Beyle "Shuruudo badan ayaa nagula xiray soo daabicida lacagta cusub"

0
Friday October 05, 2018 - 16:30:13 in Wararka by
  • Visits: 241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beyle "Shuruudo badan ayaa nagula xiray soo daabicida lacagta cusub"

    Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in shuruudo badan lagu xiray oo daabicida lacagta cusub ee Shiling Soomaaliga. Wasiir Beyle ayaa sheegay inay ka go'an tahay in lacag cusub ee Shilling Soomaali la s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in shuruudo badan lagu xiray oo daabicida lacagta cusub ee Shiling Soomaaliga. Wasiir Beyle ayaa sheegay inay ka go'an tahay in lacag cusub ee Shilling Soomaali la soo daabaco, taasoo qeyb ka ah Qaranimada dalka. "In la soo celiyo lacagta Shilin Soomaaliga qaranimadeena ayay qeyb ka tahay, waana naga go'an tahay, laakiin shuruudo badan ayaa nagula xiray"ayuu yiri Wasiir Beyle.

Waxaa uu sheegay in 27 shuruudo lagu xiray oo qeybo badan ay soo dhameeyeen, sidoo kale waxaa uu tilmaamay in laga doonayo 41 Milyan oo doolar oo ah qarashka ku baxaya daabacaada lacagta sida uu yiri.

Mr Beyle ayaa sheegay in waxyaabo badan oo isku xiran in la fuliyo ay ka horeyso soo daabicida lacagta cusub ee Shiling Soomaaliya oo ay ka mid tahay in musuq maasuq la yareeyo.

Dhowaan ayay aheyd markii Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle uu soo bandhigay nuqulo ka mid ah lacagta cusub ee Shiling Soomaaliga dowladda ay soo daabacaneyso.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip