Dadweynaha & Dowladu maxey ka faa'iideen Bajaajka?.

0
Monday October 08, 2018 - 07:46:02 in Wararka by
  • Visits: 761
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadweynaha & Dowladu maxey ka faa'iideen Bajaajka?.

    Magaalada Mogadishu waxaa la sheegaa in qiyaastii ey ka shaqeyaan 23.000 Mooto Bajaaj dhan. Mid kasta Bishii waxaa laga qaadaa $ 15. Sannadkii waxaa ka soo xaroota $15X 12X 23.000= $ 4.140.000. Fasaxa wadaha, (Driving license) qiimihiisu waa $ 150.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Mogadishu waxaa la sheegaa in qiyaastii ey ka shaqeyaan 23.000 Mooto Bajaaj dhan. Mid kasta Bishii waxaa laga qaadaa $ 15. Sannadkii waxaa ka soo xaroota $15X 12X 23.000= $ 4.140.000. Fasaxa wadaha, (Driving license) qiimihiisu waa $ 150. Waxa ey noqonee $ 150X 23.000=$ 3.450.000. sidoo kale Buuga milkiyadda Mootadu waa $ 150. Waxa ey noqonee. $150X 23.000= $3.450.000. Canshuurta Buugu waa sannadkiiba $20,waxa ey noqonee.$ 20 X 23.000= $460.000. wadarta Lacagta tooska ah ee ka soo Xaroota Bajaajka Sannadkiiba waa $ 11.500.000.

waxa jira dakhliya kale oo Toos iyo dadaba ah oo Bajajta ka soo Xarooda sida: Marka ey dekada ka soo degee waa la canshuuraa. Waxaa sii dheer ( Driving License) waa in la cusbooneysiiyaa 3 dii Sannaba mar. Shidaalka ey isticmaalan Literkiiba waxaa saaran canshuurta dadban.

Waxaa ku tiirsan Bajaajka 23.000 Qoys oo ey biilaan, waxaaba suura gal ah, in Bajaajyada Qaar in waduhu uuna milkiila aheeyn oo halkaa Mooto uu biilo Dhowr Qooys ,Dadkaasi Biilka ey isticmaalan sida cuntada waxaa ku dhaca cashuur dadban .

Bajaajta waxa raaca Ardayda, Macalimiinta, Ciidamada, Shaqaalaha Dowladda iyo Daweynaha soo adeeganayo, waxaa Abuurmay Garaashyo badan oo aan hore u jirin oo Bajajka oo kaliya lagu Hagaajiyo dad badanina ey shaqa ka heleen. "Qof ahaan annigu bishii waxaa Bajaajta raacaa 50 mar”. Bajaajku waxa ey yareysay Tahriibkii, dhalin yaro shaqa la’aantu ku khasbi leheyd in ey galaan fal dambiyeed ayey shaqo u abuurtay, Dadka magaaladu aad ayey ugu faa’iideen isticmaalka Bajaajka, oo qabata howl eyna qaban Karin gaadiidka kale.

Lactaa ah $11.500.000 Qeyb ka mid ah waxaa lagu dhisi karaa sannadkii dhowr waddo oo xaafada dhexdooda ah, bacdamaa waddoyinkii waaweynaa inta badan ey xiran yihiin.

Ceyrsiga ciidamada Dowlada Hoose iyo kuwa wadooyinka waxaa u sii dheer, waa la dilaa, gaadiidka ka waaweyn haduu shil galiyo iyagaa eeda la saaraa, waana la Af lagaadeeyaa, iyaga laftoodu dhib waa geeystaan.

Haddii Tiradu ey ku badato magaalada waa la xadidi karaa, iyada oo qorshe loo sameeynayo. Wareegtada cusub ee dowlada hoose ku mamnuucday soo dajinta Bajaaka kuma cadda: ma kuwa magaaladaa la mamnuucay in ey soo degaan?. Ma kuwa Gobaladaa u soo degayaa?. Ma cadda Nuuca Bajajta la joojinayo, ma kuwa dadka qaadaa mise waa kuwa xamuulka qaado?. kuwa hadda badda ku soo Jiro ma ku jiraan mamnuucida?. yaa iska leh awooda mamnuucida?. Ma wareegtada hadda lagu mamnuucay ee dowlada hoosaa?. Mise waxa Jooji kara wasaaradaha Gaadiidka iyo Ganacsiga?. Dowlada hoose waxa ey awood u leedahay oo kaliya in ey tiraa fasax Dambe bixin meyno.

( Bajaaj $ 3000 jooga Hala joojiyo, Baabuurta aan Xabaddu karin oo $ 50.000 ilaa 70.000 joogana hala soo badiyo, waa i mari weysay, ninba kii u Dan ah dalbadana waa la diiday)

FG: waxaa haboon in Qorshe loo dejiyo, Lacagtaa kow iyo toban & barka Million ee Doolar ah ee Magaca Bajaaj ku soo Xarooto Qayb ahaan in iyaga wax loogu qabto, sida dhowr waddo xafadeed oo isticmaalkoodu u badan yahay. in Iskaashatada gaadiidku ey la timaado qorshe ey wax ugu qabanee, wadooyinka qaar ha loo furu si ciriirigu u yaraado, Arragtidaada xur ayaad u tahay wixii iga khaldan iga sax.

Qore: yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip