Guddoomiye Yariisow oo shaqo joojin ku sameeyay Lataliyihiisa Saxaafada

0
Thursday October 04, 2018 - 20:01:28 in Wararka by
  • Visits: 374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Yariisow oo shaqo joojin ku sameeyay Lataliyihiisa Saxaafada

    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa qoraalka soo baxay xafiiskiisa waxa uu shaqada ugaga joojiyay lataliyihiisa arrimaha saxaafada Shadoor Xaaji Maxamuud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa qoraalka soo baxay xafiiskiisa waxa uu shaqada ugaga joojiyay lataliyihiisa arrimaha saxaafada Shadoor Xaaji Maxamuud.

Hase yeeshee qoraalka shaqada loogaga joojiyay Shadoor Xaaji ayaan lagu sheegin sababta rasmiga ah ee uu ku muteystey shaqo joojinta.

Shadoor Xaaji ayaa hore u ahaa Agaasimihii Warfaafinta Madaxtooyada Xilligii uu ahaa Madaxweynaha dowlada federalka Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna xilligaasi ahaayeen saaxibo dhow Shadoor iyo guddoomiye Yariisow.

Balse shaqo joojintan ayaa ku soo beegantay xilli maanta uu ka dhacay magaalada Muqdisho munaasabad si rasmi ah loogu shaaciyay xisbiga cusub ee mucaaradka ah ee uu horboodayo Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Waxaa la tuhmayaa in cadaadis uu ugaga yimid Guddoomiye Yariisow madaxda sare ee dalka in uu shaqada ka eryo Shadoor oo markii horeba aan si rasmi ah loo shaacin xilka uu ka hayay Maamulka gobolka Banaadir maadaama uu ka qeybgalay munaasabada ku dhowaaqsita xisbiga UPD.

Waxaa laga cabsi qabaa in dad badan oo maanta lagu arkay Madasha Daahfurka Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ay xilalkooda ku waayaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip