DHAGEYSO: Muqtaar Roobow oo Baydhabo kaga dhawaaqay inuu yahay musharax

0
Thursday October 04, 2018 - 18:56:56 in Wararka by
  • Visits: 313
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHAGEYSO: Muqtaar Roobow oo Baydhabo kaga dhawaaqay inuu yahay musharax

    Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ayaa halkaasi wuxuu kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed. Roobow ayaa saakay ka ambabaxay magaalada Muqdisho, wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ayaa halkaasi wuxuu kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed. Roobow ayaa saakay ka ambabaxay magaalada Muqdisho, waxaana magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay dadweyne aad u fara badan oo ka kooban masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Muqtaar Roobow ayaa garoonka waxaa lagaga soo galbiyay gaadiid kuwa gaashaaman ah, iyada oo inta badan garoonka iyo xaafadaha ku dhaw uu kula soo lugeeyay dad fara badan, waxaana sheeda kala socday ciidamo badan oo ammaankiisa sugayay.

Dadweynihii soo dhaweyntiisa isugu soo baxay ayuu u sheegay sababta uu isku soo sharaxay inay ka dambeysay kadib markii uu codsi uga yimid dad badan oo ka soo jeeda degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Dad badan ayaa aaminsan in Muqtaar Roobow uu door wacan ka sameyn karo loolanka doorasho ee ka dhacaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Bartamaha bisha soo socota ayaa magaalada Baydhabo waxaa la qorsheynayaa inay ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, taasi oo ay ku tartamayaan musharaxiin badan oo uu ka mid yahay madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Audio Player



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip