Tababare Pep Guardiola Oo Raaligeliyay Tababarayaasha Horyaalka Premier League.

0
Tuesday January 12, 2016 - 10:16:33 in Sports News by
  • Visits: 682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababare Pep Guardiola Oo Raaligeliyay Tababarayaasha Horyaalka Premier League.

    Pep Guardiola ayaa raaligeliyay dhigiisa tababarayaasha Premier League madaama uu xilli hore xaqiijiyay inuu ka tagayo Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedkan islamarkaana uu ka shaqeyn doono Premier League.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Pep Guardiola ayaa raaligeliyay dhigiisa tababarayaasha Premier League madaama uu xilli hore xaqiijiyay inuu ka tagayo Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedkan islamarkaana uu ka shaqeyn doono Premier League.

Tababaraha reer Spain ayaa ku dhawaaqay bishii hore inuu ka tagayo kooxda heysata horyaalka Jarmalka dhamaadka xilli ciyaareedkan isagoo raadinaya inuu u wareego Premier League, waxaana lala xiriiriyay kooxaha Manchester City iyo Manchester United iyo sidoo kale Chelsea, xitaa waxaa lala xiriiriyay Arsenal.

Guardiola ayaana raaligelin ka bixiyay cadaadiska ay ku dhawaaqistiisa saartay tababarayaasha horyaalka Premier League.

"Waan ka xumahay” ayuu yiri Guardiola. "Caadiyan waayaheyga tababarenimo iyo keygii ciyaareed, waxaan si weyn u ixtiraamaa dadka igu shaqada ah. Sidaasi darteed waan ka xumahay. Ma aheyn ujeedadeyda sidaas.

"Waxaan shaaca ka qaadi doonaa kooxdeyda cusub marka aan saxiixo qandaraas.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip