Galmudug "Aqalka sare wuxuu ku milmay faragelinta DF ay ku heyso D/Goboleedyada"

0
Thursday October 04, 2018 - 08:59:19 in Wararka by
  • Visits: 247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Galmudug "Aqalka sare wuxuu ku milmay faragelinta DF ay ku heyso D/Goboleedyada"

    Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Maxamed Aadan Cusmaan (Masagawaa) ayaa wuxuu sheegay inay weli socoto faragelinta madaxda dowladda federaalka ay ku hayaan arrimo hoosaadka dowlad goboleedka Galmudug, kadib shir jaraa'id oo uu xalay ku qab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Maxamed Aadan Cusmaan (Masagawaa) ayaa wuxuu sheegay inay weli socoto faragelinta madaxda dowladda federaalka ay ku hayaan arrimo hoosaadka dowlad goboleedka Galmudug, kadib shir jaraa'id oo uu xalay ku qabtay magaalada Dhuusamareeb.Wuxuu sheegay madaxda dowladda inay adeegsaneyso xubnaha aqalka sare, sidoo kale golaha aqalka sare ayuu sheegay inay ka gaabiyeen gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, islamarkaana ay ku milmeen faragelinta madaxda dowladda ay ku heyso Galmudug

."Weli waxaa socota faragelinta madaxda dowladda federaalka ay ku hayaan arrimo hoosaadka dowlad goboleedkadka Galmudug, taas oo hada qaadatay waji cusub, iyaga oo adeegsanaya Senatarada aqalka sare ee Soomaaliya, waxaa cad in aqalka sare ay ka gaabiyeen gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, iyada oo ay hada cadahay inay ku milmeen faragelinta dowladda ay ku heyso dowlad goboleedyada gaar ahaan Galmudug”. Ayuu yiri Wasiir Masagawaa.

Weli waxaa muuqata inaan xal waara laga gaarin khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmudug oo mar marka ka dambeysa waji cusub yeelanaya, waxayna arrintu ka sii dartay markii xildhibaanada ay laba u kala qeybsameen, islamarkaana xilalkii ka kala qaadeen madaxda Galmudug.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip