Qalanjadii cagaha caddayd ee hanatay quluubta reer Cape Verde - Bal la kulan Cesaria Evora

0
Thursday October 04, 2018 - 09:42:54 in Wararka by
  • Visits: 285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qalanjadii cagaha caddayd ee hanatay quluubta reer Cape Verde - Bal la kulan Cesaria Evora

    waxaa si fiican loo bartay ayadoo 47 jir ah Cesaria Evora waxaa hibadeeda dhanka fanka ah caalamka looga baraarugay iyadoo 47 jir ah. Waxay noqotay qof dunida caan ka ah iyo shumac ifaya oo ku caan baxday qaabka heesaha morna. Waxaa naynaas lo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaa si fiican loo bartay ayadoo 47 jir ah Cesaria Evora waxaa hibadeeda dhanka fanka ah caalamka looga baraarugay iyadoo 47 jir ah. Waxay noqotay qof dunida caan ka ah iyo shumac ifaya oo ku caan baxday qaabka heesaha morna. Waxaa naynaas looga dhigay qalanjadii "cagaha caddayd", maadaama ay heesi jirtay iyadoo aan kabo xirnayn. Cesaria waa qaybtii ugu horraysay barnaamijyo xiriir ah oo afar ah - Haweenka Afrika ee wax ka beddelay dunida - qaybtii 2aad.

Cesaria waxaa si fiican loo bartay ayadoo 47 jir ah

Image caption Cesaria 

Cesaria, oo dalka Cape Verde ku dhalatay 27-kii bishii Agoosto ee sannadkii 1941-kii, waxay ku soo kortay saboolnimo ka dib markii uu aabeheed geeriyooday iyadoo 7 sano jir ah.

Hooyadeed oo aad ula daalaa dhaceysay korinta 6 carruur ah ayaa caqabad kala kulantay rafaadka saboolnimada, waxayna Cesaria geysay xarun lagu xannaaneeyo ilmaha agoonta ah, si ay nolosheeda u kafaala qaadaan.

Paris ayey ku duubtay albumkii ugu horreeyey ee ay soo saarto
Image captionParis ayey ku duubtay albumkii ugu horreeyey ee ay soo saarto

Marki ay gaartay da'da 16 sano ayuu qof saaxiib la ahaa ku qalqaaliyay iney ka heesto maqaaxi ku taallay Markab dushiis.

Xilligaas waxay ahayd haweeneyda kaliya ee ku jirtay dadkii bandhigyada heesaha ka sameynayay dhammaan jasiiradihii uu markabka sii marayay.

Laakiin wakhti aad u dheer ka dib ayey Cesaria gaartay heer caalami ah.

Muddo ka dib, nin soo saare ah ayaa ku casuumay magaalada Paris, si ay u duubto album heeso ah, xilligaasna waxay da'deeda ahayd 47 sano.

300,000 oo ka mid ah albumkeeda
Image caption300,000 oo ka mid ah albumkeeda "Miss Perfumado" ayey London ku iibisay

Waxaa u suurta gashay iney ku caan baxdo hindiseheedii ay dabeecadda uga dhigatay iney dacas la'aan ku heesto, kaasoo ay ku soo jiidatay indhaha dad fara badan oo amuuraha fanka daneeya.

Inta badan waxay bandhigyada sameyn jirtay iyadoo sigaar cabeysa, marba marka ka dambeysana, Cesaria way sii caan baxeysay.

Waxay sidoo kale bandhig weyn ka sameysay magaalada London, halkaasoo ay ku iibisay 300,000 oo koobi oo ka mid ah albumkeedii la magac baxay "Miss Perfumado".

Waxay ahayd halyeeyad ku dhex jirtay qurbe joogta dalka Cape Verde, heesaheeduna dhammaantood waxay ahaayeen kuwo dalkeeda ku saabsan oo murugo leh.

Sannadkii 2003-dii, waxay ku guuleysatay abaal marinta caalamiga ah ee Grammy, oo la siiyo dadka guulaha ka gaaray howlaha fanka.

Cesaria, waxay geeriyootay 17-kii bishii Diseembar ee sannadkii 2011-kii, iyadoo markaas ay da'deedu ahayd 70 sano, waxayna ku geeriyootay gurigeeda oo ku yaalla isla waddankeeda Cape Verde.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip