Jamaal Khashoggi: Wariye Sacuudiga u dhashay, marna saaxib la ahaa Bin Laden, oo lagu la' yahay Istanbul

0
Thursday October 04, 2018 - 08:26:47 in Wararka by
  • Visits: 277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamaal Khashoggi: Wariye Sacuudiga u dhashay, marna saaxib la ahaa Bin Laden, oo lagu la' yahay Istanbul

    Khashoggi lama arkin tan iyo galabnimadii Talaadada Suxufi caan ah oo Sacuudiga u dhashay, laguna yaqaanno inuu aad wax uga sheego siyaasadaha dalkiisa, ayaa la la' yahay ka dib markii uu booqday qunsuliyad uu Sacuudigu ku leeyahay Turkiga. Ja

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khashoggi lama arkin tan iyo galabnimadii Talaadada Suxufi caan ah oo Sacuudiga u dhashay, laguna yaqaanno inuu aad wax uga sheego siyaasadaha dalkiisa, ayaa la la' yahay ka dib markii uu booqday qunsuliyad uu Sacuudigu ku leeyahay Turkiga. Jamaal Khashoggi, oo sidoo kalena wax ku qora wargayska Washington Post, ayaa galay qunsuliyadda ku taalla Istanbul, galabnimadii Talaadada. Khashoggi wuxuu u tegey halkaas inuu "warqado buuxbuuxiyo" ayuu wargaysku yiri, wixii markaas ka dambeeyeyna warkiisa lama maqlin. "Ma garanayno in la xiray, ama su'aalo la weydiinayo ama goorta la sii deyn doono" ayuu mar kale wargayska.

Khashoggi lama arkin tan iyo galabnimadii TalaadadaLahaanshaha sawirkaAFP Image caption

Xaaskiisa oo la socotay markii uu qunsuliyadda tagayey ayaan loo ogolaan in ay gudaha u gasho. Sida uu nidaamku yahay, Khashoggi waxaa laga qaaday telefoonkiisa gacanta - arrintaasoo qayb ka ah nidaam caadi ah oo la maro marka la galayo qunsuliyadaha iyo safaaradaha.

Jahawareer ayaa ka dhashay Arbacadii halka uu ku dambeeyo, ayadoo sarkaal Sacuudi ah uu u sheegay wakaaladda Reuters in wararka shegay inla la' yahay Khashoggi ay yihiin kuwo aysan waxba ka jirin, uuna qunsuliyadda ka baxay in yar ka dib markii uu yimid.

Xaaskiisa oo dhismaha dibadiisa joogtay aya arrintaas ku gacan sayrtay, waxayna sheegtay in aysan jirin cid aragtay.

Afhayeen u hadlay madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Khashoggi uu gudaha dhismaha ku jiray, saraakiisha Turkigana ay xiriir la samaynayeen dhigooda Sacuudiga ayagoo xaaladda kala hadlayey.

Khashoggi wuxuu aaminsanaa in isbeddel loo baahan yahay balse keli talisnimo aan loo baahnayn
Image caption Khashoggi wuxuu aaminsanaa in isbeddel loo baahan yahay balse keli talisnimo aan loo baahnayn

Khashoggi ayaa musaafuris iskiis ah ugu noolaa Maraykanka, wuxuuna ahaa qof aad u dhaleeceeya xukuumadda Sacuudiga, gaar ahaan qorshayaasha isbeddelada ee uu horkacayo amiirka dhaxalka leh, Maxamed Bin Salmaan.

"Isbeddel kasta wuxuu la yimaadaa xirxirid cusub, xukunno xabsi, iyo dhaqammo caburis ku dhisan" sida waxaa yiri Jason Rezaian oo ka tirsan Washington Post.

"Marxalad kasta oo la marayo, Jamaal wuxuu akhristayaasha wargayska siin jiray fallooyin qoto dheer, wuxuuna aad wax uga sheegi jiray waddankaas ay adag tahay in gudihiisa wax laga ogaado" ayuu sii raaciyey.

Khashoggi oo hore u ahaa tifaftiraha wargayska Al-Watan iyo TV muddo kooban jiray, ayaa wuxuu sidoo kale ka qayb qaadan jiray barnaamijyada BBC ee looga hadlo arrimaha Sacuudiga iyo bariga dhexe.

Waxaa jiray wakhtiyo uu la taliye u ahaa qoyska boqortooyada ee Sacuudiga, muddo dheerna waxaa loo arkayey qof arrimaha hoose u dhuun daloola, ilaa iyo intii uu ka tegey sannad ka hor, xilli ugaarsi badan oo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda uu jiray.

Waxaa kale oo la ogsoon yahay in uu xiriir aad u dhow la lahaa Cusaama Bil Laden, kaasoo uu wakhtiyo badan ula safray Afganistan, sannadihii 1980-meeyadii, intii uu Soofiyeetku dalkaas ku jiray, walow uu markii dambe si cad u diiday fikradihii Bin Laden, ayna kala hareen muddo dheer ka hor weerarradii 2001 lagu qaaday Maraykanka.

xigasho:-BBC/Somali




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip