Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Bristol

0
Friday October 19, 2018 - 11:31:25 in Wararka by
  • Visits: 1303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Bristol

    Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Bristol Waxaa indhoweeyto lagu qabtay magaalada Bristol (UK) xaflad lagu soo dhaweeynaayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Xafladaas ayaa waxaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Bristol Waxaa indhoweeyto lagu qabtay magaalada Bristol (UK) xaflad lagu soo dhaweeynaayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Xafladaas ayaa waxaa loo soo abaabulay si heer sare ah. Waxaana ka qeybqaatay qeybaha kala duwan ee bulshada sida odayaal, dhalinyaro, gabdho wiilal, wadaado, waranle iyo aqoonyahano. The Bristol Hotel ayaa Xafladaas ka dhacay iyadoo halkaas ay ka jeediyeen qudbado kala duduwan oo ay soo jeediyeen wafuud ka socotay magaalooyin ka baxsan Bristol. Axmed Nuur (Seyga Ruushka) oo ahaa ciyaartooy caan ah barisamaadkii ayaa wuxuu amaanay ugu horeeyn reer Bristol iyo siday wax u soo qabanqaabiyeen wuxuuna yiri:"waaba inaan halkaan u soo guuraa". Wuxuu kaloo amaan la dul istaagay dowladii uu mudane Xasan Sheekh Maxamuud hoggaaminaayay iyo wax qabadkeedii. Prof. RUUMI oo isna ah aqoonyahan matalayey reer Birmingham ayaa wuxuu sheegay inuu Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ka masuul ahaa in la yagleelo Akadeemiya-Goboleedka Af Soomaaliga oo uuna aad u soo dhaweeynaayo xisbiga cusub.

Abdishakuur Ibraahim Ali oo ah Guddoomiyaha Jaaliyadda bristol ayaa soo dhaweynta madam aad ugu qeybqaatay asigoona sheegay Mudane Xassan Sheikh inu yahay hogaamiye dacad ah dalkane u baahan yahay Jaaliyaadda Bristoolna ku booriyay in Xisbiga uu horkacayo Muadane Xassan Sheekh in la taageero.

Maryan Jaabir oo iyada ka midka ah dadka degan Bristol ayaa waxay sheegay iyadu inay hore u taageersaneed madaxweynihii hore ayna hada meesheeda kasii wadeeyso. Waxay mudane Xasan Sheekh Maxamuud kula dardaarantay inuusan iloobin xuquuqda reer Muqdisho ee maqan. Dad kale oo ay ka mid ahaayeen Cali Hindi, Dhagacade iyo Gudoomiyaha Jaaliyada Bristol C/Shakur ayaa iyagana waxay aad u amaaneen waxqabdkii madaxweynihii hore iyagoo isla markaana soo dhaweeyay xisbiga cusub ee Midnimada Nabada iyo Horumarka.

Maama Seynab iyo caruurteeda oo ku dhasheen wadankan Ingariiska ayaa waxay madaxweynihii hore gudoonsiiyeen bilad sharaf maadaama uu wax badan usoo qabtay wadanka Soomaaliya. Hibaaq Jaamac oo ah Xildhibaan xisbiga shaqaalaha oo laga soo doorto xaafada ugu Soomaalida badan magaaladan isla markaana u qaabilsan Bristol Ganacsiga Caalamiga iyo Maalgashiga (International trade and investment) ayaa soo dhaweeysay madaxweyne Xasan Sheekh waxayna ku dheeratay fursadaha ka jiro wadankan dhanka dhaqaalaha oo ay haboon tahay in laga faa’iideeysato.

Xildhibaan Xasan Macalin oo isna ka mid ahaa wafdigii la socday madaxweynihii hore ayaa wuxuu ku dheeraaday arimaha xisbiga iyo sida ay iyaga u rabaan in qof walbo oo Soomaali ah ka qeybqaato.

Ugu danbeyn rausalwasaarihii hore ee dowlada kumeelgaarka Soomaaliya mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) ayaa mikrafoonka kusoo dhaweeyay mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay dadka goobta fadhiya aad iyo aad u sugayeen.

Madaxweynihii hore ayaa hadalkiisa waxuu ku bilaabay inuu aad ugu faraxsan yahay imaatinkiisa magaalada Bristol oo weliba si heer sare ah loogu soo dhaweeyay. Wuxuu kaloo sheegay inuu la socdo in ay Bristol tahay magaalo Qofkii ama siyaasigii ay dhabarka ka taabtaan uu helaayo wuxuu rabo markaa wuxuu yiri: "reer Bristoloow anigana waxaan idinka rabaa inaad dhabarka iga taabataan” Mudane Xasan Sheekh wuxuu ku dheeraaday inay dowladnimada iyo meesha laga soo bilaabay iyo inuu madaxweyne kastaa meel gaarsiinaayay oo ay taa ku timid ugu danbeyn in isaga uu si diimuquraadiyad leh ugu wareejiyo xilka madaxweynenimo Maxamed C/hi Farmaajo markii laga guuleeystay. Waxuu dadweynaha ugu baaqay inay ilaashtaan dowladnimadooda. Tan kale madaxweyne Xasan wuxuu xusay in ay Xisbiga Midnimada Nabada iyo Horumarka ay daahfureen.

Xisbigaas waxaa ku midoobay dhowr xisbi waxuuna ka shqeeyndoona danta shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Reer Bristol waxaa looga baahan yahay inay xubno ka noqdaan dhaqaalena ku taageeraan ayuu yiri madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud. Xafladaas ayaa waxaa laysku raacay inay eheed mid aad u qurux badan waxayna kusoo dhamaatay guul. Dhamaan dadkii kasoo qeyb galay waxay isku raaceen inuu Xasan Sheekh Maxamuud yahay hogaamiye ay Soomaaliya u baahan tahay.

HLKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip