SANNADGUURADA 26AAD EE WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILYNEWS PAPER OO 18 /11/2018 LOO DABBAAL DAGAY..

0
Sunday November 18, 2018 - 23:40:19 in Wararka by
  • Visits: 2436
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SANNADGUURADA 26AAD EE WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILYNEWS PAPER OO 18 /11/2018 LOO DABBAAL DAGAY..

    Munaasabad Xalay ka dhacday xarunta wargeyska oo Taariikhda wargeyska soo maray looga hadlay iyo Qoraalo ka hadlaya arrimahaas oo aan maalmahaan idiin soo Bandhigi doono inshaa allaah. Maamulka wargeyska waxaa uu ugu mahad celinayaa ka soo qeybgal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad Xalay ka dhacday xarunta wargeyska oo Taariikhda wargeyska soo maray looga hadlay iyo Qoraalo ka hadlaya arrimahaas oo aan maalmahaan idiin soo Bandhigi doono inshaa allaah. Maamulka wargeyska waxaa uu ugu mahad celinayaa ka soo qeybgalayaa sha munaasabadda 26guurada wargeyskaan isagoo bogaadiyey dadkii qeybta weyn ku lahaa in uu xilligaan ku lahaa kana soo qeyb qaatay howlaha wargeyskaan uguna habmalyeeyo munaasabadaan a soco qoraalada danbe ee munaasabada in shaa allaah …


SANNADGUURADA 26AAD EE WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILYNEWS PAPER OO 18 /11/2018 LOO DABBAAL DAGAY..{HORDHAC}

Munaasabad Habeen hore ka dhacday xarunta wargeyska oo Taariikhda wargeyska soo maray looga hadlay iyo Qoraalo ka hadlaya arrimahaas oo aan maalmahaan idiin soo Bandhigi doono inshaa allaah.

Maamulka wargeyska waxaa uu ugu mahad celinayaa ka soo qeybgalayaa sha munaasabadda 26-guurada wargeyskaan isagoo bogaadiyey dadkii qeybta weyn ku lahaa in uu xilligaan ku lahaa kana soo qeyb qaatay howlaha wargeyskaan uguna habmalyeeyo muna-asabadaan a soco qoraalada danbe ee munaasabada in shaa allaahEeg Bogga 5/6aad…

SANNADGUURADA 26AAD EEWARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILYNEWS PAPER OO

18 /11/2018 LOO DABBAAL DAGAY..

Q/1aad

Munaasabad Habeenkii Axadda ka dhacday xarunta wargeyskan oo Taariikhda wargeyskani soo maray looga hadlayey iyo Qoraallo ka hadlaya arrimahaas ayaa ah sida tan:

26-aad

IMG_20100105_104512 - Copy.jpg 1



Munasaada aya waxaa ka soo qeyb gay uruada bukshada, aqoonyanao, siyaasiyiin, haween, dhallinyaro iyo qeybaha guud ee bulshada soomaaliyeed, ugu horeyn waxaa aayado qur;aan ah hlkaa ka akhriyayey Sh.Mucjis Maxamed Cuamr waxaana uu ku dheeraada sida isku xirka dadka uu faa;iido u leeyahay, sidoo kale waxaa uu halkaa shaqaalaha iyo howladeenada iyo ka soo qeybgalyaashaba kula dardaarmay in ay muhiim tahay in laga wada qeyb qaato wxyaabah danta shacaka wax u tarayo sida in bulshada la wacyi geliyo si dhibaatada jita looga baxo, sidoo kalena waxuu ku baraarujiyey in iskaashigu guul lagu gaaray isagoo tusaale u soo qaatay in munsbadan manta an joogno ay ku imid iskaashi wada shaqeyb maamul iyo shaqaale isu dhaga nugu iyo danta shacabka oo ah midda qura ee mataaneyn karta bushada , wuxuuna 26 ay ka soo wareegtay aasaska wargeyskaan iyadoo uu sheegay in waxa uu xilligaan ku soo gaarayan ay tahay isku kalsoonaanta ka muuqato milkiilha oo ah ruugcaddaa aqoon duragsan u leh howlah adeegga warbaahinta , sidoo kale ahna qof aaminsan awooda alle siiyey oo howlaha adagna kaalinweyn ka qaatao talo iyo tusaleyna leh waxaan ay tahay mid u baahan in garab lagu siiyo maamada maadaam mudo dheer ay soo shaqeyneysay anagan kaalinteena kolley ka hagran meyno iyadana ma aha qof fadhi jecel koleey 5 sano inuu gaarayo iyo ka badan baan rajeynayaa wargeyskaan waxana loo baahan yahay wixii wanaag ah in la iksu taageero wixii xummaan ahan la isag digo waxaan leeyahay maama horey u sii wada anagana garbahaaga naga eeg.

Maama Biibto

Tifaaf tiraha Wargeyska ee ugu horeyey Madaxmuud Aaxmed Xasan Xuurshe ayaa hadallo gaaban oo nuxur badan halkaa ka sheegay wxuun sheegay in xilligii wargeyskaan la bilaabay dhibaatooyin badan laga soo mutay laakiin waxuu sheegay in taa lagu ilaabayo dadaalka wali taagan oo ay maamada hormuud u tahay waxaana waliba xusuustaa iyadoo wargeysyo badan jiraan inuu wargeyskaani maalintuu soo baxay uu ekaa mid sanooyin jiray oo kale waayo waxaa la geliyey xayeysiin dheer dhagahabulshada wuxuu ku badnaa waxana uu noqday mid buslhada kaalin muhiim ah ugu galay wallow w/muqdisho uusan ka jirin wargeysk maalinleh ah dadka ay u oomanaayeen in ay helaan weyna heleen wayan haayaan hadda ee waxaabogaadinayaa dhammaan bahda wargeyska waxaan u rajeynayaa guul intaa ka badan insha allaah.

Dr.Cismaan Axmed Jimcaale oo Guddoomiyaha wargeyska ee 2aad ahaa ayaa halkaa ka hadlay waxaan uu sheegay in wali wax badan ay dhiman yihiinoo uusan dhamman halganka waayoo ayuu yiri wali dalka dagaalbuu ku jiraa waxaan wargeyska iyo dhammaan bahada saxaafadda looga baahan yahay in dagaalka nabad lagu bedelo dadkan colaadda xummaanteeda la dareensiiyo waayoo xili adag ayey dadka soo mareen waxii dhagahooda ka guuxayan waa in wax wanaasgan oo ay jecleystaan looga badelo oo ah nabad, nabad nabad .

dha n ka kale waxaa munaasabadda ka hadlay Md. Muuse Maxmecd Cusmaan {M.Kiimiko}

isagoo halkaa ka khariyey hadalo qiimo badan waxaana uu sheegay in dadaal walba oo la galo hadduusan alle ku jirin uusan meel mar noqnoney waxaana dadaalkaan aan soo galany manta uuyahay mid muuqda waxa uu ku yimidna waxaa ka hadlay dadkii igahoreyey waxaan loo baahan yahay in laga dhabeeyo howlaha nah or yal oo ah in wali wageyska uu yahay mid jira hase yeeshee xilli adag uu soo wajahay waxaan xafiiskyadiisa 2 ka mid ah ay noqdeen mid maffax ku dhacay iyo mid la bilileystay waxan u fakaday aliya hal xafiis marka nabadgalyada ayey kaalin ka qaadataa xaruumaha in la badiyo waayoo goob ka id ah hadi qarax ka dhaco qeybta kale ayaa shaqeyneysa taasina waxaan u leehaya dalka dhibaato ayaa ka dhacda oo marksta wax uunba dhacay wargeyskan waa mid loo baahan yahay inuu helo meel ammaan ah haddan aana baaqaneyn marka juhdihii iyo daalkii inga soo gaaray wargeyska waxaan ku masxeynaa 26 huuradiisa waxana leehaya bulshada munaasbaddan isu timid habalyo hambalyo wargeskan hala taageero.

Maareeyahay Wakaaladda Madbacada Qarnka Somaaiyeed Md. Maxameed Maxamed Juun ayaa dadkii munaasbadaasi ka hadlay ka mid ah isagoo halkaa kaga bogaadiyey dadaalka maamulka wargeyska iyo howladeennadiisa waxaana uu ammaan dul dhigay maama biibto o uu sheegay in ay tahay mid rug caddaa saxaafadeed amam howled ee dhanka wargeysada ah waxuun sheegay in iyadoo yar loo ikman jiray howl ka tan weyn oo aysan raga qaban Karin taasoo uu sheegay in ay ka soo bixi jirat lagauan amaal marin jiray sanadksaa waxaan uu bogaadiyey shaqaalaha iyo masuliyiinta wargeyska dadaalkooda iyo isku xirkooda manta halka ay gaareen ay tahay in ay sanadguuradii 26 aad manta u dabaaldagayaan waxaan leehaya hambalyo hambalyo

dhinaca kale Milkiilaha Wargeyskan ahna tifaaf-tiraha Guud ee Wargeyskaani Marwo Xabibo Axmed Jimcaale {Biibto} ayaa hadalkeeda ka bilwoda mahad celin iyo u habalyeyn ka soo qeyb galayaasha xaflada xuska 26 guurada wargeyskaan wxaayan tiri Maamulka wargeyska waxaa uu ugu mahad celinayaa ka soo qeybgalayaasha munaasabadda 26-guurada wargeysk aan isagoo bogaadiyo dadkii qeybta weyn ku lahaa inuu xilligaan soo gaaro aad iyo aad ayaan ugu mahacel inayaa howladeennada kaalinta libaax ka soo qaatay iyo macaamiisha sharafta badan oo ku tax naa wargeyskaan bilowgiisa ilaa haatan waxaana ka soo qeyb galayaasha xafladaan 26 guurada ka soo waregtay leeyahay hambalyonagula ciida caafimaad san iyo adeegii ad bilowden..

EEG BOGGA 6AAD

KA YIMID BOGGA 5AAD

1Oo wali aan hakanin alle mahadii dadaalkiin wuu miro dhalay hadii aad tihiin ,qeybihii kala duwanaa ee qofka qeyb ka lahaa howlaha baaxadda leh ee wargeyska , intii inaga dhimaayan samir iyo iimaan alle ha inaga siiyo Cali Sh. Cabdi Cali Fareey , Maxamed Xasan Jeeri, C/laahi C/Raxmaan C/Laahi Yariisoow, Makaraan Xasan Cadoow iyo inta jiranauu ka mid yahay Claahi Xuseen Baarbbe alle ha caafiyo aamiin

Wargeyskaani wuxuu soo maray marxalado kala gedisan oo aad u adag walina uu ku jiro alle ayaan ka baryeynaa in uu wixii dhib ah inga najeeyo madam aan weli heyno howlaha wargeyska

Hadii aan idinkaga waramo xaaladda wargeyska uu ku bilwday ayaa ah sida tan:- sideeda howl haddii la wajahayo waa inuu qorshe jiraa , markii qorsha oo uu ugu horeyey feker , magaca , hanta,xarun, dadkii howasha wadi lahaa oo isku aragti ah kana go’an tahay howsha qibradna u leh , ammaan goob ah , taageerayaal howlahasi kugu dhiiri geliya iyo suuqgeyn

Alle mahadii inta badan haddaan helnay waxaan heli weyn dhaqaale sidaas daraadeed waxaan anigoo biibto axmed jimcaale ah aan ku dhiirada in aan qarashka guud bixiyo wargeyskana uu gacan kale iyo is jiid jiid ka nabad galo waxaana qaabilay wixii adeeg guud ah ee u wargeyska u baahnaa ee hdinacayada kala duwan waloow gacan weyn aan ka helay aqoonyanada iyo howladeenada oo igu kabay xoogooda iyo aqoontoda anana aan wixii karaankeyga ah aanan ka hagran, sidii ayaan ku bilownay howshaas 26jirsatay .

Waxaana ugu horeyey in la helo agab Magac ,Xafiis, Aqoonyanadi iyo waliba xaruntii waxaana xillig 2 sano ku dhan ah aan aruurintisa iyo in la helo wargeys tayo leh qalab kiisana u dhan yahay ayey aan u soo maray maantawaxaay ay ku aaddan tahay 26 sano xiligii uu soo baxa yna ay tahay mid 24 jir ah waayoo maadaama18-ka Novembar 1996-Dii Uu Soo Baxay Cada dkiisa Ugu Horeyey , howshi isa iyo juhdigiisa 2 Sano nagu qadatay in la yagleelo wargeyskan wixii loo bahnaa in la helo xafiisyo dhowr ah oo misna waaweyn oo qeybo kala duw-an ku kala yaala taasina alle ma hadii waan ku guleysanayayey tiri Marwo Xabiibo Axmed Jimcaale Biibto oo ah Milkiilaha Wargeyskaan.

Sidoo kale waxaay ka dhawaajisay maamo Biibto in loo baahnaa sidii aan ku heli lahyen Magac u Qalma oo qaddarin iyo xushmaba leh kaasoo Alle inagu toosiyey ka dib markii raadin dheer u galnay inagoo dhowr ah oo aqoonyahano u bad-an wada tashi iyo isla falaqeyn ka dib aan isla qaadana magaca ah Muqdisho waxaan aniga ku daray TIMES oo aan is lahaa dadka ka haqabtir xiisaha ay u qabeen xilligaa oo xaalad xun ay jirta dadka aqbaarta ay u omanayeen anigoo qosheyye in an saacad kastab war cusub u daaabaco wallow ay noqon weyday

Waxaanaxilligaa dada maskaxdooda ku qufulnaa qabiil iyo dagaal oo dadka maskaxdooda ka gu uxayey awgeed ayaan barnaamijyo ay jecleystaan kuna halmaamaan ugu diyaarinay wargeys kaan anigoo kashana rag iyo haweenba oo aqon-yan-ao ah oo kaalin muuqata ka soo qaatay ho wlaha warge-yskaan.

Dadkaxagga dhiibashada fakerka ayaan isku howlnay in aqbaartooda looga soo gudbiyo ay na waliba noqoto mid aan dadka ka corooneyn oo runta ku qotonta, iyadoo bogga aan qoreyna ugu intuusan soo bixin wargeyska oo maalinkastaba bogga xiisa leh ugu diyaa garow nay ayaa waxaan qaadanay Magaca ah Mogadishu Times wuun ka haqabtiray wixii war ah ee dalka ka dhacaye MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER looga walqala uuna soo baxay cadadkiisa 1aad 17-ka Novembar 2018-ka isagoo maantana ah mid 24 jirsaday cadad ahaan laa kiin how lhiisa dadalkii loo galay uu inoo yahay 26 sano waayoo intaa howlihiisa uunbaan ku jirnay. Ayey tiri maama biibto.

Waxayan sii raacisay in muddada dheer ay loo galay in loo helo wixii uu u baahna oo dhan waxaana jiray dalka oo uu ku jiray marxalad adag oo dhibaato badan oo dadka aqoonta leh ay ku jireen xeendaab si nafasdooda ay u badbaadsadaan ay adkeyd in la helo, taasoo mudda 2da sano inu qaadatay qalabkii iyo aqoonyahanadii iyo goobo ay ku nabad geli karaan in la isku helo alle mahadii waa inoo dhanowday riyadeennii ahyed in la dhidbo wargeyskaan maanta munas adiisa aan xaadirka ku nahay ee Mogadishu Times Daily News Paper ayey tiri marwo biibto oo aheyd lafdhabrka wargeyskaan bilowgiisa ilaa iyo haatan dhexde u xiratay inuu soo gaaro xillgaan.

Waxaayna si weyn u bogaadisay dhalliyardi iyo aqoonyahanadii kaalinta ku lahaa inuu soo baxo wargeyskaan iyadoo jilashii iska daba taxnaa ee heerarka kala duwan lahaa ee soomaray warg eyskana kaga mahad celisay xilliyadii kala duwanaa ee dhibka badnaa oo ay isla soo mareen iyagoo danta qura aan lahaayeen ay aheyd in uu mele wanagsan gaaro wargeyskaan.

Waxaana tiri maanta waan idinkaga habalyeynayaa haddii aad tihiin madaalayaashii soo maray wargeyskaan howlihiisa qeybaha kala duwan kala lahaa , sida wariiye, diyaariye, tirfaaftire farsamaqayqaanadada , riportarada, maqaaliista yaasha , halabuurayaasha murtida iyo madad aalada, qeybaha Bogagga Wargeyska ku kala qornaan ee Diinyadda, Isborti, Arrimaha Bulshada iyo Siyaasaddaba lahaa waxaanakaalin muqata aad ka ciyaateen muhiimadda wargeyska shar fata iyo karaamada bal eh sidoo kale waxaay uu macaamishiisa ka aamaantay maanta in y tahay mid aan ku wada faani karo bilo ilaa hada waan ugu mahadcelisay kuwa adeegsada wargeyska iyo kuwa akhriskisa ku taxanba .

Sidoo kale waxaay mahad gaar ah u deysaa dadkii xilliyada adkaa ee dagaalada bahsan dalka ka dhacay kaalinta ka qaatay iyagoo ahaayeen badbaadiyayaashii wargeyskaan waayoo ayey tiri hadii aysan gacan I siin lahyen saxada ayuu ka maqnaan lahaa waan ku mahadsan tihiin taageerada aad ii muujiseen ee xaaga xaruun kmg ah degmooyinka g. Banaadir aan isaga kala gooshayey xilligii dagaalka ee 2006 ilaa 2012 iyadoo walina ay tahay arrin aan degaan badan la heyn hadan walaal jira ayey ayaad tihiin idinma iloobi doono.

Nagula ciida sanadguurada rasmiga ah ee 24ka wargeska iyo dadaalka loo galay oo 26 jirsaday .

Waxaan hubaa in wargeyska doorka weyn uu ka qaatay xagga arrimaha nabada iyo dib u he shiisiinta iyo is dhexgalka bulhsda uu ka soo qaatay in ay tahay mid si weyn ammaan uu ku mud eystay shaadooyin badan uu ku kasbadan ka qeybgalka howlaha dalka iyo sidii loo heli lahaa ma amul iyo kala danbeyndalka ka dhasha iyadoo xillidheer lagu jiray dhibaati iyo dagaal aan dham maan, walina uu diyaar u yahay maamulka wargeyska inuu sii shaqeeyo haddii alle yiraahdo .. Waa Socotaa,,,,

SANNADGUURADA 26AAD EE WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILYNEWS PAPER OO 18 /11/2018 LOO DABBAAL DAGAY..

Q/2AAD

Taariikhda wargeyska ayaa ah sida tan: "in wargeys maalinle ah la sameeyo waxaa fekerkiisa lahaa Marxuum C/dir Axmed Jimcaale {Boison} oo Geeriyood ay inta aan la sam eyn Wargeys kaani Alle ha u Naxariistee. Iyadoo Dadkii isku howlay garabkana igu siiyey sameynta wargeyskaan oo ay ugu horeysay magac u sameyntiisa kana qeyb qaateen dhal linyarada ka howl bilowday wargeyskaan ayaa kala ahaa sida tan: "Al Ustaad Aweys Xus een Xasan {A.Shiino}, Maxamuud Axmed Xasan {Xuurshe Tifaaftirihii Wargeyskaan ugu hor eyey G/wargeyskaan muddo gaaban hayey xilkaasi oo ahaa Cali Xaaji Maxamed Alle ha u naxariistee iyadoo guddoomiyaha wargeyskaan Dr.Cismaan Axmed Jimcaale ahaa muddo isagana xil kaa hayey ilaa iyo hatana howlaha wargeyska qeyb culus ku leh waloow howlo kalena uu leyahay gacan buu inagu siiyaa si wrgeyskan uu u noqdo mid meel sare gaaro Maxamed Xasan Gaarweyn {Jeeri Alle ha u Naxariistee} oo lagu xusuusto {Qoraaladii Raadiyo Reer Hebel iyo Ma Sheexoow Xaala Sheegay iyo sheekooyin jaceyl ahaa iyo Ri waayado Siyaasadeedyo badan oo uu Allifay}, C/laahi C/Raxmaan C/laahi Yariisoow {Alif} Artiist u ahaa wargeyskaan walibana kii ugu horeyey oo qaaska inoo ahaa, isagan snadkii tagay ayu geeriyooday alle ha u naxariisto ,Max med Maxamuud Nuurrey {Jimcaale}, qo ray asha waaweyn ah ,Qo raa sare Cawil Daahir Salaad oo lagu xusuusto Mataantii Qalbiga sheekadii kadibana filinka laga dhigay ,, Prof. Yexye Sh. Caamir oo qor aalki u gu dheeraa ee JUUJ VS WAMAA JUUJ qori jiray ilaa haatan qoraalo ku leh wargeyskan, Wariiye Cali Muuse Cabdi. oo wargeyskaan kaalin mug leh ka qaatay isagoo akhbaaraadka guud iyo waliba wareysiyada gaarka ah wax ka qori jiray, wuxuuna xilligii adkaa ee wargeyskauu kaalin wax ku ool ah ka qatay qalabeynta wargeyskan isa goo inagu saaciday agabka uu ku howlgalyey wargeyska ammaan ballaaran baan u hayaa isna allaah ha u jiseeyo,Jabriil Max amuud Nuur {Jabra} Farsamayaqaan ka Warg eys kan ee ugu horeyey ahna qoraa faa looyin iyo diyaarinta wargeyska ,Madiino Axmed Jimcaale oo sheekooyin Riwaa yadeedka iyo war arka, wargeyska u qorta, Sh. Cali Cumar Maxamuud qoraalada Diiniga iyo faallooyinka Mar xaladaha kala duwan looga bartay ee xaggana badda.

Dhan kale Marwa Biibto oo hadalke eda sii watada ayaa intaa raacisay "aniga 6 magac oo la soo Ali fay ayaa la I hor keenay oo aan aniguba qeyb kulahaa, wa xaan ka qa atay magaca ah MOGADI SHU TIMES,kuwii kalena qaar baan dad siiyey qaar kalena dib ay aan u howl geliyey iyana waxaay ka mid yihiin wargeysada aan leeyahay ayey tiri Marwo Bii bto. waxaana nasiib wanaag ah in wargeyska uu noqday mid dad ku aad u jecleysta an waxa uu qorayo waayoo wuxuu ka fogaa isku dirta iyo beenta, waxuna ahaa mid runta ka turjuma oo aan ka baqanin wixii jira oo maskiin u hiiliya ah iyadoo Durba dad badan ku soo xirmay waxaana wargeyska uu horseed ay inuu isu soo dhaweeyo siyiyaasi yiintii loollanka adag ku jirtay ka dib markii afkaarta bulshada laga qoray waxay u daga alamayaan iyo waxa ay ka helayaan haddii qoraalo ka hadlaya la qoray qof kasta oo qalad ku jiray uu dib Isu saxay kana haray fowdadii iyo coladiskii dantiisa raacday.

iyadoo xusuu muhiim ahay inoo tahay in Wargeyskaani uu Qadkii Cagaaranaa sidii loo furi la haa ka qeyb qaatay iyadoo akhbaartii ugu farxadda badneyd ee shacab gaaro uu ka helo Wargeyska iyadoo kulankii Hoteel Ramadaan ee Md.Cali Mahadi Maxamed iyo Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid 3 saac uu ka dhacay Hoteel Ramadaan ee M/Muqd isho qoraalk aasi uu habeen 10 Saac ina soo gaaray uu Waregysku sameysan yah ay haddan aan galnay inaan daabacno warkaasina kuna dhejino Wargeyska kuna Lifaaqnay Bogga Danbe {Gadaale} dadaalkaas oo uu maamulka sameeyey waxaa kalin muhiim ah ku lahaa Wariiye Cali Muuse Cabdi Oo Xarunta Soo Gaarsiiyey aniga Biibto ahna inta ka howlbilaabay sidii aan u diyaarin lahaa inta ka hartay howshaa si uu u Hirgalo warkaas muhiim bushada u ahaa kaasoo ,waxaana la arkayey iyadoo la Bogaadi nayo Xarunta wixii Wargeysahaa ee Maali ntaa wuu Qaaliyoobay dadkiina waliba way badsanayeen iya goo Koobiye ysa nyey waayoo way Fara sanayeen iyagoo wadadda Xarunta Wareyska Marayeen

iyagoo Bogga ku heysta Nuqul Wargey ska ka mid ah ina dabaaldagayeen soo dhaweynta Xuseen Ceydiid oo Hoteel Ra madaan ku la kul maayey Madaxweynahe Cali Mahdi Maxmed taasoom Maa lintaa Qadkii Cagaarnaa laga qaaday iyadoo isla shaqeyn dhexmarta 2da Qeybood ee Mu qdishona la isu kala gudbay, loona duceeyey muqdisho Times iyo Bahdiisa

ilaa haatan waa nalooga hambalyeeyaa waxqabadkaas ayey tiri maamada

Wargeyskan farsamayaqaanada soo marayiyo kuwa wali ka howla gala waa: Jabriil Maxa med Nuur Jabra,Xabiibo Axmed Jimcaale {Biibto}, Maxamed Ibraahin {Baksitaan},Cali Muxuddiin {Cali Gaas}, C/hi Maxamed Salaad {Dalle}, Najiib Cali Cumar, Daa’uud Maxam ed Salaad, Naasir Cali Cumar,C/fitaax Maxamed Salaad Diyeeshe, iyadoo aysan ka mar eyn farasmada iyo qoraalada Wargeyska qeybo ka mid ah inay ka shaqeyn jireen dadka sa re ku xusan.


1shaqaalah iyo maqaaliistayashii kaalinta ku lahaa waxaa ka mid ah: Aweys Xus een Xasan {A.Shino} Sheekadiiqoraa sheeko,Cawil Daahir Salaad Qorahaa Sheekadii Mataankii qal biga , Alle ha u naxariistee Cabdaal Nuuradiin Axmed Qore Sheekoodii Aniga iyo Jaceyl, Maxamed Shiil Xasan, Qoraa Sare Saciid C/Salaan Qoraa Maqaalaad, C/risaaq Axmed Absuge {Waayeel} Faallo Qore,Xasan Maxamed Geseeyey, Maqaaliiste,Sacdiyo Sh.Axmed {VIP} qoraal sheekooyin, Falastiin Axmed Xaaji {PLO} qoraa sheeko Jaceyl ah, iyo

Maqaalad,Alfannaan Bashiir Cali Xuseen Bogga Fanka iyo Suugaanta,Mahad Car aboow Cali Ripor teka Wargeys ka, Aad an Saalamin Faallo Qore, Maxa med Cali Maxamuud {Madka}, qoraa sare, C/laahi Maxamed Cumar {Mucjis},C/l aahi Max amuud Jiroow, ripor ts, Ceydiid Abuukar qoraaga Sheekadii ROOMA, Barre Sh. C/hi {Bangaaladeesh}:{Qoraa sheega dii Guumeystii Geel Baan},Aadan C/laahi Aadaamo Qore sheeko Gobeey Maxaa loo Guursan waayey,Cali Maxamed Cismaan {C.Ameeriko}, Qoraa sheeko jaceyl ah,Muqtaar Nuur Maxamed {M.Lovy},qora sheeko, Badruddiin Sh.C/hi Maqaliste iyo diyariye barnaamij Qoro Qoraa Sare C/dir C/lle Nuur {Qalbi Dahab} ayaa ah: {Naag Iyo Nasiib Raga Waa Ay Kaa Farxiyaan sheekada Socoto}, C/qdir Maxamed Calasoow {Calas} Wariiye wararka u qaabilsan iyo Maqaalaadya da, WAA SOCOTAA…..

SANNADGUURADA 26AAD EE WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILYNEWS PAPER OO 18 /11/2018 LOO DABBAAL DAGAY..

Q/3aad

Yaaquub C/laahi Guure Farsamayaqaan Iyo Qoraalada Wargeyskan, Safiyo Cali Sheekh {Saf oon} Qoraa Bogga Caafimaadka,Fowsiyo Sh. Xasan Qoraa Bogga haweenka, Nimco Cali Cumar Qoraa Bogga ila Tali, La Yaab ka Adduun ka, Leylo Cali Saalax wararka,Farxiyo Cali Qaajo Maqalaadka Siyaasadda, Shukri Axmed Leyte {Shiimaa} Qoraalada Ra’yiga da dweynaha iyo Halxiraalaha,C/laahi Maxamed Xuseen {Baarbe} howlaha adeegga wargeys ka, haatana dhibaato loo geystay darted ugu cuuryaamay lixadkisa oo ku sugan muqdisho alla ha caafiyo ,Abshir Cali Warsame, {Shire},Aadann dheere, Sh.Xuseen Koofile Qoraa Sh. Cali Cumar,Sh.Maxamed Kulmiye Axmed,qoraalada Diiniyadda ayey mashaa’ iiqdaasi qory een Md.Axmed C/lle Xadhuun {Axmed Shiine Alla ha u naxariistee} masuul u qaabilsnaa wargeyskan xagga qalabka daabacaadda Stetionryga, Maxamuud M.Aadan {Kuurdo} oo isa gan u qaabisanaa xagga waraaqaha iyo agabka wargeyska soo iibintiisa

Sidoo kale dhallinyarada wargeyska Iibgeysa oo uu ugu horeeyo C/qaadir C/lle Xaaji {Qa marjiga},Qaasin Axmed nucmaan alle ha u naxariisto dhawaan ayuu geeriyooday , Saalax Axmed Numcaan, Maxamed Sh. Maxamed Aadan Oday Canashuur,Oday Makaraan Xasan Tooxoow alle ha u naxaristee,Yoonis iyo carruurtiisa, Cabdaalle Reer Xaaji, Nuur Xasan Ga daamoow, Cabdi Maxamed Sheekh, Xuseen Talyow, C/hi Cumar Muudeey,Cali Biyoow, Xuseen Daango,Huutuu, Maxamed Jaceeloow,Yuusuf Xeyle Jimcaale haatan ah masuul sare ee dowladda soomaaliya, Muuse, Diimoow, Muuse Witik,Cabdi Geeseey, Shabeeloow, Axmedeey Sh. Cali,

dhan kale Milkiilaha qeybaha horumarineed ee Wargeyskani ku tallaabsad ay inta uu shaq eynayey iyo dhibaatoyinka la soo gudbonaday. "maamulka Wargeyskani wuxuu sameeyey Intuu Jiray Wargeyso ka farcamay oo xarunta lagu daabacayey oo kala ah: Danjire Press oo Todobaadl kiiba 2-jeer soo bixi jiray Axad iyo khamiis, Xogwarran Press oo maalinkasta oo jimco soo bixij iray, Wargeys ku hadla codka haweenka Ururka haweenka suxuufiyiinta Soomaaliyeed {SOW PA Press} la yir aahdo,Wargeyska faalooda diiniyadda oo la yir aahdo Al-Shareeca Al Islaamiy ah,sidoo kale Wargeysk Arrimaha Bulshada ka Faalooda oo la yira ahdo {Dawo Jaceyl Tifaftire ka tahay Nuurto Cali cumar,} Sidoo Kale Wargeyska Faalooda Dhinaca Ciyaarah Oo La Yira ahdo MOGADISHU SPORTS uu Madaxa Wargeyska ka yah ay Naasir Cali Cumar, Sidoo kale Wargeyska waxaa uu ka qeyb qaatay soo nooleynta isb oortiga dalka iyadoo xaalad xun jirtay ayuu Aasaasay Nadiga Mogadishu Times oo ciyaara ha dalka laga Ciyaaro inta badan kooxo ciyaartooy ah ka sameeyey waliba guulo wax ku ool ah ka soo hooyey tartamada dala laga ciyaaro sida K.Cagta, K/Kolyaga Wiilashaa, wa aweyn iyo junyerba lahaa K/K/Gacnata Hand-pollka, Kooxda K/ Miiska,Kooxda K/Teniska dhammaan waxaay ahaayeen kooxahaasi wiila sababtoo xaalada gabar ku ciyaari kartay way yareyd waxaan abaabulay in gabdho isugu yimaa daan tartanada kuwaasoo uu qeyb ku lahaa Maamulka Wargeyska oo garoonka wish ee k/kol eyga Ex- Lughilo dayactir gaana aanu sameynay si tartamada isboortiga loo dhiirrigeliyo da’yarta jecel maadaama dalka uu ku jiray dagaallo sokeeyo oo faraha looga gubt ay 1998dii il aa 2001-dii ayaanna adiga War geyska Mogadishu Times Tartamada ka qeyb qaadanayeen iy ago hantay Koobaba kala ah Jeneraal Daa’.uud 2000 kooxda hanatay, kuwa Munaasabahda iyo waliba Ciyaaro Saaxibq eybo kala duwan ee Sbort-iga Soomaaliya ku tartamaan Naadiga Wargeyska Mogadishu Times oo dhameystiran Sanad kii 1998dii ilaa 2001dii ayuu jiray wax aan uu soo Hooyey gu ulo la taaban karo waxaan kooxda k/koleyga wiilasha ay qaadeen koobka Jeneraal Da’uud, Wiilasha k/miiska wax aay kaalinta 2aad ka galeen tartan ka Jen,, Daa’u ud,wiilasha k/gac anta ka alinta 2 aan ku guuleysanay Gobol ka Sh/Dhexe Tartan k/kolyga ee wiilsha .iyadoo tartamada ay ka kala galeen kaali maha kala ah wiilsha teenis ka kaalinta 2aad kooxda k/gacta sarea C-da ay ka galeen kaallinta 3aad waxaan ugu mahad celinayaa dadaal kooda wax qabad waxa an macallimi inta Naadiga Mogadishu Times iyo MacaalInka K/Cagta Axm adeey Hilowle, iyo Macallinka k/kolayga Macallin Saacid Baariyoow iyo Macallimiinta kale ee qeyb aha kala duwan Axmed Cali, Anwar, Shiino iyo guud ahaanba dhallinyaradii guul ahaas soo hooyeen waxaana leenahay nagula ciida sannad wanaag Guurada 26aad ee Wargeskan si nabad ah alla ha inooga dhigo sanadaha danbena alle ha inagu gaarsiiyo na bad iyo nolol taam ah insha allaah”

Waxaa sidoo kale u mahad celi nayaa xilliyadii adkaa ee dagaala da dalka ka dhacayeen ee 2006 il aa 2012 dii xigaa oo aha midka u gu adag ee ina soo maray ka dib markii qalabkii iyo dee gaanadii aan ku howl geli jirnay ay noqdeen kuwa laga barakaco dadkii nagu saaci day goob aha aan ku howl galeynay wax aana kala ahaayeen

dadkii nagu saaciday goobaha aan ku howlgaleynay waxaana kala ahaayeen Qaasin Xuseen Jimcaale oo muddo gabaan aan ka helaya goob KMG ah, 2 Ing. Maxamed Cali Nu ur oo muddo 2 Bilood ah aan ka helnay Xafiis kaamil ah, 3 Cabdikariin Muxuddiin Cadoow iyo Sahro Maxamuud oo aan kahelnay dhowr bilood Xafiis kaamil ah, iyo Xasan Maxamed Jimcaale {Gees Diir} iyo Xaaskiisa Hibo Maxamed Faarax oo dhowr sano nagu saacideen xafiis iyo waliba deegaan Rigli ah, Fowsiyo Sh.Xasan, C/qadir Sh. Xasan iyo waliba Maxa med Sh.Xasan oo iy agana qeyb ku lahaa Saacidaadda Wargeyska Xagga Qalabka iyo Xaf idaadoodaba, Cabdi Cali Xasan Yuubaane, iyo Xaskiisa Shiino Axmed Rooble oo iyaga gac an aan la iloobi Karin nagu siiyeen inaan markastaab howlaha Wargeyska iyo waliba midda guud waxa an leenahay Alle ha idinka ajar siiyo Maamulka Wargeyska wuxuu leeyahay Dhammaan dadkii xilligii adkaa nagu siiyey Gacanta Wargeyskaan waxaan Abaalkiina ku Gudo ma heli karno Laakiin waan idin sheeh-sheegaynaa kaliya Alle ha Idiiin Abaal Gudo waxaana dhammaan intii gacanta Igu siisay oo dhan leehaya Axsantu Jisaa kallahi Alle ha idiin jiseeyo walaao jira saaxiibbayaal.

Waxaana sidoo kale xusid mudan qoraa sare Amiin Yuusuf Qasaaro Ciise Faar ax,Saciid C/Salaan,Axmed Maxamuud Dhicisoow, Maxamed Ibraahin Macllimuu,Faarax Cumar Nuur, Cismaan Maxamuud Niino,Maareya ha WMQ. C/qaadir Maxamuud Juun, Malyun Sh.Xeydar, Ururka {WOMDU} Shariif Macallin Maxamuud, Muuse M.Cismaan,C/dir M. Calsoow Calas, Nuur Maxamed Nuur N/Qamadi, Sh. Xasan, dhammaan dadkdaasi oo ugu dhirigeliya marksta inaan howlah sii wato iyagoo dadaalka iyo dhibkaa aan u galo igala xanuunsado , sidoo kale Hey’ adda Adra Saacid aadbaan ugu mahad celinayaa dhibaatooyin ka la iigeysanayey oo ay iga difacday mar naagu weeraray gaarigaa Anigoo ah Biibto iyo , Nasro Cali Cumar, xuseen Cagafeey dhaawac culus lagu gaarsiiye iyo waliba Tifaaftiraha Wargeyska Md. Maxamuud Axmed Xasan {Xurshe} WAA SOCOTAA…….

SANNADGUURADA 26AAD EE WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILYNEWS PAPER OO 18 /11/2018 LOO DABBAAL DAGAY.

Q/4aad

Axmed Xasan {Xurshe} oo dhaawacyo fududi soo gareen waxayna ahe yd 30-kii Juun 1996-dii Maalin Jimco 7 Saac Duhurnimo ay aheyd 3 Rag ah waddada inoo galeen Tacshiiradna na huwiyeen kuwaasoo Dhimasho inooga tagay hase yeeshee alle Dile ayaa dhinta waxan inaga soo gaaray alle mahadiis Ciidamada Heyadda ADRASAACID oo inaga dabxiray nagana eryeen dableeydi iyagoo isbitaalka dhaawaceen gaarsiiyen .

Marnaba ma iloobi doono gar-gaarkii Heyaddaasi inoo fidisay gurmad waxaan leeyahay al la ha idiin jaseeye,sidoo kale Dhaqaatiirka ka Shaqeysa Isbitaal Keysaneey amaan ballaaran ayaan u celinayaa ayey tiri marwo biibto.

sidoo kale waxaay u mahadcelisay Ganacsade Xaaji Muxuddin Yuusuf,Cismaan Xuseen Ax med {waryeen}, Waxana sidoo kale macaamiisha wargeyskaan uu muddad uu jiray u soo qabtay howlaha kala duwan ee adegyadooda waxaan leenahay walaalayaal nagula ciida sanadka 26aad ee xuska wargeyskaan waana idinkaga mahad celinayaa Macamilnimada jo ogtada ah een leenahay Waxana Maamulka ay u soo jeedisay heyadaha iyo shirkadaha ka le ee aan wali macaamilka la yeelani nay dadaalkooda wax qabad ama baahineed aan diy aar u nahay iyagana gacan inagu siiyaan sidii ay sida Wargeysyada Dalka ka jira oo kale aan dhankeena uga ad eegilaheyn waxaana diyaar u nahay inaan ku soo dhaweyno War geyskaani anagoo u sheegeyna inuu yahay mid weyn oo muddadaas fog jiro haddana Gab ar Somaliyed ay leedahay taasoo u baahan in garab lagu siiyo waayo waxaa ay tahay mid ku shaqeysa xaalad xun iyo dalka oo dhibaato ku jira waliba dusha u ridatay inay macaa miishiisa ku taxan Akhrinta iyo Adeegsigana aanay marna ka baaqan Nuquladiisa alle ayaa Mahad leh intii gacan inagu siisayna waan u mahad celinaynaa inaan iyana soo dhaweyno oo ay ka mid noqdaan Macaamiisheena Gacmo furan ayaan ku soo dhaweyneyna ayey tiri Maama Biibto

Dhanka kalena Maamam Biibto ayaa sheegtay una rajeysay dhammaan bahda War geyska Mogadishu Times Daily NewsPaper iyo Taagrayaashaba in sanadkaan kiisa kale ay ku gaar aan Nabad iyo Baraare Dhammaan Qoraalada Munaasbada ayaa waxaa ay yihiin kuwa inta badan ay ka dhax Muuqdaan dadkii waxgalka u ahaa Wargeyskaan iyo kuwa Saa cid ay intaba sanad Guura da 26 Sano oo shaqada Wargeska Qaasatan socotay

dhana kale waxaana ka Cudur daaranayaa inta uu wareyska socda wixii farsamo xum mo ahaa ee lagu arkay inay raali inagaga noqdaan maadaama aanu nahay Aadmi Qaladna uu inaga dhaci karo Ma Qaldame Waa Allaah waxa aan ku shaqeyneyno waa Aalad Cilla dobi karta, waxaayan xustay in wargeyskaan laga dheehan karo wabka www.mogtimes.com taasoo maamulka uu xooga ku saaray in ay helaan macluumaadka ku qoran dadka kala joogo daafaha adduunka waxaayna tiri Guuleysta kuna soo gunaanaday shiribkaan ay tirisay Maama Biibto waan kan:-

SHIRIB 4 WALXAATOO MIIN

·4 Walxaatoo Miin Ku Taala Muqdisha Temisaa Taqaan

·Dad Ciilan Cuqdada ka saar Calool Fayoobina ku Beer

·Ciyow ayuu ku soo Celshaa Hadeey nabdi Caagtone’

·Cilmi Aqoonya Caaqiliin Cudud Mideysan Ceyn Walbee,

·Carruur ka Raagtay Cidahood AyuuSi Caama ku soo Celshaa,

·Culuun Aqoonya Cilmi Weyn ayey kugu Casumayaan

·Macluumaad Run ah Meerintiis Muqdisha Timesaa Taqaan

SHIRIB {MUQDISHO TIMES WOW MUHIIM}

·Magaca Magaaladeyna Guud Muqdisho Times Wow Muhiin,

·Maamul jiraya Ma’wi Geyn Muqdisha Times Wow Muhiim

·Inta Muftiya Miirqabkaa Muqdisha Times wow muhiim

·Maata Dayacan Meel u Yeel Muqdisho Tims Wow Muhiin

·Muqdisha Times Waa Musbaax inta Kalow ka Muuqayaa

·Muqdisha Times Muuqahaay Meel Fiican alla ha Marshee.

·Muddaad Jirtaye Marxbeyn Maqsuud Ahawe Muqdishoy

·Meel Wacan Gaare Muqdishaay oo Mowlaheyna kuu Maciin

·Masuuliyiinta Muqdisho Maalin Kastaba waa Maqsuud

·Madhaafaanka howlshiyo waxay Muddaba soo Mareen,

·Munaasbadda iyo marxabeynta guud Muqdisho way ka Muuqataa

·Macaamiishiyo Muqdisho Temis Muddo Fogbay Macaamileen.

·Mahad Allaa leh Muqdisho Maantad Jirtaa Muddo dheer 26 Sano

·munasabado Badan soo marteeMaqsuudayna Macaamishaa,

·Muqdisho waa Magaaladii oo Mahuraanki noo aheyd,

·magaca ya maal mar bay kulmaan muqdisha tames waa mirtaas,

·Maamada muqdisho times soo mirtoo Musbaax ka yeeshay waa muhiim

·Muddoba waan ku Meel Marnee Moloow Adiga noo Maciil,

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

waxaa erayo kooban halka ka soo jeediyey Md. Yuusuf Cismaan Ciil Axmed {Carrabeey} oo ahaa Guddoomiyaha Naad iga Wargeyska Mogadishu Times waxaana uu dhammaan ugu mahad celiyey doorka ciyaartowda iyo maamulka ka qaateen ta aba gelinta howlaha wargeyskan waxuuna ciyaartoydii guul aha ka soo hoysay tartamadii 1998-dii ilaa 2002-dii xafladda uu ku bogaadiyey gulahaas isagoo u rajeeyey guulo intaa ka badan waxaana dadaalka wargeyska uu u galay soo noleynta ta rtam ada cayaaraha qeybha kala duwan ee dalka isagoo yiri sanad guu rada 26aad naga guddooma habalyo iyo salaam diirran ha ddii aad tihiin maamulka wargeyska iyo kooxhiisaba.

sidoo kale Xafladaas 26 guurada wargeyska Mogadishu Times ayaa waxaa halkaa dadkii ka qeyb galeen ku bogaadiy een Marwo Xabiibo Axmed Jimcaale waxaana ay ku dhiiri geliye en inay dadaalkeeda halkaa ka sii waddo, waxaana bahda saxa afadda soomaaliyeed ay u hambalyeeyeen gud ahaan shaqaal aha iyo masuuliyiinta wargeyska iyagoo u rajeeyey in ay sanad kaan kiisa kale ku gaaran nabad iyo baraare.

waxaana soo gunaanaday munaasabadaasi maareeyayah guud ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka Soomaaliyeed Md. Maxamuud Maxamed Juun isagoo sheegay inuu la socda howlaha biibto waayoo iyadoo yar baan arkjirya maadaam aan iskala shaqeyneyna WMQ waxaayan ahyed gabar howlkar ahwaxaan dhihi lahaa biibtowaxayntusaale u tahay haweenka so omaaliyeed ayna sameysay dadaal dheeri ah waxaana ay tahay gabadha 1aad ee leh wargeys maalinle ah oo dalka soomaaliya ka soo baxa haddana dadaalkeeda uu muuqdo iyadoo muddo 26 sano iyo ka badan saxaafadda u qidmeyneysay waxaan ay tahay mid sida u shaqeysay loo abaal gudin waloow aan maqlay inay kaalinta 2aad ee haweenka saxaafada Afrika goobaha Qat arha ah ka howl gala inay ka gashay Tartran loo qabtay san adkii 2014-kii kaalinta 2aad waxaana ka guuleysatay kaliya gab ar ka soca Dalka Dalka Ruwanda, waxayna tahay mid naga mu dan inaan dadaalkeeda ku ammaano wallow howl rag aan qa ban Karin oo xajmi weyn ay u babac dhigtay iyadoo haween ah inay intaa sano soo waday waxaan leenahay maashaa allaah horey u soo wad anagana garabkaaga ayaan taagan nahay insha allaahayuu yiri Md.Juun

xafladaas ayaa ku soo dhamaatay jawi degan iyo is marxabeyn iyo is bogaadin maamulak ,iyo marti shafata ka soo qeyb gashaba ay ka wada maqsuudeen

DHAMMAAD    DHAMMAAAD     DHAMMAAD





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip