Duqeyn dad rayid ku dhaawacmeen oo xalay ka dhacday Gobolka Gedo

0
Thursday October 04, 2018 - 09:31:26 in Wararka by
  • Visits: 262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqeyn dad rayid ku dhaawacmeen oo xalay ka dhacday Gobolka Gedo

    Diyaarado dagaal ayaa xalay duqeyn culus u geystay deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo, taasoo waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarado dagaal ayaa xalay duqeyn culus u geystay deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo, taasoo waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta oo bilaabatay xalay abaarihii 10-ka fiidnimo ayaa waxay ku dhaceen xaafado dad rayid ah degenaayeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in duqeynta ay sababtay burbur iyo dhaawaca illaa shan ruux oo isugu jiray dumar iyo carruur.

Inkastoo duqeynta aheyd mid xooggan hadana waxaa yaraa khasaaraha, iyadoo markii dadka deegaanka maqleen guuxa diyaarado dul heehaabaya ay ka kala carareen guryaha, iyagoo banaanka u baxay.

Lama oga cida ka dambeysay duqeyntan iyo dalka uu ahaa, hase ahaatee waxaa looga shakisan yahay in diyaaradaha wax duqeeyay inay ahaayeen kuwa Kenya oo inta badan duqeymo ka geysta deegaanada Gobolka Gedo iyo xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Deegaanka Ceel Cadde ayaa lagu xusuustaa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee Al-Shabaab ku qaaday Ciidamada Kenya, laguna dilay in ka badan 100 askari.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip