiska iyo Fanaan Taageera oo sheegay…….

    Waxaa la ciyaaray kulamo ka tirsan Meertada 21 ee horyaalka ingiriiska 2015-2016,kuwaasoo qaarkood aad loo sugayay isla markaana hogaaminta horyaalka ingiriiska ay ku xirneyd maadaama hogaanka horyaalka ingiriisku noqday mid isku dhiib dhiib ah mudoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa la ciyaaray kulamo ka tirsan Meertada 21 ee horyaalka ingiriiska 2015-2016,kuwaasoo qaarkood aad loo sugayay isla markaana hogaaminta horyaalka ingiriiska ay ku xirneyd maadaama hogaanka horyaalka ingiriisku noqday mid isku dhiib dhiib ah mudooyinkii la soo dhaafay

kulamadii qabsoomay 13-1-2016 sidatan ayey noqotay natiijooyinkoodii

 
Chelsea vs West Brom 2-2
 
Stoke city vs Norwich City 3-1
 
Southampton vs Watford 2-0
 
Swansea City vs Sunderland 2-4
 
Man city vs Everton 0-0
 
Totenham vs Liecestar city 0-1
 
liverbool vs Arsenal 2-3
 
 
Kooxaha Chelsea iyo Man city ayaa lagu qabtay barbardhac Guryahooda ka dib markii ay ka badin waayeen Naadiyada West Brom iyo Everton,.
 
 
kulanka u dhaxeeyay Liverbool vs Arsenal oo ahaa kulanka usbuuca ee meertada 21 ee horyaalka ingiriiska 2015-2016 ayaa waxa la isweydiinayay tababaraha Arsenal Wanger Kooxdiisa Arsenal ma sii xajisan doonaan hogaanka Horyaalka oo ugu bilowday 2016 iyagoo sutida u haya balse Ciyaartaasi oo aheyd mid adag oo si weyn la isagu jabay waxa ay ku soo idlaatay 90kii Daqiiqo ee logu talagalay Barbardhac 3-3 ah
 
Barbardhacaan Kooxda Arsenal waxa uu ka saacdisay inay Goolal ku qabtaan Hogaanka Horyaalka Ingiriiska 2015-2016 Maadaama Kooxdii sida weyn ugula loolameysay Hogaanka ay soo Badisay balse Goolal ay ku heyso Arsenal Hogaanka Horyaalka ingiriiska ee maraya Meertadiisii 21 ee wareega 2aad waxaana Arsenal ay leeyihiin 43 dhibcood ay la wadaagaan Xaga kala sareynta Kooxda Liecestar City oo iyaduna leh 43 Dhibcood balse xaga Goolasha lagu hogaaminayo oo Arsenal ku horeyso.
 
 
Fanaanka Caanka ah ee Soomaaliyeed CFabdinuur Aadan isaaq’ Daljir’oo ka mid ahaan jiray Barisamaaadkii Kooxda Fanka Durdur oo aan wax ka weydiiyay Aragtidiisa horyaalka ingiriiska 2015-2016 iyo sida uu arko ayaa sheegay in Horyaalkaan uu ka xiiso iyo xamaasad kulul yahay kuwii ka horeeyay isagoo xusay in uu 100% ku faraxsan yahay kooxda uu taageeri jiray waligiis Arsenal inay ka soo dhex muuqatay shaanshada sare ee Horyaalka ingiriiska waxa uuna qiray Mr daljir in Arsneal ay u qalanto Hanashada Horyaaka ingiriiska 2015-2016 oo ay mudo ka badan 10 sano moogeyd
 
 
Mr Cabdinuur Daljir waxa uu hoosta ka xariiqay in Xili ciyaareedka 2015-2016 ee ingiriiska uu yahay xili ciyaareedkii Arsenal iyo Macalinkooda Arsen Wanger isla markaana ciyaartoyda Arsenal looga baahan yahay inay Taageerayaashooda soo xasuusiyaan sidii ay ahaayeen Sanadihii Horaantii 2000 oo Arsenal uu horkacayay Weeraryahankii Reer Franca Thierry Henry
3024A47B00000578-3398223-image-a-24_1452721345308article-3398223-3024F1D200000578-323_964x3853024F4B600000578-3398223-image-a-87_1452724284861
 
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’
xigasho somaiweyn.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip