War Cusub oo kusoo kordhay Duqeymo Shacab Khasaare Ka Soo Gaartay Oo Ka Dhacay Gobalka Gedo + Sawirro

0
Thursday October 04, 2018 - 19:22:42 in Wararka by
  • Visits: 367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Cusub oo kusoo kordhay Duqeymo Shacab Khasaare Ka Soo Gaartay Oo Ka Dhacay Gobalka Gedo + Sawirro

    Wali waxaaa la hadal hayaaa oo marba marka ka danbeysa ay warar kasoo baxayaan diyaarado Dagaal oo xalay xili danbe duqeymo Xoogan ka geystay Ceel-Cadde ee gobolka Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wali waxaaa la hadal hayaaa oo marba marka ka danbeysa ay warar kasoo baxayaan diyaarado Dagaal oo xalay xili danbe duqeymo Xoogan ka geystay Ceel-Cadde ee gobolka Gedo.

Duqeynta ugu xoogan ayaa ka dhacday xaafadda loo yaqaano Makka ee caanka ku ah ‘Qansax Oomane’ halkaas oo ay diyaarado ku garaaceen dhowr gantaal oo dhaliyay khasaare u badan mid Hantiyadeed.

Dadka deegaanka ayaa guryahooda isaga kala cararay durbaba markii ay maqleen jugtii ugu horeysay, waxaana la sheegay in guryaha la beegsaday iyadoo ay inta badan dadkii daganaa ka kala carareen.

Dadka ugu badan ee ku dhaawacmay duqeynta waa dumar iyo caruur kuwaas oo hadda lagula tacaalayo goobo caafimaad oo ku yaalla deegaanka Ceel-Cadde.

Sarkaal katirsan ciidamada Military-ga dowladda Soomaaliya oo magaciisa inaan qalabka warbaahinta u adeegsano diiday ayaa sheegay duqeynta in lala bartilmaameydsaday guriga qoyska madaxa gaashaandhiga Xarakada Al shabaab ugu magacaaban gobalka Gedo Macalin Cismaan.

Halkaan Ka Daawo Sawirada Burburka Ka Dhashay Duqeyntii deegaanka Ceel-Cadde.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip