DAAWO:Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan Al-Shabaab

0
Thursday October 04, 2018 - 09:22:26 in Wararka by
  • Visits: 352
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO:Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan Al-Shabaab

    Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa maanta ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah ururka Al-Shabaab kaas oo loogaga sifeynayo guud ahaan deegaanada hoos yimaada Maamulka Goboleedka Hirshabelle. Cali Guudlaawe Xus

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa maanta ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah ururka Al-Shabaab kaas oo loogaga sifeynayo guud ahaan deegaanada hoos yimaada Maamulka Goboleedka Hirshabelle. Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Jowhar kadib markii uu toddobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa caasimada dalka ee Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Hirshabelle uu horkacayo dagaal ka dhan ah Alshabaab. "Waxaan ugu maqneyn Muqdisho arrimo shaqo guul ayayna noogu soo dhamaadeen,waxaana aan isla garanay dowlada dhexe in aan horkacno sidii shacabka Hirshabelle loogaga dulqaadi lahaa kooxda nabad diidka ah."ayuu yiri Cali Cabdulaahi Xuseen oo ah haatan ah kusimaha Madaxweynaha Hirshabelle isagoo uu dhinaciisa uu taagnaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed. Kusimaha Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa ammaan u soo jeediyay koox dhowaan kula dagaalantay dagaalamayaasha Al-Shabaab deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe.

"Tacsi ayaan u dirayaa raggii qaaliga ahaa ee ku shahiiday dagaal ay la galeen kooxda nabad diidka kuwaasoo is abaabulay markii ay u adkeysan waayeen dhibaatada lagu hayo,”ayuu sii raaciyay Cali Guudlaawe Xuseen.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa ugu baaqay shacabka Hirshabelle inay hubka qaataan oo ay taageeraan maamulkooda.

"Waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacabka hirshabelle in ay hubka qaataan oo ay la dagaalamaan Al-shabaab dowlada dhexena waanaga ballanqaaday inay garabkeena istaagto.”ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo mas’uuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle kadib markii ay toddobaadyadii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Madaxweyne ku xigeenka hirshabelle oo dib ugu soo laabtay Jowhar


 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip