Louis van Gaal: Qof Kale Iskadaa, Anigaaba Ku Caasija Manchester United.

0
Tuesday January 12, 2016 - 10:25:27 in Sports News by
  • Visits: 691
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Louis van Gaal: Qof Kale Iskadaa, Anigaaba Ku Caasija Manchester United.

    Louis van Gaal ayaa qirtay inuu aad ugu caajisay ama aad u carooday qaar ka mid ah kulamadii ay Manchester United ciyaartay xilli ciyaareedkan. Tababaraha Old Trafford ayaase sheegay inay jiraan kulamada qaarkood ee uu ku riyaaqay oo ay kooxdiisa ci

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Louis van Gaal ayaa qirtay inuu aad ugu caajisay ama aad u carooday qaar ka mid ah kulamadii ay Manchester United ciyaartay xilli ciyaareedkan. Tababaraha Old Trafford ayaase sheegay inay jiraan kulamada qaarkood ee uu ku riyaaqay oo ay kooxdiisa ciyaartay taatiko kubad-heysasho ah.

Man United ayaa ka soo hartay koobka Champions League waxaana ay kaalinta shanaad kaga jiraan horyaalka Premier League.

Taageerayaasha Old Trafford ayaa ku ooriyay kooxda Van Gaal waqtigii nasashada ee kulankii FA Cup ee ay la ciyaarayeen Sheffield United, iyadoo kumanaan taageerayaal ah ay iska baxeen ciyaarta oo aan dhamaanin.

Markii la weydiiyay sababta ay taageerayaal badan u baxeen ka hor inta uusan Wayne Rooney dhalinin goolka rigoorada ahaa ee ay United 1-0 ku badisay, Van Gaal ayaa ku jawaabay: "Kuma aysan fekereynin inaan gool dhalin karno, waxaase sidoo kale macquul ah in mashquulka wadad darteed ay u sii hor baxeen.”

Laakiin 64 jirkaan ayaa qirtay: "Waxaa jira kulamo qaar oo aan ku riyaaqay iyo sidoo kale kulamo aan si aad ah ugu caajisay ama aan u carooday sababtoo ah waxaan aheyn kuwa kala daadsan oo aan difaac ahaan nidaamsaneyn, laakiin taasi waa dhaqanka kubada cagta.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip